Piteå

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Waa meeshaan meesha la yimaado marki guriga la yimaado. Waa aragtida degmada iyo wax aan rajaynayno in ay dareemaan shacabka halkan marki ay yimaadaan. Piteå waa magaalo raaxo leh, magaaladu na waa nabad una dhaw kaymo iyo jasiirad.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

42307

Cabirla dhulka

4640 kiilomitir oo laba jibaaran

Afar qof ayaa ayaa kabaha barafka ku dul maraya baraf.

Halkan waxaa jira noocya badan oo musik ah, munaasabado iyo hawlaha waqtiga firaaqada ah la qabto. Waxaa ah warshado badan oo waaweyn, meelo lagu dalxiiso iyo weliba shirkado waaweyn iyo yaryar isugu jira oo qaybo kala duwan ah.

Deegaan

Piteå waxay kugu soo dhawaynaysaa guryo kala duwan. Waxaa ku yaala vilooyin, guryo iyo guryo safan oo la gadan karo iyo guryo la kiraysan karo. Pitebo waa shirkada guryaha ee degmada oo lagala xiriiro guryaha kirada ah. Waxa kale oo jira shirkado kale oo badan oo gaar loo leeyahay. Xarunta qaxootiga ee degmada waxay caawintaa dadka wadanka ku cusub si ay guri u helaan. Wixii dheerad ah oo degaan ku saabsan waxaad ka heli kartaa boga interneetka ee degmada Piteå.

Dekada doonyaha yar yar xilli qoraxdu sii dhacayso. Doon matoor leh oo yar ayaa ku xiran dekada.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luqadaha ajnabiga ah ee ugu badan magaalada Piteå waa af carabiga, iiraani, dari, soomaali iyo tigree.

Jaaliyado iyo ururu

Piteå waxaa ku yaala in kabadan 300 oo jaaliyadood, inta ugu badana waa ciyaaro dhaqan. Waxaa kale oo jira jaaliyado yar yar oo dad ajnabi leeyihiin, waxaa ka mid ah jaaliyada islaamka ah iyo jaaliyada soomaalida. Waxaad ka helaysaa jaaliyada sheqeeya oo dhan liiska diiwaangalinta ee degmada Piteå.

Kaniisada iswiidhishka ee Piteå waxay kugu soo dhawaynaysaa cashirada in ay kaa caawiso iyo marmar ay abaabulaan xaflado cunto iyo cabitaanba leh, ayaga oo la shaqaynaya dowlada hoose iyo fanaaniin kale. Waxaa kale oo ku yaala jaaliyada laankhayrta cas.

Haweenay xiran xijaab ayaa daansaysa. Hareeraha haweenaydan waxaa daansaya dhowr qof oo kale oo sacabka garaacaya.

Maxaa ka ag dhaw

Bartamaha magaalada Piteå wax walba inta badan way u dhawdahay. Waxaa ku yaala labo suuqyada dusha ka dadan ah, dukaamo, meel shaaha lagu cabo iyo maqaaxi. Waxa kale oo ku yaala xafiiska caymiska, xafiiska canshuurta iyo xarunta qaxootiga oo ku taal bartamaha. Xafiiska shaqada, maktabad iyo dhismaha maamulka degmada oo iyagana in yar u jirta. Wax yar in u jirta martamaha magaalada waxaa ku yaala dukaamo badana oo lagu iibiyo waxyaabaha lasoo isticmaalay sida dharka, alaabta, maacuunta, qalabka cayaaraha iyo waxyaabo kale oo badan oo qiimo jaban ah: suuqa dib u isticmaalinta ku celiska ah, laanqayrta cas iyo Second Chance.

Dukaanka alaabta la soo isticmaalay oo leh alaabta la soo isticmaalay ee guryaha, maacuunta, dharka iyo alaabta sharaxaada ah.

Studio Acusticum waa garoon muusiga loogu talagalay oo casri ah iyo toos ugu dhaw jaamacada muusiga. Waxaa halkan ku yaala dhismooyin badan oo cayaaraha loo gu tala galay xiliyada xagaaga iyo jiilaalka. Magaalada cayaaraha ee Piteå waxay muujisaa dadka ugu fiican cayaaraha kala duwan, cayaaraha barafka, fardaha, kubada cagta ee haweenka iyo cayaarta xeegada ee barafka ee haweenka.

Afar gabdhood oo kubadda cagta ciyaaraya maalin cad-ceed jirto.

Biyaha iyo jasiiradaha u dhaw waa kuwa loo riyaaqay sanadki oo dhan. Xiliga xagaaga xeebaha aad ayaa loosoo booqdaa, sida Piteå meesheeda dabaasha oo aad u wayn iyo dhismooyin dalxiis oo caan ah. Xiliga jiilaalkana waxa ay shacabka degan Piteå raacaan cayaaraha kala duwan ee barafka.

Jardiinada biyaha Piteå maalin xagaa ah. Guryo guduud ah lehna hareerayaal cadaan ah oo ku dhinac yaala badda.

Dalyeelka carruurta

Piteå waxaa ku yaala xanaanooyin ay degmada leedahay, xanaanooyin gaar looleeyahay iyo xanaano kale oo ay furteen waalidiin iskaashatay. Qaar ka mid ah waxaa loo yaqaan Reggio Emilia iyo Montessori, mid xanaanada ka mid ah waxa ay diirada saartaa howlaha firfircoonida ee dibada iyo howlaha dibada. Waxaad boos ka dalbankartaa waaxda waxbarashada. Wixii intaa sii dheer oo ku saabsan xanaanooyinka k aaqriso boga interneetka ee degmada Piteå.

Piteå waa kale oo ku yaala xanaanada furan meesha oo waalidka iyo carruurtooda yaryar ay tagaan oo ay la kulmaan waalidiin kale oo iyaguna carruur yar yar heesata, guriga qoyska, oo ay dowlada degmada hoose leedahay iyo meelo badan oo la is kugu tago sida meesha reer miiyga isugu taga oo ay leedahay kaniisada iswiidhishka.

Laba caruur ah oo ku taagan dhowr dhagax biyaha dhinacooda. Qoraxdi oo sii dhacaysa.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Piteå waxaa ku yaala ku dhawaad 30 dugsi hoose dhexe ah. Qaas ahaan waxaa ku yaala iskoola la dhaho Christinaskolan oo lagu barto cayaarta qoob ka caraarka ee iswiidhishka kana bilaawma fasalka afaraad iyo casharo muusiik ah oo loo dhigo fasalada 7-9 ka, Öjebyn waxaa ku yaala fasalada maqalka oo loogu tala galay iskoolka oo dhan iyo Norrmalmskolan wuxuu bixiyaa hawlaha Montessori asiga oo siiya ardayda fasalada hoose dhigata.

Waxaa ku yaala labo dugsi sare ah. Strömbackaskolan wuxuu bixiyaa barnaamijyo badan oo caalami ah iyo barnaamijka soo bandhiga. Waxaa kale oo ah barnaamij qaadasha qaranka cayaaro iyo warshadaha wax rakiba. Gransnaturbruksskola wuxuu bixiyaa waxbarasho dugsi sare oo dhinaca beeraha iyo xoolaha ah iyo barnaamijka soo bandhiga.

Piteå waxa akale oo ku yaala dugsi hoose iyo iskool jimicsi, Rönnskolan, bartamaha Piteå iyo dugsi sare iyo shaqada jimicsiga ee iskoolka Strömbackaskolan.

Qaybta buugta caruurta ee maktabada magaalada Piteå. Buugta caruurta ayaa saaran khaanadaha.

Furadaha waxbarasho

Waxbarashada dadka waaweyn waxa ay bixisaa cashirada aasaaska ah, kuwa dugsiga sare, waxbarasho khaas ah ee dadka waaweyn, kuwa kala duwan oo shaqo xirfadeed ah iyo luqada iswiidhishka ee dadka ajnabiga (sfi). Hadi oo soo maraya lataliyaha waxbarashada ee jooga xafooska lataliyaha waxaad ka helaysaa hadii aad caawinaad u baahantahay xaga shaqada ama waxbarashada qaybaheeda kala duwan, xataa jaamacada, iskoolka farsamada iyo dugsiga laseexdo ee waxbarashadadadka waaweeyn.

Piteå waxa ku yaala oo kale Framnäs jamacadiisa iyo jaamacada muusikada, qayb ka mid ah jaamacada farsamada ee Luleå, waxayna bixiyaan cashiro badan oo kala duwan- badanaa ku saabsan muusiiga, wada hadalha iyo war baahinta. Jaamacada farsamada ee Luleå waxay jirtaa masaafo yar oo la iskugu socdo, basaska la isku raacana aad u wanaagsan.

Dhamaan ajnabiga iswiidhen yimaada waxaa loo dhigaa isdhexgalka bulshada sida ay iswiidhan u shaqayso.Taana waxaa isku daba rida waaxda ajnabiga qaabisha.

Caafimaadka

Piteå waxaa ku yaala isbitaal, isbitaalka Piteå älvdals lehna dhowr qaybood oo daryeel iyo rugta qaabilaada deg-dega. Degmadan waxaa ku yaala shan xarumood oo caafimaad oo uu wado maamulka gobolka iyo mid laga wado maamul baraayfad ah. Dhowr ka mid ah waxaa laga helaa ruggaha caafimaadka hooyada, rugta daryeelka caruurta iyo daryeelka tababarka jirka marka xanuun jiro.

Degmada waxaa ku yaala shan xarumood oo daryeelka ilkaha ah, hal xarun oo taqasuska ilkaha ah iyo shaybaarka ilakaha. Waxaa kale oo jira kuwa ku taqasusay daryeelka ilkaha.

Caawinaad turjubaan

Hadii aanad ku hadlin ama aanad fahmaynin luqada iswiidhishka waxaad heli kartaa marki aad doonayso in aad la xiriirto xafiisyada dowlada ama koobaha caafimaad. Taana waxaa masuul ka ah xafiiska aatagayso ama koobta caafimaad.

Xiriirka gaadiidka

Adeega basaska ee Piteå baxnaaniya Citybuss. Khadadka dhan waxay maraan bartanka magaalada. Waaxda socdaalka waxay ku shaqo leedahay safarada aadaya toolooyinka iyo degmooyinka deriska ah. Basaska waaxda socdaalka waxa ay ka baxaan goobta basaska.

Tariin isteeshinka ugu dhaw waxa uu ku yaala Älvsbyn iyo Luleå, waqtiyada tariinka waxa aad ka helaysaa sj.se. Garoonka diyaaradaha ee Luleå ayaa ugu dhaw garoon diyaaradeed waxaana ka baxa diyaarado badan oo Stockholm iyo meela kale u kala socda.

Akhri dheeraad ku saabsan gaadiidka dadweynaha ee degmadan.

Xarunta dukaamada weyn ee Piteå. Nin iyo haweenay ku socda xarunta dukaamada weyn oo daawanaya dukaamada.

Shaqo iyo ganacsi

Piteå waxaa ku yaala dhawaan 3 800 oo shirkadood. Waxaa ku yaala warshadood oo waaweyn oo warqadaha sameeya, warshadaha farayaamada oo badan, garaashyo iyo qaybaga adeega oo kala duwan. Qaybaha kale oo aad u hormara waa enerjiga dib loo cusbooneesiin karo, dalxiiska iyo waxsoo saar iyo dhaqdhaqaaqa dhaqanka.

Degmada Piteå waa shaqabixiyaha ugu wayn oo haysata ku dhawaad 3 500 oo shaqaalo.

Degmada Piteå waxay kale oo maamushaa bartamaha shikadooyinka ee Piteå, meeshaa oo dadka doonayo in ay shirkad furtaan ay ka heli karaan taageero iyo caawinaad.

Jidka dadku maraan ee Piteå maalin xagaa ah. Dad dhinac socda jidkan oo daawanaya dukaamada.