Askersund

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Askersund waxeey ku taal koofurta gobolka Närke agagaarka balliga weyn ee Vättern. Faras magaalaha degmada waxuu ka kooban yahay guryo alwaax ka sameeysan iyo jidad dhagax ka sameeysan.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

11377

Cabirla dhulka

1020 kiilomitir oo laba jibaaran

Bartamaha magaalada waxaa ku yaal suuqa oo eey ku yaallaan dukaamo, makhaayado, biibitooyin iyo dekadda oo meel dhw ku taal. Degmada wakhtiga xagaaga nuurkeeda wuu sii kordhaa waxaana usoo dalxiis tago dad ka kala yimaada aduunka dacalladiisa.

Jardiinada xeebta Askersund oo laga arko cirka.

Deegaan

Degmada Askersund waxaad ka heli kartaa guryo kala duwan oo isugu jiro fillooyin, kuwa dabaqa ah iyo kuwo waaweyn, kuwo aad gadan kartid iyo kuwo aad ijaar ugu jiri kartid. Guryaha qaar waa da' qaarna weey cusub yihiin. Xaafadaha u dhow bartamaha degmada Askersund waa Hammar, Olshammar, Rönneshytta, Zinkgruvan, Åmmeberg iyo Åsbro. Tuulinka yaryar ee degmada waa Estabo, Kårberg, Lerbäck, Mariedamm, Skyllberg, Snavlunda, Sänna iyo Nydalen.

Shirkadda guryaha ee ugu weyn waa Askersunds Bostäder waxeeyna guryo badan ku leedahay xaafadaha aan kor kusoo sheegnay. Hadaad rabtid inaad saf u gashid guryahooda waxaad warbixin dheeraad ah ka heleysaa boggooda inernetka. Waxaa jira shirkado kuwa gaarka loo leeyahay ah oo kireeya guryaha. Liis eey shirkadahaas o dhan ku qoran yihiin waxaad ka heleysaa bogga internetka ee degmada Askersund.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Waxaa degmada looga hadlaa luqado kala duwan, sida, carabi, ingiriis, faransiis, daari, tigree iyo iiraani.

Jaaliyado iyo ururu

Askersund waxaa ka jira howlaha firfircoonida oo isugu jiro isboortis iyo howlaha xilli firaaqaha, ururada kaniisadaha iyo howlaha firfircoonida ee loo qabto qoysaska. Waxaa degmada Askersund ka jira ururo karishtaan ah, ururo diimeed iyo jaaliyado, tusaale ahaan, kaniisada iswiidhishka, kaniisadaha Pingstkyrkan, Missionskyrkan iyo kaniisado kaloo madax bannaan. Masaajidka ugu dhow waxuu ku yaal Örebro, 5 mayl ayuu u jiraa Askersund. Degmada waxaa ka dhisan jaaliyado badan oo isboortiska ka howlgala. Waxaad jaaliyadaha kala duwan ka heli kartaa liiska jaaliyadaha.

Koox ah ciyaaryahanada kubbadda cagta iyo laba tababarayaal ah oo si wareeg ah ugu urursan garoonka kubadda cagta.

Maxaa ka ag dhaw

Askersund waxeey leedahay faras magaalo qurux badan oo eey ku yaallaan dukaamo, dukaamo cunto, biibito iyo makhaaayado. Hadaad rabtid inaad iibsatid alaab rakhiis ah iyo dhar waxaad kasoo gadan kartaa xarunta bisha cas iyo suuqaq yaryar oo aad kala dooran kartid. Warbixin dheeraada waxaad ka heli kartaa bisha cas boggeeda internetka. Alaab cusub waxaad gadan kartaa dukaamada sida IKEA oo ku yaal magaalada Örebro oo 5 mayl u jirta Askersund.

Maktabada waxeey ku taal batamaha degmada waxaana yaal buugaag iyo joornaalo luqado kala duwan ku qoran. Kombiyuuraada maktabada lacag la'aan ayaan ku isticmaali kartaa. Waxaa degmada ku yaal goobo isboortis oo badan sida, kubadda cagta, ciyaarta usha lagu cayaaro, farda fuul. Waxaa kaloo ku yaal labo hoolalka ciyaaraha ah. xarun lagu dabbaasho iyo hool baraf meesha ugu dhow eey ku yaallaan waa Halsberg oo 2,5 mayl u jirta Askersund.

Askersund waxeey ku agtaal balliga labaad ee ugu weyn Iswiidhan ee Vättern. Lacag la'aan ayaad uga kalluumeysan kartaa balliga Vättern. Agagaarka Askersund waxaa ku yaal keynta Tivedalen. Waxaad keyntaas kasoo guran kartaa miro kala duwan.

Xafiiska shaqada waxuu xafiis ku leeyahay degmada halka xafiiska cashuuraha iyo xafiiska ceymiska eey ku leeyihiin xafiisyo magaalada Örebro oo 5 mayl u jirta Askersund. Degmada waxeey leedahay xarunta xanaanada qoyska oo goob kulan u ah waalidiinta iyo caruurta da'dooda eey kala duwan tahay. Waxaa meeshaan ka heli kartaa waxyaabo badan oo waxtar u leh caafimaadkaada iyo kan cunugaada.

Waxaa jira howlo firfircooni oo loogu tala galay qoyska, oo eey qaban qaabiyaan ururyada kaniisadaha, sida Klockarbacken oo loogu tala carruurta da'doodu ka bilaabato 7 sano. Kaniisada Equmeniakyrkan waxeey qaban qaabisaa waxbarasho luqadda iswiidhishka ah oo loogu tala galay dadka waaweyn iyo carruurta, kaniisada Elimkyrkan waxaa loo tagaa shaaheeysi ciyaalkana weey ku cayaaraan.

ABF (Arbetarnas Bildningsförbund) waxeey qaban qaabisaa koorsooyin, xalqado waxbarasho iyo howlo kale. Warbixin dheeraada waxaad ka heli kartaa boggooda internetka. Sida loola xiriiro mas'uulka isdhexgalka dadka waxaad ka heli kartaa degmada boggeeda internetka.

Laan Qayrta Cas dukaankeeda oo laga arko jidka.

Dalyeelka carruurta

Degmada Askersund waxaa ku yaal xanaanada carruureed badan oo eey degmada maamusho, waxaa kaloo jiro dugsi xanaaneed eey gacanta ku haayaan waalidiin isku tagtay. Dugsiga xanaanda waxaa loogu tala galay carruurta jirta hal sano illaa kuwa jira 6 sano. Hadaad u baahan tahay xanaanada carruurta waa inaad sii dalbataa 4 bilood ka hor. Foomyada lagu dalbado waxaad ka heleysaa degmada boggeeda internetka.

Kaniisadaha degmada Askersund waxeey howlo firfircooni u qabtaan carruurta iyo waalidoontooda. Degmada waxeey kaloo mas'uul ka tahay xarunta xanaanada qoyska oo leh xanaanada furan.

Caruur iyo macalin dugsiga xanaanada ah oo u baxay duurka. Caruur u gacan haadinaysa macalimadooda oo jooga buundo alwaax ah oo ka sareysa biyo.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Dugsiyada hoosedhexe ee wadanka Iswiidhan waa qasab waxuna ka kooban yahay 9 waxbarasho sanadeed. Sanad walba waxuu u kala qeybsanyahay labo xilli, xilliga deyrta iyo xilliga guga. Inta eeysan ardayda billaabin iskoolka dugsiga hoosedhexe waxaa jira fasalka xanaanada oo ah mid iskii ah oo loogu tala galay ilmaha lix jirka ah.

Degmada Askrsund waxaa ku yaal 7 dugsiyada hoosedhexe ah, mid hoose iyo mid dhexe waxeeyna ku yaallaan bartamaha degmada, iskoollada kale waxeey ku yaallaan bannaanka degmada. Masaafada eey iskoollada degmada banaankeeda ku yaal ujiraan waa: Åmmeberg 9,3 km, Rönneshytta 14,5 km, Snavlunda 11,4 km, Åsbro 19,1 km, Hammar 12,2 km. Dugsiga sare ee ugu dhow, Alléskolan, waxuu ku yaal degmada Halsberg oo 2,5 mayl u jirta Askersund.

Furadaha waxbarasho

Dugsiga waxbarasho ee dadka waaweyn komvux iyo sfi​​-utbildning, ee ugu dhow waxeey ku yaallaan degmada Halsberg oo 2,5 mayl u jirta Askersund. Waxaa jira basas isku goosha labada degmo. Jaamacada ugu dhow waxeey ku taal degmada Örbero oo 5 mayl u jirta Askersund. Hadaad xiiseyneysid waxbarasho la xiriir xafiiska shaqada. Mas'uulka isdhexgalka dadka ee degmada waxeey bixiyaan koorsooyin ku saabsan sida uu mujmaca iswiidhishka u shaqeeyo.

Haweenay hor fadhida kombiyuutar.

Caafimaadka

Ma u baahan tahay inaad booqatid rugta caafimaadka, rugta daryeelka hooyada iyo ruggta daryeelka dhallaanka iyo rugta daryeelka ilkaha waxeey kulligood ku yaallaan bartamaha magaalada. Waxaa jira dhakhaatiir isugu jiro kuwa caadiga ah iyo kuwa ilkaha oo gaar loo leeyahay. Gurmadka degdega ah ee ugu dhow waxuu ku yaal degmada Kumla, 3 mayl ayeey u jirtaa degmada Askersund. Qofkaan baabuur heysan waxeey ballansadaan gaadiidka degdega ah ee bukaanka oo ku geynaya xarunta gurmadka degdega ee Kumla ama xarunta gurmadka degdega ee Örebro. Isbitaalka ugu dhow waxuu ku yaal Örebro waxaana la dhahaa Universitetssjukhuset - USÖ, oo 5 mayl ujiro degmada Askersund.

Caawinaad turjubaan

Degmada Askersund waxeey turjubaanno ka dalbadaan xafiiska adeega turjubaannada ee degmada Örebro markii loo baahdo.

Xiriirka gaadiidka

Degmada Askersund waxeey ka kooban tahay xaafado yaryar oo leeskugu kala goosho basas. Waxaa xataa basaska loo raaci karaa magaalooyinka waaweyn eey kamid yihin, Motala iyo Örebro. Xarunta gaadiidka ee gobolka Örebro Länstrafiken i Örebro län waxaa ka baxa basas aada degmada kana yimaada degmada Askersund.

Hadaad raaceysid tareen waxuu isteeshinka tareen ee kuugu dhow ku yaal degmada Hallsberg. Shirkadda SJ waxaad ka heli kartaa warbixinno ku saabsan jadwalka wakhtiyada iyo sida aad u gadan kartid tikidyada safarka. Waxaad degmada Hallsberg ka aadi kartaa degmada Askersund.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada ama meelaha la iskugu socdo waxaa ka jira shaqo bixiyayaal yar yar iyo waaweynba leh. Shaqooyinka jira ee la codsankaro waxad ka helaysaa oo lagu soo bandhigaa meesha ay ku qorantahay shaqooyinka banaan. Websidka degmada waxaad ka helaysaa warbixin ku saabsan qofka doonaya in uu furto shikad.