Degerfors

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Degerfors waxeey ku taagala dhulka Värmland, waxeeyna ka tirsan tahay gobolka Örebro. Waxaan uu dhaxeeynaa Stockholm, Göteborg iyo Oslo, waxaana lee nahay xariir fiicana ee dhinaca tareenka iyo baska.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

9666

Cabirla dhulka

432 kiilomitir oo laba jibaaran

Degmadeena waxee lee dahay meel raaxo ah, ayadoo leh wabiyaa yaryar oo badan iyo dabeecado badan. Degerfors waxaa dagan ku dhawaad 10 000 oo qof. Waxaan ku nool nahay bey'ad aamin ah, uu dhow iskuul, shaqo iyo dabiicada.

Bulshada Degerfors oo laga arko xagga sare.

Deegaan

Degmada waxeey lee dahay nuuc degaamo oo kala duwan. Shirkada guriga ee degmada ee lee dahay waxeey heeysaa ku dhawaad 1 000 guriyaal, intaas waxaa si dheer waxaa jiro shirkado guri oo madaxbanaan. Bogga Degerfors waxaa ku jiro liiska shirkada guriyaasha ee kala duwan.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada waa meel maamuleed ee finish ah taasi oo mecnaheed tahay in afka finishka dad badan oo joogo ku hadlaan. Afafka kale ee dad joogo ku hadlaan waa af Tigrinya, af soomaali iyo af carabi.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada waxaa ka jiro ku dhawaad 150 ururo oo si toos ah keenayo in taajir laga ahaado, hadana bato jawiga urureed.

Maxaa ka ag dhaw

Degerfors waa bartamaha degmada. Halkaan waxaa laga helaa maktabad, dukaamo, dukaamo-raashin, kafeteeriyo, maqaayado, garoonka kubada cagta iyo goob banooni. Waxaa jiro dukaamo gacan labaad ah oo badan iyo iska gadid leh soo bandhigid badan ee xaga alaabta guriga, maacuna iyo dharka. Sido kale waxaa ku taalo rugta caafimaadka. Degmada waxaa noogu yaalo labo xaafad oo si yaryar, Svartå iyo Åtorp, hakaas waxaa ku yaalo dugsiga xanaanada iyo iskuulka, dukaanka cuntada iyo maqaayad.

Taageerayaasha Degerfors IF oo jooga halka dadku fariisto ee Stora Valla.

Dalyeelka carruurta

Degmada waxeey lee dahay kow iyo toban ee dugsi xanaano. Halkaan waxaa loo ogal yahay caruurta uu dhaxeeyso 1 iyo 5 sano in ee jogaan markii waliidkooda waxbarasho dhiganayaan ama shaqeeynaayaan. SIdo kale dugsi xanaano oo furan oo ah meel uu kulmaan waalidiinta leh caruur uu dhaxeeyo 0-6 sano.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Isku dar lix dugsi hoose-dhexe ayaa ku yaalo degmada. Halkaan ardayda waxeey dhigtaan laga bilaabaa fasalka bilaabadka ilaa fasalka sagaalaad. Dugsiga sare Möckelngymnasiet waxuu lee yahay waxbarasho xaga farsamada iyo mid aan aheeyn mid farsamadeed.

Afar wiil oo dhalinyaro ah oo ku ururay meesha biyuhu ka soo baxaan oo dhaqaya gacmaha.

Furadaha waxbarasho

Degmada aan dariska la nahay ee Karlskoga waxaa ku yaalo dugsiga waxbarashada sare ee shaqada, dugsiga dadka waa weeyn, dugsi sare ee dadka waa weeyn iyo wabxarashada iswiidhishka ee soo galooytiga. Jaamacad waxeey ku taala Örebro iyo Karlstad, labada ugu badnaan 1 saac ee jiraan. Sido kale waxaa jiro ururo waxbarasho oo soo bandhigo waxbarasho kala duwan.

Caafimaadka

Degerfors waxaa ku taalo rug caafimaad, Pilgården. Waxeey soo bandhigaan waxaa ka mid ah ruga caafimaadka caruurta iyo rugta caafimaadka hooyooyinka. Isbitaalka weeyn ee ugu dhow waxaa ku yaala Karlskoga. Halkaas waxaa ku yaalo oo ka mid ah daryeelka deg dega ah iyo qeeybta dhalista.

Daryeellka ilkaha marka ee ku saabsan tahay waxaa jiro kuwo madaxbanaan iyo midka dadweeynaha.

Degmada waxeey mas'uul ka tahay xanaaneeynta waayeelka, qofka carqalad ama wax howl ka hor joogsado iyo mas'uliyada dhinaca caruurta iyo reerka uu baahan tageero dheeraad ah.

Caawinaad turjubaan

Haddii loo baahdo caawinaad turjumaan, waxaan la xarireeynaa Adeega turjumaanimada ee Örebro.

Xiriirka gaadiidka

Basaska degmada waxaa kala wado Gadiidka-Gobolk Örebro. Sido kale Degerfors waxeey xariir tareemeed oo fiican la lee dahay Karlstad, Oslo, Stockholm iyo Göteborg. Goobta-dulimaadka ugu dhaw waa Örebro iyo Karlstad.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Degerfors waxeey lee dahay ku dhawaad 600 oo shirkad. 3,300 shaqo ee degmada waxeey 1,200 oo shaqo yihiin kuwo warshado. Shaqo dhiibaha madaxbanaan ee ugu weeyn waa Outokumpu, oo ah sameeyaha adunku ugu weeyn waslada birta nuuca aan daxasha laheeyn.

In kale haddii aad rabto in aad sii ogaato oo ku saabsan jawiga shirkadeed ee degmada, la xariir qeeybta jawiga shirkadeed.

Bir kulul oo la soo saarayo.