Karlskoga

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Karlskoga waxeey ku taala dhulka Värmland laakin waxeey ka tirsan tahay gobolka Örebro. Waxaan ku oolnaa meel dabiicad qurxoon leh oo uu dhow biyaha Möckeln. Joqraagi ahaan waxeey ku taal meel stratijiyo la lah Stockholm, Göteborg iyo Oslo oo jiran 30 maayl gudahood.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

30381

Cabirla dhulka

510 kiilomitir oo laba jibaaran

Xafada bartamaha ee degmada waa Karlskoga, hareerkeeda waxaa ku yaalo bulshado sidii Granbergsdal, Linnebäck iyo Immetorp. Karlskoga waxaa dagan ku dhawaad 30 000 oo qof. Karlskoga waxaa fiican tahay in lagu noolaado iyo in la dago, da' kasto ee fiican tahay, waxaan lee nahay adeeg iyo daryeel waayeeleed iyo caruureed oo fiican, iyo fursado fiican ee xagga waxbarashada iyo shaqada.

Deegaan

Waxaa jiro degaano kala duwan gudaha Karlskoga. Waxaa degmada ka jiro 2 500 oo degaan ee degmadeed. Waxaa intaas uu sii dheer shirkado guri kireeyo oo gaar ah.

Akhri dheeraad ku saabsan guryaha degmadan.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Waxaan nahay goob maamuleed ee finish ah, taasi oo mecnaheed tahay in finish uu meesha ka yahay luuqad weeyn. Luuqadaha meesha ku badan waa af ingriis, af carabi, af dari, af bashto, af soomaali, af tigrinya, afka iraan, af kuramanji, afka shineeska, afka fitnaam, af sorani iyo kuwo kale.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Karlskoga waxeey taajir ka tahay ururada oo dad badan ka firfircoonyihiin. Degmada waxey lee dahay ku dhawaad 200 oo ururo oo diiwaan galsan. Waxaad ururada ka heleeysaa diwaanka-ururada ee degmada.

Laba ciyaaryahano ah oo ku loolamaya kubbadda xilli ciyaar kubadda cagta ah.

Maxaa ka ag dhaw

Karlskoga waa bartamaha degmada. Karlskoga waxaa ku taalo maktabad, dukaamo, dukaamo cunto oo leh cunto dibadeed, kafeteeriyo, maqaayado, guri-dabaad, goob-ciyaaraha barafka, garoonka kubada cagta, goobta ciyaarha caruurta iyo jardiino.

Waxaa jiro dukaamo badan oo weeyn gudaha iyo hareeraha Karlskoga.

Waxaa jiro dukaamo gacan labaad/banaan ku gadid badan oo aad ka gadan karto dhar iyo alaab guri oo rakhiis ah.

Dukaamada iyo soo bandhiga aan ku oolin degmada waxaad ka heleeysa 7 maayl gudaheed, meelaha ugu dhow ee weeyn waa Örebro iyo Karlstad.

Hey'addaha dowlada ee ku yaala Karlskoga waa Xafiiska shaqada, qasnada ceeymiska, hey'adda socdaalka iyo xafiiska degmada Karlskoga.

Dalyeelka carruurta

Karlskoga waxaa ku yaalo dugsi xanaano oo furan, dugsi xanaano iyo xanaano rereed ee maalmeed.

Dugsiyaasha xanaanada ee loogu talo galay carurta uu dhaxeeyo da'da 1 5 sano oo baahi uu qabo xanaaneeyn. Degmada xanaanooyinkeeda oo dhan waxaad ka heleeysaa bogga degmada. Sido kale halkaas ayaa ka codsan kartaa boos xanaanadeed ee canugaada loogu tala galay.

Karlskoga waxaa ku yaalo dugsiyaal xanaano oo furan, halkaas adiga oo waalid ah aa la tagi kartid canugaada/ilmahaada ciyaar, la kulan waalid iyo talo waalid darteed. Dugsiga xananaada furan waa lacag la'aan, mana loo baahno in la wargaliyo, maalin kasto aa tagi kartaa ama maalmo qaarkood markii ee meesha furan tahay. Hoowsha waxaa kala wado macalin dugsi xanaanadeed.

Saddex ah caruurta dugsiga xanaanada oo ku ciyaaraya duurka.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Karlskoga waxaa ku taalo 9 dugsi hoose ee degmadeed iyo hal madaxbanaan.

Dugsigeena sare waxaa la dhahaa dugsi sare ee Möckeln , waxeey soo bandhigaan waxbarasho akhris ah iyo mid gacan qabadeed ah.

Waxaa jiro dugsi sare oo madax banaan, Dugsi sare ee isboortiga Karlskoga.

Dhalinyaro joogta jardiino oo ku socda derbi.

Furadaha waxbarasho

Karlskoga waxaa ku yaalo waxbarashada sare ee shaqeeynta, dugsiga daka waa weeyn, waxbarashada dadka weeyn iyo iswiidhiska soo galooytiga.

Haddii aad rabto in aad jaamacad dhigato labo meel oo dhaw ayaa jirto, waa Karlstad iyo Örebro.

Ururada waxbarashada ee Karlskoga waxeey soo bandhigayaan doorsasho badan ee dhanka waxbarashada yadoo la yeesho kulamo. Gudaha Karlskoga urur waxbarasho waxaa tusaale uu ah : ABF, Sensus, ururka waxbarashada Vuxenskolan iyo Eductus.

Haweenay ka shaqaynaysa wershad.

Caafimaadka

Karlskoga waxeey lee dahay isbitaal casri ah oo waxuu lee yahay ka mid ah daryeel degdeg ah iyo qeeyb dhalis.

Anagu waxaanu ka dirsanahay Maamulka gobolka Örebro.

Waxaa jiro 3 rug caafimaad, waa ruggag caafimadka ee Baggängen, Brickegården iyo Karolina oo leh qeebta caruurta iyo hooyooyinka.

Daryeelka ilkaha gudaha Karlskoga waxaa ka jiro mid madax banaan iyo mid guud.

Degmada Karlskoga waxeey mas'uul ka tahay xanaaneeynta waayeelka, dadka curyaanka ah iyo caruurta iyo reerka uu baahan taageero dheeraad ah.

Caawinaad turjubaan

Haddii aad uu rabto in aad degmada la xariirto anaga ayaa habeeyneeyno turjumaan markii loo baahdo anagoo adeegsaneeyno adeega turjumanka 0586- 616 86.

Adeega turjumaanka kale, si aad uu hesho caawinaad turjumaan, wac Örebro 019- 602 31 55.

Xiriirka gaadiidka

Gaadiidka-gobolka ee Örebro ayaa kala wado gaadiidka dad weeynaha oo dhan ee gudaha Karlskoga, halkaan ayaad ka akhrisan kartaa meelaha ee baska ka baxaayaan. Boosteejada-baska ee Karlskoga waxeey ku taala bartamaha, halkaan waxaa ka baxo basas tago magaalooyin weeyn tusaale ahaan Örebro, Karlstad, Stockholm, Oslo iyo magaalooyin kale.

Adeega raacida waxa uu jiraa qofka xaqaa uu leh.

Haddii aad rabto in aad tareen raacdo waxaa jiro boosteejada-tareenka ee Degersfors, safarka iyo tikitka markaa goosaneeysid ka sameeyso bogga SJ.

Waxaa jirto hal shirkad taxi gudaha Karlskoga.

Safar-diyaraadeed meesha ee ka duulaan ee ugu dhow waa Karlstad iyo Örebro.

Shaqo iyo ganacsi

Karlskoga waxaa ku taalo 2 300 oo shirkad, waxaad ka heleysaa diiwaanka-shirkadaha ee degmada.

Halkaan waxaa ku yaalo warshadeeyn-difaac iyo kiimiko oo caalimi ah lehna aqoon farsamo, sido kalena waa degmada ee injineerada ugu shaqo badan yihiin. Warshadaha suubiska kuwo weeyn ayee ka yihiin Karlskoga ayagoo leh ku dhawaad 4 800 oo shaqaale. Daryeel, xanaaneyn iyo maamulka guud waxaa ka shaqeeyo 3 000 oo shaqaale.

Shaqo dhiibaha ugu weeyn waa degmada Karlskoga, Transcom, Isbitaalka Karlskoga iyo SAAB Bogors Dynamics.

Haddii aad sii rabto warbixin dheerad oo ku saabsan shirkadeeynta iyo jawiga shirkadaha ee Karlskrona la xariir xafiiska degmadeed ee Shirkadeeynta iyo Dalxiska Karlskoga.

Ma waxaad tahay qof hami uu hayo in uu bilaabo shirkad gaar ah, la xariir Shirkadeeynta iyo Dalxiska Karlskoga.