Laxå

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Laxå meel fiican ayeey Iswiidhan kaga taallaa waxaana ka jira isku xirnaan xaga gaadidka ah oo ku xiraayo magaalooyin, jidka tareenka iyo jidka E4 oo u dhaxeeya magaalooyinka Stockholm iyo Gotenberg weey agmaraan, waxeey kaloo heysataa waddooyin fiican oo ku geeynaya Örebro, Kumla iyo Hallsberg oo uu tareenka kugu geynayo 15-30 daqiiqo.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

5683

Cabirla dhulka

737 kiilomitir oo laba jibaaran

Meesha biyuhu ka soo baxaan oo ku taala bartamaha Laxå. Xagga dambe waxaa ka muuqda masrax iyo dukaan cunto.

Demada Laxå waxeey ka koobantahay xaafadda Laxå iyo xaafadaha kale ee Finnerödja, Hasselfors, Röfors iyo Tived. Degmada Laxåoo dhan waxaa ku hareersan dhul dabiici ah quruxna badan waxeeyna leedahay keymo waaweyn iyo balliyo qurux badan. Waqtiga xagaaga aad ayaa loosoo booqdaa Laxå waxeeyna dad gaaraya 10-naan kun boogdaan beerta weyn ee Tiveden.

Deegaan

Shirkada degmada ee leedahay ee AB Laxåhem waxeey kuu heysaa guryo fiicnaan badan oo ku yaal degmada gudaheeda iyo xaafadaheeda kale ee Finnerödja iyo Hasselfors. Waxaa kaloo xaafadahaas ka jira guryo kireeyayaal baraayfat ah, waxeey kaloo ka jiraan xaafadaha Röfors iyo Tiveden.

Shirkad weyn oo ah kuwa gaarka looleeyahay waa IFH Properties Laxå AB.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Halkaan waxaa ku sugan dad meelo badan kakala yimaaday, luqadaha ugu waaweyna waa tigree, carabi, teeylaandes iyo daari/beershiska.

Jaaliyado iyo ururu

kaniisadda iswiidhan iyo kaniisado kaloo ah kuwa gaarka loo leeyahay ayaa ka jira degmada. Jaaliyad muslimiinta eey leedahay kama jiro degmada, laakiin masaajid iyo jaaliyado badan oo muslimiin ah waxeey ka jiraan Örebro.

Nolol jaaloyadeedka qaniga ah ee ka jira degmada waxeey fursad kuu siineysaa inaad ka qeybqaadatid. Waxaa jira hoolal isboortis, goobo lagu damaashaado, darjiinno nasasho. Jaaliyada matoorreyda ee Laxå iyo jaalida kubadda cagta ee Laxå waa labo jaaliyadood oo waaweyn.

Maxaa ka ag dhaw

Halkaan waxaa ku yaal xafiiska shaqada, farmashiiye, xafiiska degmda oo qaabila dadka soo galotiga iyo dukaamo dhowr ah, sida dukaan raashin iyo dukaan huudheyda gada. Halkaan waxaa kaloo ku yaal makhaayado badan. Waxaa kaloo ku yaal hool isboortis iyo goobo lagu jimicsado.

Suuqa Marieberg Galleriya iyo IKEA ku yaal Örebro waxeey kuu jiraan 4,5 mayl sida ugu fudud oo aad ku tagi kartidna waa tareen iyo bas.

Dad ku urursan suuq. Miis waxaa la dhigay cabitaan.
Dukaan raashin oo ka samaysan alwaax guduud ah.

Dalyeelka carruurta

Halkaan waxaa ku yaal dugsiyo xanaaneed degmadu eey leedahay, waxeeyna ku yaallaan Laxå Hasselfors, Finnerödja iyo Tived. Safka loogu jiro iskoollada carruurtana wuu gaab yahay.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Dugsi hoosedhexe oo eey degmadu leedhaay ayaa waxuu ku yaal degmada gudaheeda. Da'oyinka yaryar (fasallada 1-3) waxeey heystaan iskool degmada leedahay oo ku yaal Finnerödja. Waxaa heynaa fasallo lagu diyaariyo carruurta iyo dhalinyarada soogalootiga ah. Dugsi sare waxuu ku yaal Hallsberg.

Furadaha waxbarasho

Degmadu waxey wada shaqeyn ka dhaxeysaa degmooyin kale oo ku yaal koofurta gobolka Närke iyo SFI, dugsiga dadka waaweyn iyo dugsiga kuwa dhimirka la' ee ku yaal Hallsberg Allevux (15 daqiiqo oo tareen ah). Degmada waxeey qabanqaabisaa waxbarasho bulshada ku saabsan waxeeyna la kaashataa degmooyin kale. waxaaa kaloo jira machadyada dadka waaweyn oo meel aan aad u fog ku oollin Örebro na waxaa ku yaal jaamacad.

Caafimaadka

Rugag caafimaad, rugaga caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka, ragaga caafimaad ee carruurta waxeey ku yaallaan Laxå. Caafimaad takhasuska u baahan waxaa laga heli karaa Karlskoga iyo isbitaalka Örebro. Rugta ilkaha waxaad ka heleysaa gudaha degmada.

Caawinaad turjubaan

Waxaa jira caawimaad turjumaan, badankoodna waa xaga taleefanka.

Xiriirka gaadiidka

Laxå meel fiican ayeey Iswiidhan kaga taallaa waxaana ka jira isku xirnaan xaga gaadidka ah oo ku geynayo magaalooyinka waaweyn.

Jidka tareenka iyo jidka E4 oo u dhaxeeya magaalooyinka Stockholm iyo Gotenberg weey na agmaraan, waxeey kaloo heysataa waddooyin fiican oo ku geeynaya Örebro, waxeeyna qaadaneysaa 30 daqiiqo oo tareen ah.

Tareen ayaa istaagay boosteejada tareenada. Nin dhalinyaro ah ayaa ka degay, nin waayeel ahna wuu korayaa.

Shaqo iyo ganacsi

Degmadu waa shaqa bixiyaha ugu weyn degmada qeybaha shaqo kala duwanna waxeey badanaa u baahan yihiin qof ka shaqeeya, haba ugu badnaatee qeyba daryeelka waayeelka io iskoolka. Sanadaha soo socdo dad badan ayaa howlgabayaal noqon dooono waxeeyna tasi ka dhigantahay in loo baahanyahay shaqaale badan oo qeybtaas ka shaqeeya.

Waxaa degmada ka jira shirkado badan oo yaryar, badankood waa kuwo wax soosaara, waxeeyna heystaan shaqaale yar. Waxaa laga yaaba inaad adiga ka mid noqotid? Ama waxaad dooneysaa inaad ganacsi aad leedahay furatid?

Goobta eey Örebro ku taal waxeey noqon rabtaa goob laf dhabar u noqota bakhaarada/badeecooyinka wadanka oo dhan. Hallsberg waxaa ku taal bokhaar boosto oo aad u weyn. Shaqa bixiyayaasha kale ee waaweyn waa ESAB oo ku yaal Laxå, Volvo oo Hallserg ku taal, Eriksson oo Kumla ku taal. waxaana ka jira jidad safr oo aad u fiican kuna geynaya Hallsberg, Kumla iyo Örebro.