Lindesberg

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Halka fa’iido oo ka mid ah dagida degmada Lindesberg waa helida soo bandhiga degmada ee hoowlaha dhaqanka iyo dibada, oo ku socdo dabiicada iyo waxa banaankeed uga yaalo.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

23633

Cabirla dhulka

1480 kiilomitir oo laba jibaaran

Muuqaalka magaalada Lindesberg. Haro biyo ah ayaa ka muuqata xagga hore. Dhowr ah saqafyada guryaha iyo minaarada kaniisad oo ay qariyeen geedo.

Degmada waxeey ka tirsan tahay xaafado badan sidii Frövi, Fellingsbro, Vedevåg, Storå iyo Guldsmedhytaan. Xaafada baramaha waa Lindeberg. Xariir fiican ee tareemeed iyo baseed ayaa jiro iyo jid-baabuureed. Shirkado badan oo kala duwan ayaa degmada ka jiro ama meelaha dhaw ayadoo xooga saran yahay washadeeynta.

Deegaan

Guriyaasha ugu badan waa 1-3 qof iyo jiko oo ku yaalo guri 2-3 dabaq leh, laakin sido kale guriyaal dhulka ku safan iyo filooyin waa jiraan. Shirkadaha guriyaasha ugu weeyn waa Lindesbergsbostäder, Egeryds, Samuel Karlsson Fastigheter, Byggnadsfirman Lund iyo shirkado kale oo yar.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Af carabi, af kurdi, af soomaali, af dari, afka boosniya, af tigrinya, af kirundi, af karen iyo kale kale oo badan.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Lindesberg waxeey lee dahay ururo isboorti oo badan, kan ugu weeyn waa midka kubada cagta, kubada gacanta, kubida fooliga iyo ciyaarta judo. Lindesberg Arena waxaa lagu qabtaa isboorti badan oo kala duwan, waxaan badana buuxiyo dhalinyaro iyo dad waa weeyn.

Waxaa jiro ururka soomaalida iyo urur dhaqanka afikaanka. Örebro ayaa dhow oo leh ururo badan ee dhaqameed iyo diineed.

Kaniisada Iswiidhan iyo kaniisada Kristana iyo kaniisada bingst waxeey hayaan howlo loogu tala galay qaxootiga cusub ayadoo la kulmo ugu yaraan isbuuci hal mar. Laanta cas waxeey lee dahay howlo leh casharo akhris, toobarida iswiidhiska iyo farsamo gacan oo loogu tala galay dumarka.

Waxaa jiro meel lagu kulmo oo dagan yihiin dad badan oo dalka ku cusb, halkaas waxaa ka jiro hoowlo leh toobarka luuqada iswiidhishka. Caawinaada casharada oo loogu tala galay caruurta uu san waalidkooda caawin karin. Xalaqo waxbarasho oo kala duwan waa la habeeyaa, tusaale ahaan kuwo ku saabsan demoqraadiyada iyo barashada akhriska liisinka. Sido kale waa goob kulan oo loogu tala galay guri-kireeysayaasha iyo kuwo iska kireeyo oo haddii ee dhibaato jirto ama baahi loo qabo wada hadal. Sido kale waxaa jiro goob loogu tala galay salaat.

Dhisme burtuqaali ah oo ay ku qorantahay Lindesberg Arena.

Maxaa ka ag dhaw

Xafiiska shaqada waxuu ku yaalaa Lindesberg, sido kalena xafiiska adeega ee hey'adda canshuuraha, hey'adda howl gabka iyo qasnada ceeymiska. Maktabad waa ku taala Lindesberg ayadoo farac ku leh Storå, Frövi iyo Fellingsbro. Adeega bulshada ee degmada waxuu ku yaala Lindesberg.

Waxaa jiro dukaamo cunto oo weeyn sidii Lidl, ICA, Hemköp iyo Willys. Sido kale dukaamo cunto ka socoto bariga dhexe iyo dukaamo-gacan labaad waxeey ku yaaalin degmada iyo Örebro.

Ikea waxuu Lindesberg ayuu jiraa ku dhawaad 50 kilomitir.

Dalyeelka carruurta

Xaafadaha waa weeyn dhamaantooda wxaa ku yaalo dugsiyaal xanaano. Lindesberg waxaa ku taalo xarunta-reerka, goob kulan oo loogu tala galay qofka waalid noqon rabo iyo caruurta uu dhaxeeyso 0 6 sano oo halkaasi ku kulmi karo, ciyaari karo, shaaheeyn karo, heli karona caawinaad iyo tageero ee dhanka waalidnimada.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Waxaa jiro hal dugsi sare ee degmadeed iskuulka Lindes. Iskuulka waxuu ardayda uu soo bandhigaa bandhig badan oo kala duwan ee barnaamijyada shaqo diyaarinta iyo jaamacad diyaarinta. Isku geeyn iskuulka waxaa ka jiro 14 barnaamij ee qarameed. Barnaamijka aad doorataba waxaad dooran kartaa in aad waxbarshada ku dartid kollejka-isboortiga.

Bilaabadka-luuqada (SI) waxaa loogu tala galay qofka aan iswiidhiska uu san aheeyn afkiisa hooyo, hadana rabo in uu haboonaansho uu helo barnaamij dugsi sare. Sido kale barnaamijkaan waxaa loogu tala galay qofka rabo in waxbarashadiisa ka sii wato dugsiga dadka waa weeyn ama rabo in uu galo shaqo.

Dugsiga hoose (qeeybta sare) wuu ku yaalaa Lindesberg, Storå iyo Frövi. Heerka hoose iyo dhexe waa ku yaalin dhamaan xafaadaha sii weeyn.

Furadaha waxbarasho

Xafiiska maamulka suuq galinta Masugnen waa xarunta waxbarashada ee degmada Lindesberg, waxuuna uu shaqeeyaa hab goob kulan, dalaal iyo matoor ee nolosha shaqadeed iyo waxbarashada.

Masugnen waxuu masu'ul ka yahay:

  • Waxbarashada dadka weeyn heerka asaasiga iyo dugsiga sare
  • Waxbarshada iswiidhiska ee soo galooytiga
  • Qaabilaada qaxootiga
  • Waxbarashad dadka waa weeyn ee gaarka ah
  • Waxbarashada xirfada, Yrkesvux
  • Waxbarashada sare ee xirfad shaqadeed
  • Isku xidha waxbarashada jaamacadeed
  • Waxbarasho hoowl jirto
  • Waxbarasho suuq shaqadeed

Xafiiska qeeybta suuq galinta waa qeeyb gaar ee ku taalo Masugnen. Waxaa si koobad ah, la wada shaqeeyaan qofka uu baahan howl qabadsi iyo tageero si uu ugu soo dhawaado shaqo iyo/ama waxbarsho.

Dugsi dadka waa weeyn ee Fellingsbro waxuu lee yahay koorso guud oo loogu talo galay soo galooytiga oo lagu qabto Masugnen.

Degmada ayadoo ka la wada shaqeeysaa degmooyinka kale ee gobolka Örebro, barashada bulshada oo lagu qabto afka hooyo.

Dhisme leh wajahad dhagax ah oo burtuqaali ah lehna saqaf guduud ah. Wajahada waxaa ku qoran qoraalka Masugnen.

Caafimaadka

Rugaga caafimadka iyo daryeelka ilkaha waxeey ku yaalin Lindesberg, Storå, Frövi iyo Fellingsbro. Isbitaal waxuu ku yaala Lindesberg oo leh qaabilaad degdeg iyo takhasus kale. Rugta caafimaadka caruurta iyo rugta caafimaadka hooyoyinka waxeey ku yaalaan Lindesberg. Isbitaal weeyn ayaa ku yaalo Örebro.

Caawinaad turjubaan

Waxaan adeegsanaa adeega turjumaanada ee Örebro oo ka tirsan maamulka caafimaadka ee gobolka Örebro. Waxeey habeeyaan turjumaan telefoonka ku jiro iyo mid meesha joogo. Luuqad kasto turjumaano ku filan ayee lee dahay.

Xiriirka gaadiidka

Tareemada gudaha Bergslagen waxeey dhexmaraan degmada ayagoo istagaayo Lindesberg, Storå iyo Frövi. Basas badan ayaa uu dhexeeyo Örebro iyo degmada qeeybaheeda kala duwan. Xarir fiican ayaa jiro si uu qofka markaas uu safro.

Meesha baska istaago oo leh dhowr ah meelaha baska lagu sii sugo. Dhowr qof ayaa ku sugaya meesha basku istaago.

Shaqo iyo ganacsi

Shaqo dhiibe badan oo ku jiro qeeybaha madaxabanaan waa Meritor, BillerudKorsnäs Frövi, Korsnäs Rockhammar AB, Nammo LIAB AB, PorPac AB iyo Linde Maskiner AB. Qeeybaha shaqooyinka guud degmada Lindesberg iyo isbitaalka Lindesberg ayaa ka ah goob-shaqo oo muhiim ah lehna shaqaale badan.

Degmada waxeey soo bandhigeeysaa warbixin-kooxeed oo ku saabsan shirkad bilaabid iyo talo shakhsiyeed.

Derbi ah jaajuur oo ay ku qorantahay warshada Lindesbergsfabriken.