Ljusnarsberg

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Ljusnarsberg waxeey ku taala Bergslagen, waxeeyna lee dahay dabiicad qorxoon oo fursad oo siineeyso qofka hawo nadiif ah iyo aragti dabiicadeed ee kala duwan. Halkaan waxaan fursad ugu heeynaa tayo-nololeed oo sareeyso ayadoo leh degaan ee dhanka meelaha dhisan ama baadiyaha. Degmada waxaa ku taalo labadoo shirkado oo weeyn ee hormarooyo, degmada oo dhana waxeey lee dahay aaminaad-mustaqbaleed oo weeyn.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

4738

Cabirla dhulka

631 kiilomitir oo laba jibaaran

Deegaan

Degmada Ljusnaberg waxaa ku taalo guriyaal badan yar oo ka banaan gudaha meelaha dhisan ama baadiyaha. Waxaa kala jiro toboneeyo milkiyaale-guri. Warbixin dheeraad ah waxeey ku jirtaa bogga degmada.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Isdhexgalida Bergsgården waxuu qaabilay qaxooti ka socdo dalalkaan soo socdo: Iraan, Ciraaq, Afgaanistaan, Suriya, Lubnaan, Eriteriya, Soomaaiya, Etoobiya, Suudaan, Maqrib iyo Libeeriya. Dadka degmadeena ku cusub waxeey ku hadlaan luuqadahaan soo socdo: carabi, ingriis, soomaali, amxaari, tigrinya, isbaanish, fransiis, afka iraan iyo daari.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Ljusnarsberg waxeey lee dahay ururo isboorti oo badan, halkaasi ee kubada cagta ugu weeyn tahay.

ABF waxeey heeysaa warbixin-bulshadeed, hadana qabata barashada iswiidhiska ee ajnabiga oo la siiyo magangalyo doonka iyo dadka sugaayo in degmo la dajiyo.

Laanta cas waxeey lee dahay howlo badan oo kala duwan oo todobaad kasto la qabto, looguna tala galay magangalyo doonka iyo dadka degmo la dajinaayo.

Kaniisada Iswiidhan waxeey dadka ku caawisay barashada iswiidhiska loogu tala galay ajnabiga.

Maxaa ka ag dhaw

Kopparberg waxaa ku yaalo bartame yar oo leh suuq laga adeegto. Maktabada waxeey lee dahay internet, waxaa yaalo bugaag iyo saxaafado ku qoran luuqado kala duwan. Dukaamo, bankiyaal iyo dukaamo badan ee gacan labaad ayaa ku yaalo markii loogu sii baxo jidka-weeyn. Xafiiska bulshada, Xafiiska isdhexgalka Bergsgården, farmashiye, xafiiska dalxiiska iyo in kale ayaa jiro masafaad lug jirto. Xafiiska shaqada iyo qasnada ceeymiska waxeey ku yaaliin Lindesberg.

Gillersklack waa goob xilli firaqadeed oo weeyn, waxeeyna lee dahay goob-dabaal ee gudo ku taalo, qeeyb kor diliigsi lagu sameeyo, jid-iftiin iyo goob ciyaaraha barafka lagu raaco. Sido kale bartamaha waxaa ku yaalo goobta lagu ciyaaro bowling.

Dalyeelka carruurta

Xariir, Farxad iyo wada shaqeeyn waxeey tixaneed oo tahay waxbarasho ku jiheeysan xalid oo caruurta hababka ee tacbiir ku sameeyaan iyo awoododa lagu tijaabiyo, isla markaana lagu sinaayo waxbarasho ku dhisan xariir demoqraadi iyo fakarida habka saadaleeynta wanaagsan. Dugsiyadeena xanaanadeed iyo iskuuladeena waa yaryihiin, waxeeyna soo bandhigaayaan bey'ad waxbarasho oo ardayga hormarsiinaayo shaqaale uu haboon.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Aragtideena waxeey ku raad lee dahay waxbarasho oo nolasha dhan soconeeyso, laga bilaaba marka uu canuga boos ka heli dugsiga xanaanada ilaa waxbarashada dadka waa weeyn. Iskuuladeena waa yaryihiin, waxeeyna soo bandhigaayaan bey'ad waxbarasho oo ardayga hormarsiinaayo shaqaale uu haboon.

Ardayda dugsigeena sare waxeey bas ama tareen uu raacaan Dugsiga sare Linde ee gudaha Lindesberg. Dugsiga Linde waxuu soo bandhigaa barnaamijyo badan oo kala duwan.

Furadaha waxbarasho

Dugsiga waxbarashada dadka waa weeyn ee Kopparberg waxaa ku dhigan kartaa sfi (waxbarashada iswiidhiska ee loogu tala galay ajnabiga). Degmada Ljusnarsberg waxeey lee dahay isku-xidhaha arimaha isdhexgalka oo masu'ul ka ah shaqada abaabulinta iyo isku xidhida qaabilaada. Koorsooyin iyo barnaamijyo badan waxaa lagu dhigan karaa hab-masafaadeed.

Koorsada waxbarashada bulshada waxaa la qabtaa ayadoo lala shaqeeynaayo degmooyinka gobolka Örebro dhamaantood. Tani waxeey keeneeysaa fursada ah in qofka loogu dhigo barashada bulshada afkiisa hooyo luuqadu rabo ha heeystee. Waxbarashada bulshada waxaa lagu qabtaa meelo kala duwan ee ku yaalo gobolka taasi oo ku xiran luuqada iyo inta qof uu ka soo qeeyb galeeyso.

Caafimaadka

Rugta caafimaadka Kopparberg waxeey lee dahay rugta caafimaadka dhakhtarka degmada, rugta caafimaadka hooyoyina (RCH), rugta caafimaadka caruurta (RCC) iyo daryeelka ilkaha ee dad weeynaha.

Caafimaadka magangalyada iyo isdhexgalka ee Lindesberg waxeey uu qaabilsan yihiin daryeelka degdega ee magangalyo doonka iyo RCH iyo RCC.

Arimaha degdega waxaa qofka ha aado isbitaalka Isbitaalka Lindesberg.

Caawinaad turjubaan

Degmada Ljusnarsberg waxeey markii loo baahdo isticmaashaa adeega-turjumaanka ee Ludvika ama Borlänge. Ishdexgalka Bergsgården Kopparberg waxaa laga helaa 10 luuqado oo kala duwan.

Xiriirka gaadiidka

Tågkompaniet iyo Tåg i Bergslagen waxeey maraan jidka-tareenka ee maro Kopparberg. Gaadiidka-gobolka waxuu lee yahay basas uu dhaxeeyo Lindesberg iyo Örebro, Ludvika iyo Borlänge. Tareen iyo bas ku socdo Lindesberg waxeey qaataan ku dhawaad 30 daqiiqo, Örebro ku dhawaad 1 saac, Ludvikana ku dhawaad 20 daqiiqo, Borlänge ku dhawaad 1 saac. Bas ama tareen ayaa baxo saacad kasto.

Shaqo iyo ganacsi

Warshada qamrada Kopparberg, Xafiiska degmada Ljusnarsberg iyo Ahlstrom ayaa ah sadaxda shaqo dhiibe ee ugu weeyn gudaha degmada. ABB waxeey warshad weeyn ku lee dahay Ludvika, warshada qamrada Grängesbergna waxeey ku taala 25 kilomitir gudahood.

Ahlmstrom waxeey si hakad-ugu dhaxeeyso uu raadiyaan shaqaale sido kalena warshada qamrada Kopparberg oo uu baahan shaqaale gaadid wax ku raro iyo injineero kombiyuutar iyo in kale. Rugta caafimadka waxeey raadineeysaa dhakhatiir guud iyo kalkaalisooyin. Degmada waxeey raadineeysaa macalin dugsi xanaano, kalkaalisooyin iyo kalkaalisooyinka hoose.