Åtvidaberg

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Åtvidaberg waxeey u dhaxeeysaa xeeb iyo Magaalo weyn, waxeeyna leedahay dhul qani ku ah balliyaal, doog, xoolo iyo hawo aad u wanaagsan. Degmada Åtvidaberg waxeey kaloo leedahay taariikh soo jireen ah oo ah dhinaca beeraha iyo kubbada cagta.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

11503

Cabirla dhulka

780 kiilomitir oo laba jibaaran

Muuqaal diyaaradeed oo ah korka bulshada Åtvidaberg. Halka ka sii dambeysa waxaa laga arkaa haro biyo iyo duur.

Deegaan

La xiriir xarunta isdhexgalka dadka ee degmada oo laga wici karo

taleefan nambarka: 0120-830 00

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada waxeey heshiis ah, ineey sanad kasta qaabisho 20 qaxooti, lagashay maamulka gobolka, dadka eey qaabisho ayaa waxeey ku kala hadlaan luqado kala duwan. Luqadaha ugu badan ee looga hadlo degmada waxeey ku xirantahay inta ajaanib oo usoo guurto ama ka guurto degmada. La xiriir xarunta isdhexgalka dadka ee degmada hadii aad rabtid inaad ogaato luqadaha ugu badan ee loogu hadlo degmada.

Suuqa Åtvidaberg. Xagga dambe waxaa laga arkaa baabuur yaala dhinaca guri gaboobay. Xagga horena biyo fadhiya.
Wareega waddo ku taala Åtvidaberg. Wareega waddadan waxaa ku yaala ubaxyo iyo farshaxan kubadda cagta ah. Xagga dambe waxaa laga arkaa buundo guduud ah.

Jaaliyado iyo ururu

Wax Jaaliyado ah kama dhisna degmada, hase yeeshee waxeey ka dhisan yihiin magaalooyinka waaweyn ee dariska la ah degmada

Maxaa ka ag dhaw

Bartamaha degmada Åtvidaberg waxaa ku yaal dukaamada cuntada, dukaamo yaryar, maktabad, xafiiska shaqada, dukaan gacan labaad, dugsiga xanaanada carruurta, dugsi hoose-dhexe iyo sare, dukaamo dhar oo weyn waxeey ku yaallaan degmooyinka dariska ah.

Dalyeelka carruurta

Dugsiyada xanaanada carruurta waxeey ku yaallaan Åtvidaberg iyo tuulooyinka Grebo, Björsäter iyo Falerum. Muddada safka loo galo dugsiyadaas waa ku dhawaad afar billood. La xiriir xarunta isdhexgalka dadka ee degmada hadii aad rabtid inaad wax ka ogaato ogaato daryeelka carruurta.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Dugsiyada hoosedhexe waxeey ku yaallaan bartamaha degmada Åtvidaberg iyo tuulooyinka Grebo iyo Björsäter. Åtvidaberg waxaa ku yaal dugsiga sare ee Åtvidabergs gymnasieskola waxaana lagu bartaa barnaamijyada caadi ah oo dhan.

Furadaha waxbarasho

Åtvidaberg waxeey kuu heysaa waxbarashada dadka waaweeyn iyo barashada luqada iswiidhishka oo loogu tala galay dadka aan kasoo jeedin asal ahaan wadanka iswiidhan.

Caafimaadka

Åtvidaberg waxaa ku yaal rug caafimaad, rugta daryeelka hooyooyinka, rugta daryeelka carruurta iyo rugta daryeelka ilkaha.

Caawinaad turjubaan

waxaa jira caawimaad turjubaan marka aad la kulmeeysid shaqaalaha xarunta adeega bulshada iyo xafiisyada kala duwan. Caawimaada Turjubaan ee dhinaca taleefanka ayaa ah kan la isticmaalo badanaa.

Xiriirka gaadiidka

Degmada Åtvidaberg waxeey leedahay basas iyo tareenno aada meela kala duwan. Waxaa jira bas iyo isku xira Åtvidaberg iyo Lidköping. Waxaa isna jira tareen isku xira Åtvidaberg, Lidköping iyo Västervik.

Jedwalka wakhtiga waxaad ka heli kartaa Östgötatrafiken.

Shaqo iyo ganacsi

Shaqo bixiyayaasha ugu waaweeyn waa kuwa ku yaal degmooyinka dariska ah. Åtvidaberg waxaa ku badan milkiilayaasha shirkadaha yaryar. Heerka shaqa la'aanta ee degmada Åtvidaberg waxuu la mid yahay sida degmooyinka eey isla midka yihiin ee Iswiidhan.

Guriga weyn ee Adelsnäs. Ka soo horjeedka guriga qurxoon ee dhagaxa ah waxaa laga arkaa doog weyn oo leh ubaxyada xilliga gu'ga.
Kaabad alwaax ah oo gelaysa haro. Dhanka kale ee haradana waxaa laga arkaa dhismo cadaan ah.