Skåne län

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Skåne waa qeeyb Iswiidhan ka tirsan oo soo jiidasho iyo dhaq-dhaq badan leh. Skåne waa goob dhaqama badan leh, hadana leh dad, cilmi baaris iyo shirkado cusbooneeysiin xambaarsaan oo kakala socdo caalamka dhan. Goboka waa midka Iswiidhan ugu koonfursan, waxaana halkaan dagan in dhaafeeyso 1,2 malyoon oo qof ee in badan oo ka mid ah ee yihiin da' yar. Boqolbiiba 90 waxeey dagan yihiin magaalooyinka, boqolkiiba 17 waxeey ku dhasheen dibada, kuna hadlaan 170 luuqad oo kala duwan. Skåne waxeey caan ku tahay dhulkeeda beered ee fiican, xeebaha dheer iyo dabiicada qurxoon.

Map of Sweden Created with Highcharts 10.2.1

Degmooyinka ku yaala Skåne län

Dooro degmada ah Skåne län ee aad doonaysid inaad wax dheeraad ah ka akhrisato xagga hoose

Xaalada guryaha

Suuqa guriyaasha Skåne waxaa sandaooyinkii danbe ku batay yarida guriyaasha laga kireeysto magalooyinka waa weeyn. Boplatssyd ayaa ka istaagi kartaa safka, kana raadsan karta guri kiro ee kireeyaan shirkadooyin guri madaxbanaan iyo kuwo guud oo ku yaalo Skåne. Dad badan oo Skåne joogo waxeey raacaan isgaarsiinta-dad weeynaha, waxaa jirto fursado fiican oo safar loogu gali karo degmooyinka gobolka godahood taasi oo keeneeyso in dad badan ee degmo degan yiihin mid kalena ka shaqeeystaan.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye

Gobolka Skåne wa shaqo dhiibaha ugu weeyn ee gobolka ayadoo ee ka shaqaaleeysan yihiin 36 000 oo qof. Halkaan waxaa ka shaqeeyo shaqaale oo qeeybaha ee ka hoowl galaan waxaa ka mid ah arimaha daryeelka caafimaadka iyo bukaana, jawiga shirkadaha, dhaqanka iyo bey'adda. Degmooyinka Skåne waxeey lee yihiin shaqaale badan oo qeeybaha ee ka hoowl galaan waxaa ka mid ah iskuulada, xanaaneynt caruureed iyo maamulka. Shaqo dhiibaha ugu weeyn ee madaxbanaan waa PEAB AB, Sony iyo Posten AB.

Iskoolaad iyo waxbarasho

Jaamacada Lund, oo ah mida gobolka ugu weeyn, waxeey lee dahay 47 700 oo arday iyo 7 500 oo shaqaale, gaar ahaan ka hoowl galo Lund, Malmö iyo Helsingsborg. Malmö waxaa ku taalo Jaamacada Malmö oo leh 25 000 oo arday iyo 1 400 oo shaqaale. Jaamaacada Kristianstad waxaa dhigto 13 000 oo arday. Warbixin ku saabsan waxbarashada waxaad ka heleeysaa studera.nu.

Daryeelka bukaanka

Haddii aad qabto cudurada caadiga, dhaawacyo ama xanun waxaad tageeysa rugta caafimaadka ee xaafadeedka. Sido kale halkaan waxaad ka heli kartaa taagero iyo caawinaad ku socoto in aad caafimaadkaada fiicneeysid. Jiheeynta-caafimaadka yaa ka heli kartaa talo caafimaad iyo meesha aad ka raasan kartid daryeel.

Sido kale Skåne waxeey lee dahay sadax nuuc oo isbitaal: isbitaalka-jaamacada, isbitaalka-degdega iyo isbitaalka-dhaw oo leh daryeel iyo takhasus kala duwan. Haddii aad daryeel degdeg uu baahan tahay wac 112. Daryeelka ilkaha waxaa laga helaa Daryeelka ilkaha ee dad weeynaha oo soo bandhigaayo warbixin ku qoran luuqado kala duwan.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Skåne waxeey taajir ka tahay jawi-urureed. Halkaan waxaa ka mid ah oo ka jiro riwaayado, kooxo heeso, mutxafyo iyo maktabadooyin si fiican loo booqdo. Maktabada degmadaada ayaa si lacag la'aan ah ugu amaahan kartaa buugaag. Xilliga firaqada dad badan ayaa ku jiro ururo. Ku tirsanaanshaha urur-isboorti, urur-shaqaale ama urur-hami waa mid caadi ah. Qaar ka mid ah urur dhan oo ka jiro Skåne waxeey ku jiraan "Nätverket".

Dadka dhamaantood waa ku soo dhaw yihiin in ee si xur ah uu joogaan dabiicada, jiqda, bada agteed ama wabiga agtiis. Xaqqa taamasleeynta ayaa ka waramo waxa dabiicada laga ogalyahay. Skåne waxeey lee dahay in ka badan 200 oo keeyd dabiicadeed iyo sadax jirdin ee qarameed.

Meesha ugu badan ee dalxiiska loogu tago Skåne waa Ale stenar, Jardiinta Söderåsen iyo kaniisada Dom ee Lund. 500 oo kaniisad ayaa ku taalo gobolka. Skåne waxeey lee dahay 240 qalcad iyo guriyaal weeyn, waa meesha iswiidhan ee ugu badan yihiin.