Bromölla

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Bromölla waxeey ku taalaa waqooyiga galkbeed ee Skåne agagaarka xuduuda jirto Blekinge. Waxaan lee nahay fa’iidada degmada ee dhawaananshaha iyo masaafada gaaban dhul ahaan iyo dad ahan. Halkaan waxaa ka jiro xariiro fiican ee Skåne iyo Blekinge intooda kale.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

12869

Cabirla dhulka

197 kiilomitir oo laba jibaaran

Bromölla waxeey lee dahay dabiicad qurxoon oo isbedbedaleeyso laga bilaabaa dhul weeyn ilaa jiqooyin iyo xeeb jirto dhanka bari. Degmada waxaa ku yaalo wabiga ugu weeyn Skåne, wabiga Ivö. Xaafadaha ugu weeyn ee degmada waa Bromölla, Gualöv, Näsum, Valje, Nymölla iyo Edenryd.

Deegaan

Degmada Bromölla waxeey lee dahay dhismooyin isku jiro oo ka kooban filooyin, guriyaal milki iyo guriyaal la kireeysto. Guri kireeyaha ugu weeyn waa BromöllaHem oo leh ku dhawaad 800 oo guri kuna qeeybsan degmada oo dhan. Bromölla bartamaheeda ee meelaha dhisan waxaa sido kale guriyaal la kireeyo ku leh, guri kireeyaha Sydbo fastigheter.

Muuqaaalka magaalada Bromölla lehna guryo iyo dhismayaal warshado. Magaaladan waxay ku dhinac taalaa haro biyo.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Dad badan oo luuqada kala duwan ku hadlo ayaa joogo degmada, taasi wax yaalaha keenay waxaa ka mid in ee degmada mudo dheer qaabileeysay qaxooti. In ka mid ah luqadaha ugu weeyn waa carabi, af soomaali, afka thayland iyo af daari.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Bromölla waxaa ku yaalo ururo badan oo kala duwan ee dhanka tusaale ahaan isboortiga iyo dhaqanka. Dad badan ayaa ka qeeyb qaato hoowlo urureed. Bogga degmada waxaad ka akhrisan kartaa in dheerad ah oo ku saabsan hoowlaha urureed. Warbixin ku saabsan ururada kala duwan waxaad ka heleeysaa diiwaanka-uruureed.

Maxaa ka ag dhaw

Meelaha dhismaha ee Bromölla waxaa ka mid ah oo ku yaalo xafiiska shqada, xafiiska isdhex galka, xafiiska adeega bulshada, maktbad, xafiiska dalxiiska, goobo isboorti, goob dabaal iyo dukaamoyin kala duwan iyo banki iyo farmashiye. Maktabada waxaa ku yaalo xafiis-warbixineed oo leh talobixinta-macmiilka. Dukaamada raashinka ugu weeyn waxeey masaafad-socodeed uu jiraan bartamaha Bromölla.

Sido kale Bromölla waxaa ku yaalo dukaan gacan labaad gado oo si fiican uu kala soocaan, iyo dukaan gacan labaad alaabaha caruurta gado oo ee degmada kala wado. Näsum waxaa ku taalo laanta maktabada iyo dukaamo raashin. Qasnada ceeymiska iyo Xafiiska canshuraha waxuu xafiis ku lee yahay gudaha Kristianstad.

Jid jaay ah oo ku baahasan deegaan cagaar ah. Guri guduud ah lehna hareerayaal cadaan ah kuna yaala jidkan jaayga ah.

Dalyeelka carruurta

Degmada Bromölla waxaa ku yaalo dugsiyaal xanaano ee degamadeed gudaha xaafado badan. Ma jiran kuwo madaxbanaan. Sido kale degmada Bromölla waxaa fursad loo heli karaa xananeeyn waqtiyada fiidka, habeenka iyo maalmaha fasaxa inta maalinta lagu jiro, haddii aad shaqeeyso waqtiyadaan. Caruurta leh waalid fasax-waalidnimada ku jiro ama shaqo raadis ah waxeey xaq uu lee yihiin in ee joogaan xanaanada sadax saacaadood maalintii ama 15 saacaadood isbuuci.

Laba caruur yar yar oo dhina fadhiya miis oo wax cunaya. Mid ka mid ah caruurtan waxaa hor yaala koob caano ah oo waa dhoola cadeynayaa.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Dugsiga hoose waxuu waajib ku yahaya dhamaan caruurta uu dhexeeyo 7-16 sano. Caruurta jiro 6 sano waxeey dhigtaan fasalka eberaadka oo ah mid aan waajib aheeyn. Degmada Bromölla waxaa ku yaalo iskuulo 0-6 (dugsi hoose) oo xaafado badan ayee ku yaaliin, dugsiyada 7-9aad (dugsiyada heerka dhexe). waxeey ku yaaliin xafada Bromölla. Guriga xilliga firaaqada waxuu ku yaala dhamaan iskuulada leh 0-6. Degmada ku ma yaalin kuwo madaxbanaan.

Dugsiga Furulund ayaa ha dugsiga sare ee soo dhow, waxuuna ku yaalaa Sölvesborg.

Afar ah dhalaanka iskoolka oo dhinac fadhiya miis oo buug hor yaalaan. Macalin ayaa dhinac taagan miiskan oo la hadlaya ardaydan.

Furadaha waxbarasho

Waxbarshada dadka waa weeyn ee Bromölla-Sölvesborg waxeey si joogta ah lee dahay aqbalid ee waxbarshada iswiidhiska loogu tala galay ajnabiga (sfi). Sido kale qofka Iswiidhan muda sii dheer dagnaa wuu bilaabi karaa in uu dhigto. Bromölla waxaa ku yaalo waxbarshada dadka waa weeyn, dadka dalka ku cusubna waxaa loo soo bandhigaa waxbarashada bulshada ayadoo lala shaqeeynaayo degmada Kristianstad. Sido kale waxaa jirto fursad wax lagu dhigto dugsiga dadka waa weeyn oo ku yaalo degmooyinka dhaw.

Haddii aad niyeesan tahay in aad dhigato jaamacad, waxaa jiro fursad fiican ee dhanka gaadiidka lagu tago meesha wax lagu baranaayo. Jaamacadaha ugu dhaw waa Jaamacada Kristianstad, Jaamacada farsamada ee Blekinge, Jaamacada Malmö iyo Jaamacada Lund.

Akhri dheeraad ku saabsan waxbarashada dadka waaweyn ee degmadan.

Dhisme jaajuur ah oo guduud ah oo baaskiilo la dhigtay yaalaan banaanka. Baabuur ayaa yaala meel u dhow kadinka dhismahan.

Caafimaadka

Bartamaha Bromölla waxaa ku yaalo ruggag caafimaad oo sido kalena ka masu'uul ah daryeelka hooyooyinka iyo caruurta. Sido kale meesha waxaa joogo dhakhtar.ilko. Isbitaalka ugu dhaw iyo qaabilaada degdeg waxeey ku yaalin Kristianstad.

1177 jiheeynta-caafimaadka waxaad ka heleeysaa warbixinta-xariirka ee daryeelka bukaanka iyo daryeelka ilkaha. Sido kale isla halkaas ayaad ka heli kartaa talo bixin caafimaad ama warbixin ku saabsan daryeelka caafimaadka iyo bukaanka. Sido kale waad wici kartaa 1177.

Caawinaad turjubaan

Markii aad la xariireeyso hey'addaha dowladeed, waa jirtaa fursad lagu caawinaad-turjumaan.

Xiriirka gaadiidka

Bromölla waxaad si sahlan oo dhaqso uga qaadan kartaa tareenka ku socdo Blekinge, Skåne ama Danmark. Boosteejada-tareenka waxeey ku taala qeeybta koonfur ee xaafada Bromökka, boosteejada-baskana waxeey ku taala bartamaha Bromölla. Waxaa jiro xariir-baseed oo fican oo uu dhaxeeyo xaafadaha degmada.

Laba tareen oo is bar-bar taagan booteejada tareenada. Dad ayaa ka degaya oo korayana tareemadan.

Shaqo iyo ganacsi

Ifö Sanitär iyo Nymölla Bruk waxeey ku wada jiraan warshadeeynta soo saarida, waana labada warshado ee ugu weeyn degmada. Sido kale degmada Bromölla waa shaqo dhiibe weeyn oo leh ku dhawaad 900 oo shaqaale. Sido kale degmada waxeey lee dahay shirkado dhexe iyo weeynin-dhexe oo ka hoowlo galo hoowlo ganacsi oo kala duwan.

Waxaa jirto fursad fiican oo gaadiid lagulo tago shaqooyin ka jiro magaloo ka soo weeyn ee agagaarka ku taalo, tusaale ahaan Kristianstad, Hässleholm ama Karlshamn. Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan jawiga shirkadeed ee Bromölla waxeey ku jirtaa bogga degmada.

Meesha biyuhu ka soo baxaan kuna taala Ifötorget gudaha bartamaha Bromölla. Meeshan biyuhu ka soo baxaan waxay shabahdaa laba mulac biyood oo ah midabka buluug iyo cagaar.