Eslöv

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Eslöv waa meel degaan oo caan oo leh ku dhawaad 32 000 oo qof oo degan, waxeey ku taalaa gobolka öresund oo ku ag koray magaalada waxbarshada ee Lund iyo magaalada weeyn ee Malmö. Elslov waxeey magaalo noqotoy 1911, waxeeyna waagaa leheed 5396 qof. Maanta Eslöv waxeey lee dahay ku dhawaad 18000 oo qof, waana bartamaha degmada.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

33771

Cabirla dhulka

425 kiilomitir oo laba jibaaran

Degmada oo leh 12 xaafad waxaa la asaasaasay 1971. Flyinge, Löberöd, Marieholm iyo Stehag waa bartame ayee ka yihiin qeeybtooda degmadoodba. Eslöv waxaa uu dhow inta ugu badan, gaar ahaan waxaa ugu fiican xariirka-tareenka ee la lee dahay qeeybo ka mid ah Skåne iyp Köpenhamn. Halkan waxeey lee dahay xasiloonida, dhawaanshaha iyo baaadiyon nolol laakin sido kalena waxaa laga heli karaa bandhig dukaamo iyo dhaqamo.

Deegaan

In Eslöv ee tahay xaafad degaan oo xiiso leh, taasna dad badan uu tahay, shaki ka ma jiro. Degaan soo jiidasho leh oo leh bey'ad dhow oo fiican waa calaam garasho fiican. Halkaan waxaad fursado badan uu lee dahay degaan gaar ah, haddii aad dooneeyso in aad degto baadiyaha ama bartamaha magaalada, fillo ama guri dabaq ku yaalo. Boggena waxaa ku jiro warbixin ku saabsan degaan iyo liis leh milkilyaasha-guriyada ee degmada.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Eslöv waxeey lee dahay koox-luuqadeed badan oo kala duwan, waxaa sababay waxaa ka mid in degmada mudo dheer ee laheeyd qaabilaad-qaxooti. Iswiidhishka ma ahane, luuqadaha weeyn ee ka jiro waxaa ka mid ah: afka albaaniya, afka carabiga, afka bosniya, afka koreeshiya, afka seerbiya, af dari, afka ingriiska, afka sorani, kumanji, afka iraan, af soomaali, afka thayland iyo af tigrinya.

Waxbarashada-afka hooyo waxaa lagu soo bandhigaa luuqadahaan: carabi, afka bosniya, afka danishka, afka dari, af ingriis, afka finishka, afka shiinaha, afka kurdiga, afka makedooniya, afka iraan, afka booland, afka ruushka, afka serbiga, afka soomaliga, afka isbanishka, afka tagalog, afka thayland, afka turkiga iyo af jarmal.

Jaaliyado iyo ururu

Eslöv waa magallo xoogaa weeyn oo fursado badan uu leh hoowlaha xilliga firaaqada. Waxaa jiro ururo badan, laga yaaba mid in uu adiga ku haboonayahay. Ururada waxaad ka raadin kartaa diiwaanka-urururada.

Maxaa ka ag dhaw

Eslöv waxeey lee dahay xarunta-muwaadinka, maktabad, xafiiska shaqada, qasnada ceeymiska, xafiiska canshuuraha iyo xafiiska bulshada. Jawiga ganacsiga waa mid kala duwan, laga bilaaba dukaanka yar ee ku yaalo bartamaha ilaa dukaamada xoog ka weeyn oo ku yaalo wax yar in ka baxsan. Sido kale waxaa jiro bibitiyaal badan, goob jimicsi, banki, urur waxbarasho, farmashiye iyo shaleemo. Alaab guri waxa lagaa helaa ayagoo heer-sicireed kasto leh, waxaa laga helaa Jysk, Blomstebergs Möbler iyo Erikshjälpen oo ah xarunta kaalmada ee dukaanka gacan labaadka Eslöv.

Waxaa jiro soo bandhig dhaqameed oo leh tayo sareeyso, jawiga urureed waa mid xoog leh oo ka hoowl galo waxyaalaha badankood. Goobta dhaqamada, dabaasha iyo hoowlaha xilliga firaaqada waa meelo si fiican uu wanaagsan, waxeeyna ku yaaliin bey'ad qurxoon. Waxaa jiro in badan oo laga sameeyo iyo laga arko gudaha Eslöv.

Dalyeelka carruurta

Markii la gaaro mudada aad bilaabeeyso waxbarasho ama shaqo degmada Eslöv waxeey ku soo bandhigee xanaanada caruurta oo loogu tala galay caruurta uu dhaxeeyo 1 iyo 5 sano. Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan xanaanada caruurta waxeey ku jirtaa bogga Eslöv.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Dugsi hoose ee Eslöv waxuu uu qeeybsamtaa 15 meelo-maamuleed ayadoo lagu daraayo dugsiyada hoose ee gaarka ah iyo goobaha-maamulka ee loogu tala galay dugsiyada-dheeraadka iyo waxbarashada afka hooyo. Degmada waxaa ku yaalo dugsiga dhaqameedka iyo labo iskuul oo madaxbanaan, Dugsiga madaxbanaan ee Eslöv Montessori oo leh fasalka eberaad ilaa fasalka 6aad iyo dugsiga Karls-Oskar ee Eslöv.

Dugsiga sare ee Berga waxeey ku soo bandhigeeyaan fursado badan. Waxaad kala dooran kartaa barnaamijyo qarameed oo leh jihooyin kala duwan, barnaamijka bilaabadka, barnaamjka isboortiga ee qaranka, dugsi sare ee isboortiga iyo soo bandhig weeyn oo leh koorsooyin badan oo lakala dooran karo. Xiiseeyn iyo tixgalinta ardaydeena waxeey abuureeysaa nabad, ka helneeshada joogitaanka iyo natiijo fiican.

Furadaha waxbarasho

Eslöv waxaa ka jirto fursado fiican ee waxbarashada dadka waa weeyn, ayadoo ah heer asaasi, dugsi sare iyo heer jaamacadba. Waxaan lee nahay waxbarashada dadka waa weeyn oo sii fiican uu shaqeeyso oo leh iswiidhishka loogu tala galay ajnabiga, dugsi sare ee gaarka iyo dugsiga sare ee dadka waa weeyn. Degmada waxeey kala wadaa oo kale waxbarashada-bulshada oo loogu qabto afka hooyo. Mudada lama ba suga sfi:ga.

Dugsiga dadka waa weeyn iyo dugsiga waxbarashada sare ee xirfadeed waa ku yaaliin Eslöv. Waxaad waxbarasho ku dhigaan kartaa heer jaamacad gudaha jaamacada Lund iyo jaamacada Malmö.

Caafimaadka

Shardiga koobaad waxuu yahay in markii aad uu baahato daryeelka caafimaadka iyo bukaanka, waxaad marka hore tageeysaa rugtaada caafimaad. Rugg caafimaado oo badan waxeey ku yaalin meesha: Rugta caafimaadka Tåbelund, Rugta caafimaadka Kärråkra, Brahehälsan, Capio Specialisthuset iyo Daryeelka ilkaha ee dad weeynaha.

Caawinaad turjubaan

In qofka tacbiirsado ra'ygiisa, darenkiisa iyo fikradihiisa waxeey shardi uu tahay in la dareemo ka qeeyb qaadashada bulshada Iswiidhan. Taasi waxaa ku jiro oo kale fursada in la fahmo waxa aad adiga dhaheeysid. Xafiiska-turjumanka ee degmada Eslöv waxaa ku taalo xarunta muwaadinka ee gudaha Guriga-Magaalada.

Xiriirka gaadiidka

Degmada Eslöv waxeey ku taala bartamaha Skåne. Waxeey qaadataa ku dhawaad 20 daqiiqo oo socod baabuur ee ka socdo Lund, afartan daqiiqo marki laga soo baxo Malmö, hal saacna Helsineborg. Tareemada iyo basaska maalin kasto uu dhaxeeyaan qeeybo ka mid ah Skåne iyo Köpenhamn. Waa jirto fursad lagu raaco maalin kasto tareen taasi ee san uu bahneen in ee ka walwalaan dadka ka shaqeeyo gobolka Öresund. Gaadidka Skåne waxeey kala wadaan tareenka-xaafadaha, basas iyo gaadiidka adeega laakin gobolahaan waxaa ku jiro oo kale SJ iyo Veolia.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada waa shaqo dhiibaha ugu weeyn ee meesha, in ku jirto maamulkana waxaa badana loo baahanahay shaqaalo ku meel gaar ah, gaar ahaan xanaanada-waayeelka. Sanadooyinka dhow dad badan ayaa noqonaayo howl-gab taasi oo mecnaheed tahay in baahida loo qabo shaqaalaha ee howlahaan gudaheed ee kor uu kici doonaan.

Shirkado badan oo yar ayaa ku yaalo meesha, tusaale ahaan Orka Food Sveige, Felix, O. Kavli AB iyo Druvan. Waxeey ku wada jiraan la'aamoyin badan, waxeeyna lee yihiin hal ama dhow shaqaale. Laga yaaba in aad adiga ka mid noqon karto? Haddii aad dooneeyso in aad bilaawdo shirkad gaar ah waxaa jirto caawinaad laga heli karo jiheeynta-shirkadeed ee Eslöv.