Helsingborg

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Helsingborg waxeey u dhowdahay badda iyo Yurub inteeda kale. 20 daqiiqo gudahood ayaad wadanka dariska ah ee Danmark ku tagee hadaad qaadatid markab. Tareenka waxuu si dhaqsi ah kugu geeynaa magaalooyinka Lund, Malmö iyo Köpenhamn. Bartamaha Helsingborg waxaa ku yaal dukaamo, makhaayado, iyo kafateeriyayaal. Magaalada waxaa ka buuxa darjiino waxeeyna u dhowdahay badda, keymaha iyo baadiyaha.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

147191

Cabirla dhulka

423 kiilomitir oo laba jibaaran

Deegaan

Degmada Helsingborg waxaa degan dad ka badan 130 000 oo qofood. Badankood waxeey degan yihiin guryo dabaqyo ku yaal qaarkoodna waxey degan yihiin fillooyin. Waxaa ku yaal guryaha dabaqyada ku yaal oo la kireysto qaarkoodna la gato. Degmada shirkadeeda guryaha waxaa la dhahaa Helsingborgshem waxeyna kireeysaa guryaha. Waxaa jira saf guryaha loo galo oo aad iska diiwaangalin kartid. Shirkadda Helsingborgshem waxeey guryo ku leedahay magaalada laakin waxeey kaloo guryo ku leedahay xaafadaha Kattarp, Mörarp, Påarp iyo Ödåkra. Hadaad rabto inaad guri iibsato ama aad guri kale u guurtid waxaad internetka ka raadisaa dallaalada ka shaqeeya Helsingborg.

Muuqaalka Helsingborg oo baddu ka muuqato xaga dambe. Dhisme qurxoon oo ah jaajuur guduud ah, xarunta degmada Helsingborg, wuxuu ku yaalaa bartamaha magaaladan.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada Helsingborg waxaa dagan dad ka kala yimid wadamo kala duwan oo badan. Marka laga reebo luqadda iswiidhishka waxeey dad badan oo degan Helsingborg ku hadlaan luqadaha carabi, iiraani, boosniyaan, kurweeshiyaan, seerbiyaan, turkish, fiitnaamees, boolish, iyo luqadda kurdiga.

Jaaliyado iyo ururu

Magaalada Helsingborg waxaa ka jira jaaliyado badan. Qaar ka mid ah jaaliyadaha waxeey ku howlan yihiin kubadda cagta iyo parkour. Warbixin dheeraada oo ku saabsan jaaliyadaha Helsingborg waxaad ka heli kartaa webside ka degmada. Waxaad kaloo ka raadin kartaa jaaliyada aad rabtid liiska jaaliyadaha. Helsingborg waxaa xataa jaaliyado badan oo eey qaxootiga leeyihiin waxaadna warbixintooda ka akhrin kartaa webside ka degmada.

Saddex wiil oo fadhiya dhulka oo dhoola cadaynaya. Jidka ka dambeeya wiilashan waxaa ku xardhan qoraalo derbiga lau qoray.

Maxaa ka ag dhaw

Adeega

Bartamaha degmada Helsingborg waxaa ku yaal xarunta Helsingborg kontaktcenter. Waxaad meeshaas aadi kartaa hadaad qabtid su'aalo ku saabsan degmada Helsingborg. Xarunta ayaad booqan kartaa ama su'aalahaada e-meeyl ayaad ku diri kartaa ama waad wici kartaa- macluumaadka xiriirka waxaad ka heli kartaa webside degmada.

Banaanka bartamaha Helsinborg waxaad isticmaali kartaa internet lacag la'aan ah. Kombiyuutarkaada ama taleefankaada ayaad ku xireysaa degmada internetkeeda, oo loo yaqaano wifi. Internetka aad ku xireysidna waxaa la dhahaa "Helsinborg". Xafiiska shaqada waxuu ku yaal Södergatan 39. Hadaad wadanka ku cusubtahay waxaad soo booqan kartaa xafiiska shaqada markaa sharci lagu siiyo.

Xeeb leh geedo. Badda oo xaga dambe ka muuqata oo markab la arko. Dad dabaalanaya oo isu dhigay cad-ceeda xeebta.

Ganacsi

Bartamaha Helsingborg waxaa ku yaal dukaamo badan. Waxeey kaloo dukaamo ku yaallaan carwada Väla köpcenter oo ku taal banaanka Helsingborg. Meeshaas waxaa ku yaal dukaanka alaabta ee Ikea. Waxaa kaloo degmada ku yaal dukaamada gacan labaadka oo badan.

Maktabad

Maktabada ugu weyn degmada Helsingborg oo dhan waxaa ladhahaa Helsingborgs stadsbibliotek waxeeyna ku taal agagaarka Stadsparken på Bollbrogatan 1. Waxaa yaal buugaag luqado badan ku qoran. Webside ka maktabada waxaad ka heleysaa waqtiyada eey furan tahay.

Wiil xiran muraayadaha indhaha ee qoraxda oo fadhiya dooga oo haysta shaashad yar oo kombiyuutar. Xaga dambe waxaa ka muuqda biraha doonyaha leh shiraaca.

Dalyeelka carruurta

Ilmahaada waxeey dhigan karaan dugsiyada xanaanada laga bilaabo markeey jiraan 1 sano illaa eey ka gaaraan waqtiga iskoolka oo ah markeey jiraan lix ama todobo sano. Waxaa degmada Helsingborg ku yaal 130 dugsiyada xanaanada carruurta ah waxeeyna qaabilsan yihiin jiho waxbarashadeed kala duwan tusaale ahaan xanaano looga hadlo carabi-iswiidhish ama xanaano carruureed loogu tala galay carruurta alerjikada qabta ama kuwa asmada qaba.

Xanaanada carruurta waxaa ka shaqeeya xanaaneeya yaal iyo macalimiin daryeela carruurtaada. Magaalada Helsingborg webside kooda waxaa ka heleysaa liis eey kuwada qoran yihiin xanaanooyinka eey degmada maamusho iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Xanaanooyinka degmada waxaa loo yaqaanaa Kunskapsstaden Helsingborg, kuwa gaarka loo leeyahayna waxaa loo yaqaanaa fristående förskolor.

Degmada Helsingborg waxaa ku yaal xarumo qoyska loogu tala galay. Waalidka iyo cunuga ayaa waxeey xaruntaas kula kulmayaan waalidiin iyo carruurtooda oo iyagana meesha jooga. Degmada webside keeda waxaad ka heli kartaa xunta qoyska oo ka ag dhow meesha aad degan tahay.

Saddex haweenay ah oo ku fadhiya sali oo jooga jardiino. Mid ka mid ah haweenkan waxay dhabta ku haysaa ilmo yar.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada Helsingborg waxaa ku yaal 60 dugsiyo hoosedhexe ah. Iskoollada waxeey leeyihiin jiho waxbarashadeed kala duwan sida muusikada, ciyaarta, seeyniska ama luqadaha. Waxaa jira iskool wax lagu dhigto laada luqadood ee iswiidhishka-carabiga waxaa kaloo jira iskool af-ingiriis bis loogu hadlo.

Waxaa degmada Helsingborg ku yaal 20 dugsiyada sare ah. Waxeey baraan ardayda tusaale ahaan isboortiska, ciyaaraha, tiyaatarka, muusikada, seeyniska iyo farsamo gacameedka. Iskoollada degmada eey maamusho waxaa loo yaqaanaa Kunskapsstaden Helsingborg iskoollada gaarka loo leeyahayna waxaa loo yaqaanaa fristående skolor.

Furadaha waxbarasho

Degmada Helsingborg waxeey xil iska saartaa sidii aad ku baran laheyd sida eey u shaqeeyso bulshada iswiidhishka. Degmada waxeey u xil saarantahay inaad luqadda iswiidhishka baratid. Waxbarashadaas waxaa la dhahaa iswiidhishka loogu tala galay qaxootiga, sfi. Magaalada Hlesingborg webside kooda waxaad ka heli kartaa warbixin dheeraada oo ku saabsan luqadda iswiidhishka ee loogu tala galay qaxootiga iyo sida aad u dalban kartid waxbarashada sfi.

Xarunta waxbarashada dadka waaweyn ee Helsingborg waxaad ku soo kabi kartaa shahaadadaada dugsiga sare. Helsingborg waxaa kaloo ku yaal Campus Helsingborg, oo qeyb ka ah jaamacacdda Lunds universitet. Waxaad meeshaan yaallo waxbarasho loogu tala galay dadka waaweeyn oo caqligaada dhiman yahay ama dad maskaxda eey dhaawac ka gaareen.

Saddex nin iyo laba haween ah oo jooga jardiino cagaar ah. Way wada hadlayaan oo gacmaha dhaq-dhaqaajinayaan.

Caafimaadka

Waxaa degmada Helsingborg ku yaal rugag caafimaad oo badan waxaana maamula gobolka Skåne. Hadaad xanuun dareentid waxaa kaalinta koowaad la xiriireysaa rug caafimaad. Warbixin dheeraada oo ku saabsan meelaha eey rugaga caafimaadka ku yaallaan waxaad ka heleysaa wedside ka caafimaadka ee gobolka Skåne. Degmada waxaa kaloo ku yaal isbitaalka Helsingborgs lasarett.

Caawinaad turjubaan

Hadaadan aqoon luqadda iswiidhishka waxaa lagaa caawinaa in laguu qabto turjubaan markaad kulamo la leedahay xarumaha degmada Helsingborg. Ma u baahan tahay turjubaan? U sheeg degmada inta aadan imaan kulanka laguu qabtay, si eey degmada kuugu diyaariso turjubaan. Waa lacag la'aan.

Xiriirka gaadiidka

Weey fududahay inaad u safartid kana safartid degmada Helsingborg. Tareennada waxeey istaagaan bartamaha degmada, waxeey kaloo istaagaan xaafadaha Vallåkra, Rydebäck, Gantofta, Påarp, Mörarp, Ödåkra iyo Kattarp. Waxaa jira basas ku geeynaya xaafadaha kala duwan ee degmada. Shirkadd Skånetrafiken webside kooda waxaad ka fiirsna kartaa wakhtiyada eey tareennada iyo basaska baxaayaan.

Laba wiil oo xiran surwaalada dabaasha oo ku socda mawjad celiye sii galaya badda. Waa cad-ceed oo hawadu way taagantahay.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Helsingborg waxeey rabtaa in fududaato sida loo furto shirkad ganacsi. Meeshaan waxaad ka heleysaa caawimaad hadaad shirkad leedahay ama hadaad shirkad furan rabtid, Warbixin dheeraada oo ku saabsan sida looga furo shirkad degmada Helsinborg waxaad ka heli kartaa degmada webside keeda. Webside ka xafiiska shaqada waxaad ka fiirin kartaa shaqooyinka ka banaan degmada hadda.