Hörby

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Hörby waa degmo yar oo ka dhisan agagaarka magaalin waaweyn iyo dhul qurux badan oo dabiici ah. Meeshaan waxaad ka dareemeysaa ineey tahay meel baadiyo oo kale ah laakin sidaasee tahay waxa aanan kaa fogeyn dadkii, dukaamadii iyo adeegyada kaloo bulshada. Degmada marka laga reebo Hörby waxuu ka koobanyahay xaafado iyo tuulin yaryar.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

15687

Cabirla dhulka

433 kiilomitir oo laba jibaaran

Deegaan

Hörby waxeey badankeed ka kooban tahay guryo yaryar laakiin waxaa kaloo jira guryo laga gato dabaqyada qeybo ka mid ah iyo guryaha la kireysto.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Labadoo luqadood ee ugu waaweyn degmada waa carabiga iyo iiraaniga. Luqadaha kaloo degmada looga hadlo waa boolish, albeeniyaan, seerbiyaan-kurweeshiyaan.

Jaaliyado iyo ururu

Hörby waxaa ka jirta nolol jaaliyadeed dhaqdhaqaaqeedu aad u fiican yahay, waxaana degmada ka diiwaan gashan 120 jaaliyadood oo ka shaqeeya dhinacyada isboortiska iyo hiddaha iyo dhaqanka. Waxaa ka jira degmada mashruuc loogu magac daray is dhexgalka dhinaca jaaliyadaha oo u jeedadiisu tahay inuu dadka qaxootiga ah u fududeeyo sideey ugu qeyb gali lahaayeen nashaadyada kala duwan ee nolol jaaliyadeedka.

Maxaa ka ag dhaw

Meeshaan waxaa yaal wax kastoo noloshaada u baahan tahay. Xaafadaha waxaa ku yaal farmashiiye, bangiyo, maktabad iyo xafiiska bulshada u qaabilsan daryeelka qoyska iyo qofka. Waxaa kaloo heynaa dukaamada gacan-labaadka. Waxaa kaloo ku yaal meel qurux badanoo lagu dabbaasho, meelo lagu jir jimicsado. Tuulooyinka yaryar waxaa laga yabaa ineey wax yaabaha qaarkood eeyan oollin. Waxyaabo badan markaad rabtid inaad soo gadatid ama markaad rabtid inaad la kulantid xafiiska ceymiska iyo xafiiska shaqada iyo xafiisyada kaloo dowladda waad inaad u safartaa xaafadaha dariska ah sida, Höör iyo Eslöv.

Dalyeelka carruurta

Hörby waxaa kuugu diyaara xanaanada caruurta oo isugu jira kowo dowladeed iyo gaar loo leeyahay. Safafka loo galo iskoollada xanaanada carruurta ma dheera.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada Hörby waxaa ku yaal todobo dugsiyada hoosedhexe ah oo eey dowladdu leedahay, hal iskool oo loogu tala galay ardayda miirkooda wax u dhiman yahay iyo hal iskool oo kuwa gaarka loo leeyahay ah. Saddax ka mid ah todobada iskool waxeey ku yaallaan bartamaha degmada afarta kalena waxeey ku yaallaan bannaanka degmada. Iskoolka ardayda dhimirka la' waxuu ku ag yaal iskoolka Georgshillsskolan iyo iskoolka gaarka loo leeyahay ee Ludvigsborg.

Degmada Hörby malahan dugsi sare. Waxaa ku yaal hal dugsi sare oo farsamda gacanta lagu barto lana dhaho: Hörby yrkesgymnasium.

Furadaha waxbarasho

Meesha la dhaho Hörby lärcenter waxaa laguugu diyaariyay waxbarashada dadka waaweyn, sfi (luqadda iswiidhishka oo loogu tala galay dadka qaxootiga ah) iyo IM (borograamka horudhaca).

Caafimaadka

Hörby waxaa ku yaal rug caafimaad, rugta daryeelka hooyada, rugta daryeelka carruurta iyo rugta ilkaha. Waxaa ku yaal rugag caafimaad oo baraayfat ah.

Caawinaad turjubaan

Degmo kasta oo aad dagtid waxaa xaq u leedahay in turjubaan laguu qabto markaad kulan ku leedahay xafiisyada dowladda.

Xiriirka gaadiidka

Xaafadaha ku yaal bartamaha degmada Hörby waxeey geeska jidka weyn ee (E22). Jidkaan owgiis waxaa jira basaska Skåneexpressen oo si fudud ugu safra magaalooyinka Malmö, Lund iyo Kristianstad. Waxaa kaloo jira basas iyo gaadiidyo safar oo kale oo iyagana u safra maaalooyinka iyo degmooyinka kale.

Shaqo iyo ganacsi

Waxaa degmada ka jira shirkado yaryar iyo shirkado waaweyn labadaba, gaar ahaan dhinacyada soosaarka daawada iyo baabuurta. Degmada Hörby waxeey ka mid tahay kuwaas. Magaalooyinks waaweyn sida Malmö, Lund iyo Kristianstad iyo kuwa kale masaafo dheer uma jiraan degmada waxaana laga helaa jaanisyo shaqoo badan.