Kävlinge

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Kävlinge waxaa ku nool 30 000 oo qofood waxeeyna ku taal gobolka Öresund. Waxsoosaarka dhaqaale ee degmada waxuu ku tiirsan yahay ganacsiga iyo qandaraasyada kala duwan.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

31730

Cabirla dhulka

293 kiilomitir oo laba jibaaran

Tareen dhaafaya beerta geedaha saliida laga sameeyo. Waa xilli xagaa ah oo cirku waa buluug saafi ah.

Degmada Kävlinge waxaad ka qaadan kartaa tareen si fudud kuu geeya magaalooyinka waaweyn ee Lund, Malmö, Köpenhamn, Landskrona iyo Helsingborg. Tareenka aada Lund waxuu qaadanaa 10 daqiiqo magaalada Malmö waxuu tareenka kugu geynayaa 20 daqiiqo.

Deegaan

Kävlinge waa degmo yar oo doog iyo cagaar badan. Jawiga wuu kala duwan yahay waxaana degmada ku yaal meelo badan oo loo damaashaad tago. Hadaad rabtid inaad usoo guurtid degmada Kävlinge waxaa jira xaafado badan oo aad kala dooran kartid, degmada boggeeda internetka ayaad warbixin dheeraada oo arrintaas ku saabsan ka akhrin kartaa. Shirkadda guryaha ee ugu weyn waa KKB, oo ah shirkad eey degmadu leedahay. Liis eey ku yaallaan shirkadaha guryaha ee Kävlinge waxaad ka heli kartaa degmada boggeeda internetka.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luqadaha ugu weyn marka laga reebo iswiidhishka waa, teeylaandees, carabi, boolish, luqadaha kale ee degmada looga hadlo waa iiraani, ingiriis, daari, hindi, soomaali, albeeniyaan, shiinees, af-turki, seerbiyaan, sawaxili, burtuqiis, isbaanish, kurweeshiyaan, litaawen, holandees, ruush, hangari, jarmal, teluugu, siirilaankees, kurdish.

Jaaliyado iyo ururu

Waa caado in laga shaqeeyo jaaliyadaha samafalka ee Iswiidhan. Degmada Kävlinge waxaa ka jira jaaliyado fara badan oo firfircoon waxaana meeshaan ka jira fursado waaweyn oo sameyn kartid howlaha firfircoonida ee xilli firaaqaha oo loogu tala galay da'kasta. Jaaliyadaha oo dhan waxaad ka heleysaa liiska diiwaangalinta jaaliyadaha ee degmada.

Lix doonyo yar yar ah oo ag shiraacan dekada doonyaha yar yar.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Kävlinge waxaa ku yaal dukaamo kala duwan, bangiyo, bibliotek, farmashiiye, xafiiska shaqada iyo xafiiska daryeelka qoyska iyo qofka iyo xarunta muwaadinka. Tuulada Löddeköpinge waxaa ku yaal maktabad och suuqa weyn ee shoppingcentret Center Syd oo eey ku yaallaan 60 dukaamo, biibitooyin iyo makhaayado. Dukaamada gacan labaadka dharka waxeey ku yaallaan Furulund, Dukaamada gacan labaadka alaabta guryaha waxeey ku yaallaan Kävlinge. Alaab rakhiis ah waxaad ka heli kartaa Center Syd.

Waxaa degmada ku yaal labo xarumood oo lagu dabbaasho,Vikenbadet oo ku taal Furulund iyo Tolvåkerbadet oo ku taal Löddeköpinge. Xillliga xagaaga waxaad ku dabbaalan kartaa badda tusaale ahaan goobta Barsebäck. Xafiiska cashuuraha iyo xafiiska ceymiska waxeey xafiisyo ku leeyihiin magaalada Lund.

Tartan jiidasho ah oo banaanka ah. Koox afar qof ah ayaa jiidaya xariga. Dadka daawanaya xarig kala jiidashada way dhiiri-gelinayaan oo faraxsanyihiin.

Dalyeelka carruurta

Degmada Kävlinge waxaa ku yaal 15 dugsiyada xanaanada carruurta ah iyo 4 xanaanada gaarka loo leeyahay ah. Xanaanada furan waxeey ku taal Kävlinge iyo Löddeköpinge.

Xarfaha aalfabeetada Laatiinka oo ku qoran kaar yar. Kaar kasta wuxuu leeyahay xaraf weyn iyo mid yar.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Waxaa ku yaal degmada 13 dugsiyada hoosedhexe ah. Dugsiyada sare ee ugu dhow waxeey ku yaallaan Lund. Degmada waxaa lagu bartaa horudhac dhinaca luqadda ah oo loogu tala galay dhalinyarada jirta 1-20 sano iyo barasho luqadda hooyo ah, hadii labada waalid midkood luqad aan iswiidhish aheyn uu ku hadlo, luqadaasna guriga laga isticmaalo maalin kasta.

Fasal uu ka socdo cashar. Arday iskool oo ag fadhiyo miisas kala duwan oo wax qoraya.

Furadaha waxbarasho

Degmada Kävlinge waxeey kusiineysaa waxbarashada dadka waweyn, komvux, oo ku taal xarunta Lärcentrum. Meeshaas waxaad ka dhigan kartaa barashada luqadda luqadda iswiidhishka oo loogu tala galay qaxootiga sfi iyo waxbarasho iyo koorsooyin kale. Degmada Kävlinge waxaa laguugu hayaa waxbarashada sida mujtamaca iswiidhishka u shaqeeyo oo loogu tala galay dadka wadanka ku cusub. Jaamacado waxeey ku yaallaan magaaloyinka Lund, Malmö, Köpenhamn iyo Helsingborg.

Fasal waxaa fadhiya saddex haween ah oo dhinac jooga kombiyuutar oo daawanaya shaashada. Waxaa horyaala oo ay haystaan buug.

Caafimaadka

Waxaa Kävlinge iyo Löddeköpinge ku yaal labo rug caafimaad iyo rug daryeelka hooyada ah, rugta daryeelka dhallaanka iyo rugta daryeelka ilkaha. Qaabilaadda degdega ah waxeey ku taal isbitaalka universitetssjukhuset oo ku yaal magaalada Lund, waxaa kaloo jira istaallo ku yaal magaalooyinka Malmö iyo Landskrona iyo qeyb takhasus oo ku taal Eslöv. Warbixin dheeraada oo ku saabsan daryeelka iyo caafimaadka waxaad kala xiriiri kartaa Vårdguiden taleefankooduna waa 1177.

Caawinaad turjubaan

Degmada Kävlinge waxeey kuu heysaa adeeg turjubaan oo goobta kulanka kula joogo ama turjubaan dhinaca taleefanka, xarumaha turjubaanka laga dalbadana waxeey ku yaallaan magaalooyinka Lund, Landskrona iyo Helsingborg.

Xiriirka gaadiidka

Kävlinge waxeey ku taal meel fiican waxaa ka jira adeeg gaadiidka dadka ah oo si fudud kugu geynayo magaalooyinka Lund, Malmö, Köpenhamn, Helsingborg och Landskrona. Safarada gobolka dhexdiisa waxaa maamula shirkadda Skånetrafiken. Tareenno isteeshin waxeey ku yaallaan Kävlinge iyo Dösjebro.

Hadaad rabtid inaad u safartid meelo dhaadheer, sida Göteborg, Stockholm ama magaalooyinka kaloo waaweyn, waxaad raaci kartaa shirkadda tareennada ee SJ. Tareennadaas waxaad ka qaadan kartaa Lund ama Malmö. Lund waxaad ka qaadan kartaa shirkadaha baska ee Swebus iyo Nettbuss. Garoomada diyaaradaha ee ugu dhow waxeey ku yaallaan Malmö (Sturup) iyo Köpenhamn (Kastrup).

Gaadiidka dadweynaha ee degmadan

Tareen midabka qalinka ah oo taagan boosteejada tareenada.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Kävlinge waa gobol dadka dega eey ka shaqeeyaan magaalooyin kale sida Lund, Malmö iyo Köpenhamn. Shaqa bixiyaha ugu ee degmada waa Center Syd. Xafiiska shaqada boggiisa internetka waxaad ka heli kartaa warbixin ku saabsan shaqooyinka bannaan. Warbixin ku saabsan sida shirkad ganacsi looga bilaabo waxaad heli kartaa degmada boggeeda internetka.

Nin iyo haweenay hortaagan derbi ay ku qorantahay