Sjöbo

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Sjöbo waxeey ku taallaa dhaxbartanka gobolka Skåne, agagaarka Malmö-Lund. Degmada waa tan ugu baaxada weeyn ee gobolka Skåne, waxeyna ka koobantahay tuulooyin yaryar iyo deegaanno isku dhowdhow.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

19246

Cabirla dhulka

507 kiilomitir oo laba jibaaran

Sjöbo waxeey leedahay dukaanno badan iyo adeeg bulsho oo ballaaran. Sjöbo waxeey leedahay goob ganacsiyeed oo sanad kasta bisha julaay la qabto, kaas oo ah goob ganacsiyeedka ugu da´da weeyn ee wadanka iswiidhan oo dhan.

Deegaan

Sjöbo waxeey kuu heeysaa nuucyada kala duwan ee guryaha hadii eey ahaan lahaayeen kuwa dabaqyada ku yaal, bangalo iyo kuwa kale, kuwoo aad ijaaran kartid ama gadankartid. Waxaa jira shirkado eey dowladdeegaanka leedahay oo ayaga guryaha laga ijaarto waxaa kaloo jira shirkado gaar loo leeyahay oo iyaga ijaara guryaha. Liis eey ku qoranyihiin shirkadahas waxaa laga heli karaa degmada boggeeda internaka, laakiin waxaa kaloo jira shirkado gaar loo leeyahay oo ijaara guryo yaryar waxeeyna soo dhigaan bogga internetka ee blocket bostad ama bogag kale oo lasoo dhigo guryaha loo rabo ijaar.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luqadda iswiidhishka marka laga reebo, luqadaha waaweeyn eelooga hadlo Sjöbo waxeey kala yihiin daanish boolish, af-jarmal, af-teeylaandees. Waxaa kaloo looga hadlaa af-ingiriis, carabi, af-holandees, daari iyo baashtuu.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Sjöbo waxaa ka jira jaaliyado iyo ururo badan aadna u firfircoon. Degmada boggooda internetka waxaa föreningsregistret laga riidin karaa qofka waxa uu xiiseynayo iyo jaaliyadda waxaas qaabilsan. Kaniisada Svenska kyrkan waa urur diimeedka ugu weeyn ee deegaanka Sjöbo. Lund iyo Malmö oo labadooduba udhow Sjöbo waxaa ka jira ururo iyo isbaheeysiyo waweeyn oo eey dad badan oo diima kala duwanna heeysta ku xiranyihiin.

Maxaa ka ag dhaw

Sjöbo waxaa ku yaal suuq iyo dukaamo cunto oo badan, waxeey kaloo leedahay dukaamo kale oo kala duwan, biibitoyaal, maktabad, farmashiiye, shineemada lamagac baxday Flora iyo meel gudo ah oo lagu dabbaasho. Tuulooyinka ku hareersan degmada waxey iyaguna leeyihiin dukaamo, waxaa jira sidoo kale tuulooyin leh maktabado sida Belntarp, Lövestad, och Vollsjö. Degmada hareeraheeda waxaa ku yaallo garoommada kubadda cagta. Sjöbo waxeey kaloo leedahay guriga dhalinyarada iyo hiddaha iyo dhaqanka oo loo yaqaan Navet, dhalinyarada loogu tala galay waa 13-20 sano jir. Blentarp, Lövestad iyo Vollsjö kulligood waxeey leeyihiin beerta xilli firaaqaha oo loogu tala galay in lagu maaweeliyo dhalinyarada jira 13-20 sano, xilliyada eey firaaqada yihiin.

Lix caruur ah oo ciyaaraysa fiyoolin oo joogta bandhig. Xagga dambe waxaa ka heesaya dad waaweyn oo ah hobollada heesa.

Xafiiska shaqada, xafiiska lagu qaabilo qaxootiga iyo xafiiska xanaanada qoyska kulligood ku yaallaan bartamaha Sjöbo. Degmada Ystad oo loo raaco bas waxaa ku yaal xafiiska ceymiska bulshada iyo xafiiska cashuuraha.

Jaaliyadaha kala duwan ee degmada waxeey abaabulaan seylado lagu gado alaabaha duuga ah waxaa laga gadan karaa suuqyadaas alaabaha lagu qalabeeyo guryaha oo qiimahoodu jaban yahay. Waxaa kaloo jira Erikshjälpen i Tomelilla oo isagana lagu gado alaabta guriga. Sjöbo waxaa kaloo kuyaal dukaamada alaabta sida Jysk. IKEA waxuu ku yaallaa duleedka magaalada malmö. Hadii aadan heysan baabuur waxaa raaci kartaa baska kadibna waxad u badan kartaa tareenka usocda Svågertorp.

Dalyeelka carruurta

Caruurta eey waalidiintooda shaqeeyso waxaa loo ogolyahay ineey billibaan dugsiga barbaarinta caruurta laga billaado markeey jiraan 1 sano illaa eey ka bilaabayaan dugsiga hoose. Caruurta waxaa labaraa korna looqaadaa awoodooda luqadeed, xisaabta, dhaqdhaqaaqa jirka iyo ineey noqdaan kuwo furfuran. Cayaarta muusiga iyo in caruurta loo abuuro meherado firfircooni waxeey aasaas u yihiin horumarintooda.

Waalidiinta aan shaqeynin waxna baraneynin waxaa loo ogolyahay ineey carruurtooda geeyaan xanaanada carruurta (15 saac todobaadkii) markeey da'dooda gaarto 3 sano isla markaana sanad dugsiyeedka xilliga dayrta la gaaro. Dugsi xanaaneedka guud waxuu caruurta oo dhan diyaar ula yahay in ardayda ubaahan caawimaad dheeraad ah uu siiyo fursado eey kor ugu qaadayaan awoodooda waxbarasho. Caawimaaddaas waa lacag la'aan.

Degmada Sjöbo waxaa ku yaal 13 dugsiyada xanaanada carruurta eey dowladda leedahay iyo 11 oo gaar loo leeyahay. Warbixin ku saabsan meealaha eey ku yaallaan iyo sharciyada u dajisan waxaad ka heli kartaa degmada boggeeda internka.

Öppna förskolan i Sjöbo waa meel loogu tala galay qoysaska heeysta carruurta da'dooda eey udhaxeeyso 0-5 sano. Meeshaas waxaa carruurta looga caawiyaa in kor loo qaado awoodoooda waxbarasho. Waalidiinta xataa waxaa diyaar loola yahay in loo sameeyo xalaqooyin kala duwan oo eey isku weeydaarsan karaan khibradahooda kala duwan iyo dad eey la xiriiri karaan hadeey wax kusaabsan carruurta rabaan ineey ogaadaan.

Kaniisada Svenska kyrkan ee Sjöbo waxeey iyadana carruurta iyo waalidiintaba u heeysaa barnaamijyo kala duwan.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Sjöbo waxaa ku yaal lix dugsi oo ah kuwa hoosedhexe oo eey dowladda leedahay och sadax kuwa gaarka loo leeyahay ah. Sadax kamid ah waxey kuyaallaan Sjöbo dhexdeeda, inta kalana waxeey kuyaallaan Blentarp, Lövestad iyo Vollsjö.

Dugsiga Malenagymnasiet ee ku yaallo Sjöbo waxeey ardayda soo dhameeystay waxbarashadooda dugsi hoosedhexe ka baran karaan barnaamijyada dhismaha, farsamada gacanta iyo gaadiidka, hoteel iyo dalxiis. Barnaamijyo kale hadii aad rabtid inaad baratid waxaad ka raadsan kartaa magaalooyinka Ystad, Lund ama Malmö. Waxaad ka dalban kartaa skanegy.se.

Furadaha waxbarasho

Sjöbo waxeey diyaar kuula tahay vuxenutbildning. Hadaaad wadanka ku cusubtahay waxaa laguu diyaariyay iskuullo aad ka baran kartid luqada iswiidhishka. Waxaa kale oo jira dad khibrad u leh ineey kaa caawiyaan waxaad rabtid inaad ka shaqeeysatid markaad baratid luqada iswiidhishka. Uma baahnid inaad waqti dheer sugtid si aad boos uga heshid iskoollaadaas, hore ayaad ka billaabi kartaa.

Jaamacada Lund iyo machadka ku yaalla Malmö masaafo yar ayeey ujiraan Sjöbo. Waxaa kaloo iyagana jira iskoollo kale oo ka agdhow Sjöbo.

Caafimaadka

Sjöbo waxeey leedahay labo rug caafimaad, Vårdcentralen Sjöbo iyo Novakliniken Sjöbo. Labadooduba waxeey kuu hayaan daryeel caafimaad ee xagga hooyooyinka iyo carruurta.

Vårdcentralen Sjöbo iyo Novakliniken Sjöbo labadooduba waxeey kuu hayaan daryeel caafimaad ee xagga ilkaha, waxaa kaloo jira rugyo caafimaad oo ah kuwa gaarkla looleeyahay.

Isbitaalka ugu dhow waxuu ku yaallaa Ystad. Isbititaallo kale waxeey ku yaallaan Lund iyo Malmö.

Caawinaad turjubaan

Waxaad xaq uleedahay inaad heshid turjubaan marka aad la kulmeeysid xafiisyada dowladda iyo goobaha caafimaadka. Waxaa fiican inaad hore usii sheegtid hadii aad ubaahantahay turjubaan.

Xiriirka gaadiidka

Degmada Sjöbo waxeey leedaahay basgoboleed eey dadka deegaanka uraacaan degmooyinka kale iyo degmada Sjöbo dhexdeeda. Shirkada wado basaska waa Skånetrafiken.

Waxaa kaloo jira basas kale oo degmooyin kale duwan gaara, iyo basaska sida dhaqsida badan u socoda oo iyagana aada magaalooyinka Malmö iyo Lund. Nus saac ayaad ku joogtaa Ystad. 40 ilaa 55 daqiiqana waxaad joogtaa Lund, Malmö waxaa ku tageeysaa ku dhawaad hal saac.

Bas hurdi ah oo istaagay boosteejada basaska ee agta duurka.

Gobolka Skåne waxuu leeyahay tareeno badan oo isku xira degmooyin badan oo gobolka ka tirsan. Magaalooyinka oo istaagana waxaa kamid ah Ystad, Lund iyo Malmö, waxaad saacad kasta gudaheed taagan tareeemmo ku geyn kara degmooyinka kale ee Skåne ilaa iyo Denmark. Tareemada gobolka Skåne waxaad ka gadan kartaa tikityo ku geeyn kara gobollada Blekinge, Halland iyo Göteborg. Lund iyo Malmö waxaad ka qaadan kartaa tareemo ku geeynaya ilaa Norge (Oslo) ama Stockholm iyo meela kale.

Ystad waxaa ka baxo maraakiiib aaddo wadanka Booland iyo Denmark (jaziiradda Bornholm). Maddaar diyaaradeed ayaa kuyaal duleedka Malmö (Sturup) waxaa kaloo jira maddaar caalami ah oo ku yaal magaalada Koobenheegan (Kastrup). Waxeey qaadaneysaa 1½ hal saac iyo nus hadaad kasoo qaadaneysid bas iyo tareen Sjöbo ilaa Kastrup.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Sjöbo är shaqo bixiyaha ugu weeyn ee deegaanka waxaana ushqeeya 1 200 oo qof. Shaqaalaha waxeey ka shaqeeyaan dugsiyada xanaanada carruurta, waxbarashada, daryeelka bukaanada iyo cuuriyaamiinta, hiddaha iyo dhaqanka, bii'ada, dhismaha, jidadka, biyaha iyo biyo mareennada, maamulka, dhaqaalaha iyo kuwo kale. Warbixin dheeraada oo ku saabsan shaqooyinka bannaan ee degmada waxaad ka akhrin kartaa degmada boggeeda internetka.

Degmada Sjöbo waxaa ka jira shirkado yaryar oo badan. Waxyaabaha eey shirkadahaas qabtaan waxaad ka akhrin karta företagsregistret.

Degmada Sjöbo waxeey diyaar utahay ineey shirkadaha yaryar ee baranjiyada kala duwan caawimaad siiso si ganacsigooda uxoogeeysto. Hadii aad ku fikireysid inaad furatid shirkad waxaad ogaataa in degmada Sjöbo eey la shaqeeyso NyföretagarCentrum Öresund meeshaas oo aad warbixin iyo caawis ka heleysid.

Xiriirka gaadiidka oo aad uwanaagsan dartiis masaafada udhaxeysa degmada iyo Malmö/Lund weey yartahay. Taasi waxeey u fududeeyneysaa qofkii raba inuu sameysto shirkad ganacsi inuu iibiyo alaad ama waxyaalo badan eey ubaahan yihiin dadka ka shaqeeya dhismaha cilmi baarista MAX IV (2015) och ESS (2019) ee caanka ah oo kuyaal Lund. Dhismahaas wax tar umalaha oo kaliyah dadka ku takhasusay culuumta kala duwan, ee wuxuu waxtar uleeyahay dhaqaalaha dadka shirkadaha yar ku leh degmada.