Trelleborg
Trelleborg waa degmada uga xaggeeysa oo xiga dhinaca koofur ee wadanka Iswiidhan waxaana ku nool 43 000 oo qofood. Degmada waxeey ku taal meel istaraatiiji ah oo xigta dhinaca xeebta koofureed, waxeeyna u dhowdahay magaalooyinka waaweyn ee Malmö, Lund iyo Köpenhamn, waxaana ka baxo tareennada xamuulka oo aada saddax dekado oo ku yaal wadamada Jarmalka iyo Boolan.
Xaqiiqooyinka degmada
Tirada dadka
45307
Cabirla dhulka
1177 kiilomitir oo laba jibaaran
Deegaan
Degmada Trelleborg waxeey kuu heysaa guryo tayo sare leh isla markaana u dhow dhulka dabiiciga ah. Guryaha waxeey isugu jiraan fillooyin iyo kuwa dabaqyada ku yaal. Shirkadda guryaha ee degmada magaceedu waa Trelleborgshem.
Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada
Luqadaha ugu waaweyn ee degmada waa boosniyaan, carabi, albaani, boolish, daanish, makadooni. Luqadaha afka hooyo oo ardayda u dhalata wadankasta la baro waxeey gaarayaan 27 luqadood: albeeniyaan, carabi, boosniyaan, daanish, daari (waxeey lagu caawiyaa ardayda bis), ingiriis, finlaandees, faransiis, af-giriig, itaaliyaan, iislaandees, kurweeshiyaan, af-kurdi, makadooniyaan, shiinees, iraani, boolish, romaaniyaan, af-ruush, seerbiyaan, isbaanish, filibiiniyaan, teeylaandees, turkish, jarmal iyo af-hangari.
Jaaliyado iyo ururu
Liiska yaaliyadaha ee degmada waxaad ka raadin kartaa jaaliyadaha iyo kala duwan ee dhinacyada isboortiska iyo hiddaha iyo dhaqanka.

Maxaa ka ag dhaw
Degmada Trelleborg bartamaheeda waxaa ku yaal xafiiska degmada, maktabad, xafiiska shaqada, xafiiska ceymiska, bangiyo, isteeshinka booliska, farmashiiye, meel lagu dabbaasho iyo matxaf.

Dalyeelka carruurta
Degmada Trelleborg waxaa ku yaal 32 iskoollada xanaanada ah, mid ka mid ah iskoolladaas waxa uu furanyahay aroortii illaa habeenkii, 18 iskoolna waxeey leeyihiin meelo loogu tala galay carruurta dhimirkoodu wax u dhimanyahay iyo kuwa cuuriyaamiinta ah.
Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare
Degmada Trelleborg waxaa ku yaal iskoollo dugsi hoosedhexe ah oo badan. Iskoollada dowladda ee Trelleborg waxaa maamulkooda haayo degmada, kuwa gaarka loo leeyahayna waxaa maamulkooda haaya hogaamiyayaal kale.
Degmada Trelleborg waxeey leedahay hal dugsi sare. Waxaana la dhahaa Söderslättsgymnasiet oo ukala qeybsan qeybaha Bastionen iyo S:t Nicolai. Iskoolka Söderslättsgymnasiet waxaa laga bartaa 14 barnaamijyo waxbarasho qarameed, 5 barnaamijyo oo kuwa hordhaca ah, barnaamijyo kubbada cagta- iyo kubadda gacanta ah, xarun gaar u eh ardayda cuuriyaamiinta ah iyo waxbarashada dadka waaweyn.
Furadaha waxbarasho
Waxbarashada dadka waaweyn ee degmada waxeey qabanqaabisaa waxbarasho heer dugi hoosedhexe iyo dugsi sare ah. Waxaa jira oo labaran karaa koorsooyin yaryar iyo barnaamijyo buuxo. Waxaa kaloo jira waxbarashada luqadda iswiidhishka ee dadka waaweyn iyo waxbarashada gaarka ah ee dadka waaweyn.
Degmada waxaa ka jira waxasho kala duwan oo dhinaca xirfadd ah.

Caafimaadka
Isbitaalka Trelleborg waa isbitaal degmadu ee leedahay lehna qeybta takahsuska lafaha, isbitaalka waxuu qabilaa xanuunada degdegha iyo kuwa kale oo caadiga ah. Qeybaha kala duwan ee isbitaalka waa qeybta emerjensiga, qeybta daryeelka, qeybta takhasuska iyo qeybta qalliinka.
Degmada Trelleborg waxaa ku yaal labo rug caafimaadeed iyo hal kaloo dheeraada oo ku yaal xaafadda Anderslöv.
Waxaa ku yaal xarumo daryeelka ilkaha ah oo isugu jira kuwo dowladeed iyo kuwo gaar loo leeyahay.
Caawinaad turjubaan
Turjubaan waa kuu diyaar marka aad booqaneysid xafiisyada dowladda.
Xiriirka gaadiidka
Basaska shirkadda Skånetrafiken ayaa wada basaska degmada, ayagaana aada magaalada Malmö. Bisha disembar ee sanadka 2015 waxaa laga hirgalinaa degmada jjid uu maro tareennnada oo aadi doono magaalooyinka waaweyn sida Malmö.

Shaqo iyo ganacsi
Dad badan oo ka shaqeeya degmooyinka iyo magaalooyinka dariska ah sida Köpenhamn waxeey doorteen ineey degaan degmada Trelleborg maadaama eey degmadu meel kasta u dhowdahay.
Trelleborg waxeey ku taal meel istiraaji ah ganacsigeedana aad ayuu u fiicanyahay. Hadii aad furaneysid shirkad waxaad kaalmo dhinaca talada ah ka heleysaa degmada iyo shirkad dowladeedka Trelleborgs Kommuns Utvecklings AB oo ka shaqeeysa waxyaalaha ku saabsan wax soosaarka ganacsiga iyo dhaqaalaha, isla markaasna la shaqeeysa dadka shirkadaha leh.