Södermanlands län

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Södermanland waa hal mid ah 21:da gobol ee Iswiidhan. Gobolka waxuu koonfur ka jiraa Stockholm, waqooyina Östergötland, waxuuna dhanka bari xudud la le yahay Östersjön. Waxaa dagan ku dhawaad 280 000 oo qof oo ku joogo Södermanland iyo magaalada ugu weeyn (degmada) oo ah Eskilstuna, taasi oo leh in yar oo ka badan 100 000 oo qof. Södermanland waxeey lee dahay isgaasiin fiican oo leh isgaarsiinta guud, waxeeyna lee dahay hal goob-duulimaad: Skavsta, banaanka Nyköping.

Map of Sweden Created with Highcharts 10.2.1

Degmooyinka ku yaala Södermanlands län

Dooro degmada ah Södermanlands län ee aad doonaysid inaad wax dheeraad ah ka akhrisato xagga hoose

Xaalada guryaha

Gurigaada waa kireeysan kartaa ama waa gadan kartaa. Markii aad guri kireeysaneeyso waxaad kirada siineeysaa guri-kireeyaha (milkilaha). Haddii aad dooneeyso in aad guri kireysato waa muhiim in aad istaagto safka guriyaasha sida uu dhaqsiyaha badan. Dad badan ayaa doonaayo in ee guri kireeystaan hadana dhib ee noqon kartaa helida guri banaan.

Bogga degmada waxaa marmar ku jiro warbixin iyo habka loola xariiro guri-kireeyaasha degmada. Sido kale waxaad guriyaal la gato ama la kireeysto ka heli kartaa faanis, tusaale ahaan mid ku jiro internet. Ururka-kireeystayaasha waxaad ka heli kartaa warbixin iyo caawinaad markii aad gurigaada kireeysaneeysid.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye

Shaqo-bixiyayaasha ugu weyn gobolkan waxaa laga helaa dhanka dawlada. Qaybta dawladeed waa degmooyinka, gobolada iyo hey'addaha dawladeed ee kala duwan. Degmooyinka ugu weyn; Eskilstuna, Nyköping iyo Katrineholm ayaa leh goobaha shaqo ee ugu badan. Gobolka ayaa mas'uul ka ah daryeelka bukaanka oo shaqaalaysiiya dad badan.

Shaqo dhiibayaasha ugu weeyn waa shirkadaha warshadeeynta. Sido kale waxaa jiro shirkado waa weeyn oo ka shaqeeyo raashin, dhar-sameeyn iyo ganacsi. Sido kale waxaa jirto Samhall Aktiebolag, oo halkaasa laga lee yahay shaqoyin badan oo kala duwan iyo shaqo toobarad. Waxaad arki kartaa liis ee ku qoran yihin shaqo dhiibayaasha ugu weeyn, waxaana ka arki kartaa regionfakta.

Iskoolaad iyo waxbarasho

Caruurta ilaa 16 sano jiro waxeey dhigtaan dugsiga hoose, kadibna dugsiga sare oo si gaar ah looga dooran karo nuuca waxbarashada la dhiganaayo. Warbixin ku saabsan iskuulo waxaad ka heleeysaa degmada. Waxbarashada dugsiga hoose iyo dugsiga sare ee Iswiidhan waa lacag la'aan.

Qofkii haddii uu weeyn yahay hadana uu rabo in uu waxbarto waxaa jiro fursado badan. Degmada ayaa ka hebeeyso waxbarashada dadka waa weeyn, waxaana si jiro oo kale dugsiga dadka waa weeyn iyo jaamacadaha-xirfada. Södermanland waxaa ku taalo hal jaamacad, Jamacada Mälardalen ee Eskilstuna, laakin sido kale waxaa safar loo gali karaa Jaamacad tusaale ahaan ku taalo Linköping-Norrköping ama Stockholm.

Daryeelka bukaanka

Södermanland dadka dhamaantood waxeey xaq uu lee yihiin daryeelka bukaanka. Taasna sido kale weey khuseeysaa magangalyo-doonka. Haddii aad uu baahan tahay daryeel degdeg ah, markii ee arinta ee degdeg tahay, waxaad waceeysaa 112 SOS Alarm.

Haddii aanay deg-deg ahayn waa inaad tagto rugta caafimaadka. Rugta caafimaadka waxaa ka shaqeeya dhakhaatiir iyo kalkaalisooyin caafimaad. Haddii aad u baahato daryeel takhasus dheeraad ah leh markaas rugta caafimaadka ayaa kaa caawinaysa inaad hesho isbitaalka saxda ah. Rugtaada caafimaadka ee kuugu dhow waxaad ka helaysaa bogga intarnatka ee gobolka.

Sadax isbitaal ayaa ku taalo Södermanland. Waxeey ku yaaliin Eskilstuna, Nyköping iyo Katrineholm. Halkaas waxaa ku yaalo qaabilaado-takhasus iyo qaabilaada-degdega. Sido kale waxaad talo bixinta caafimaadka kala xariiri kartaa 1177 ama bogga jiheeynta-caafimaadka. Jiheeynta-caafimaadka waxaad ka heleeysaa jawaabo khuseeyo su'alaha iyo talobixin khuseeyso cuduro iyo caafimaad.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Iswiidhan waxeey lee dahay jawi urureed oo xoog leh. Ururada waxaa kala wado dadka ka tirsan. Ururada waxaa ka mid ah kooxyaal-isboorti, ururo dhaqameed iyo ururo shaqo. Sido kale waxaa jiro ururo badan oo kula kulmi karto dad ka socdo caalamka oo dhan. Ururada qarkood waxaad ka heleeysaa machadka soo galooytiga.

Degmooyinka dhamaantood waxeey lee yihiin maktabad xurka ah, waxeeyna uu shaqeeyaan sidii goob-kulan ee loog tala galay dhaqanka gudaha. Halkaan waxaad ka amaahan kartaa buugaag, cajaladaha-CDga iyo filimaan, ka akhrisan kartaa wargeeysyaal ku qoran luuqado badan oo kala duwan iyo waxaad ka isticmaali kartaa kombiyuutar leh internet. Inta badan matkabad waxeey warbixin ka hayaan degmada. Qarkood waxeey habeeyaan hoowlo, tusaale ahaan bibitada-luuqada oo lagu kulmo, laguna toobarto iswiidhishka. Sido kale waxaa jiro jiheeyaal-qaxooti iyo asaxaabta-luuqada oo ka jiro Eskilstuna, Nyköping, Strängnäs iyo Katrineholm.

Haddii aad rabto in aad ogaato waxa ka dhacaayo Södermanland ama mid ka mid ah degmooynka waxaad fiican in aad akhrisato wargeeysyada gudaha. Wargeeysyada gudaha badan kood waxeey lee yihiin bog-internet: Eskilstuna-Kuriren, Södermanlands Nyheter, Katrineholmskuriren iyo Wargeeyska Sörmlandsbygden. Sido kale waxaa jiro idaacadaha gudaha ee laga sii daayo P4 Södermanland iyo warka gudaha telefishinka ee laga SVT.