Gnesta

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Gnesta waa degmad taarikhdeeda yartahay oo ku wadnaha uga taalo dhiska-dhaqanka ee Sörmland. Waxaa nooga imaan kartaa Stockholm hal saac oo tareen ah. Tareenka-gobolkana waxuu kuu keena in ka badan nus saac, waxa sido kale xariir-isgaarsiis uu qaadan kartaa Linköping, Göteborg iyo Örebro.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

11374

Cabirla dhulka

538 kiilomitir oo laba jibaaran

Biyo ka muuqda horta muuqaalka magaalada Gnesta lehna guryo iyo dhismayaal midabo kala duwan ah.

Degmada Gnesta waa degaan yar ee sharkadeed oo dhab ah, waxaa ka diwaan galsan in ka badan 1 000 shirkad. In badan oo ka mid ah waa beereed, taasi markii lagu daro wabiyaasheena yaryar oo dhan (180), oo asaas uu noqoneeyso dhulkeena dabiiciga ee qurxon hadana kala duwan. Gnesta waxaa laga helaa oo soo bandhigan howlo firfircooni ee dibada oo nooc kasto hami loo hayo, da' kasto loogu tala galy iyo xiliyo. Sido kale degmada waxaa ku yaalo xaafadaha Stjärnhov, Björnlunda och Laxne. Sido kale halkaan waxaad ku raaxeeysan kartaa dabiicad qurxoon iyo howlo badan ee dhaqameed iyo farshaxaneed.

Deegaan

Shirkada guriga ee degmada lee dahay, Gnestahem, waxeey ku so bandhigi kartaa degaan dhexbartamaha xaafadaha ugu yaal sido kalena degaan ku yaalo xaafadaha ka yar oo loogu tala galay qofka doonaayo in uu dhawaado jiq iyo wabi-yar. Sido kalena waxaad dooran kartaa in aad guri ka kireysato shirkadaha gaarka ah. Warbixin dheeraad ah oo taas ku saabsan waxaad ka heleeysaa bogga degmada Gnesta.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luuqadaha degmada dadka joogu ku hadlan, markii la iskaa dhaafo iswidhishka, hadda waa af ingriis, af carabi, af tirgrinya, af faarisi iyo dari.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Gnesta waxeey qani ka tahay ururada, in dheeraad oo taasi ku saabsan waxaad ka akhrisan kartaa diiwaankeena-urureed. Ururo-soo galooyti oo gaar ah kama jiraan degmada laakin waxeey ka jiraan meelaha weeyn ee uu dhow.

Maxaa ka ag dhaw

Xaafadaha-dhisan ee Gnesta waxaa ku yaalo xafiiska-shaqada, maktabad iyo xafiiska dadweeynaha. Inta waxaa ku yaalo dukaamo badan oo kala duwan iyo banki, farmashiye, shaleemo iyo goob-dabaaleed oo caan ah iyo wax kale. Labo dukaamo ayaa ku yaalo bartamaha, midna waxuu ku yaalaa Gnesta geeskeeda. Xaafadaha ka si yar oo degmada ku yaalo, waxaa ku yaalo dukaamo kuwo cunto iyo kuwo kale, tusaale ahaan Strandhallen ee gudaha Stjärnhov iyo Jarbells ee gudaha Björnlunda.

Gnesta waxaa ku taalo labo dukaamo-gacan labeed oo leh alaab guriyeed iyo maacuun.

Meesha baabuurta la dhigto oo ay joogto haweeynay ku fadhida dhagax oo haysata shimbir cagaar ah.

Dalyeelka carruurta

11 dugsi xanaanado ee degmada lee dahay iyo 3 madax banaan ayaa ka jiro degmada Gnesta. Dugsi xanaaneed kasto waxuu lee yahay in uu dhaxeeyso labo iyo afar qeeybood.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Inta waxaa ku taalo shan iskuul ee degmada lee dahay. Dugsiga Freja 0-9, iyo iskuulka Dansut 0-5 oo ku yaalo Gnesta. Iskuulka Kvarnbacka 0-5 gudaha Stjärnhov, iskuulka Welandersborg 0-5 gudaha Björnlunda iyo iskuulka Laxne ee gudaha Laxne. Sido kale Gnesta waxaa ku yaalo hal iskuul oo madaxbanaan, waa iskuulka Waldorf 0-9.

Degmada Gnesta ma leh dugsi sare ee degmada lee dahay, laakin waxeey lee dahay mid madaxbanaan Dugsi sare ee Baggium Gnesta praktiska. Sido kale waxaa jiro heshiis ee degmada la lee dahay degmooyinka Strängsnäs, Flen, Nyköping, Salem, Botkyrka iyo Södertälje.

Furadaha waxbarasho

Qofkii weeyn oo doonaayo in uu waxbarto, fursado badan oo kala duwan ayuu heeystaa waxeeyna ku xiran tahay waxa uu qofka uu rabo iyo heerka uu rabo in dhigto. Xarunta-waxbarashada ee gudaha dhexbartanka Gnesta, waxaa tusaale ahaan ku yaalo dugsiga sare ee dadka waa weeyn, dugsi sare ee gaarka ah, waxbarashada iswiidhiska ee soo galooytiga, jaamacad iyo wax kale.

Caafimaadka

Markii loo baahdo daryeel caafimaad iyo bukaan, Gnesta waxaa ku taalo hal rug caafimad. Stjärnhov waxaa taalo qaabilaada kalkaalisdada-xaafadaha. Qaabilada degdega uu dhow waxeey ku taalaa Nyköping oo Gnesta uu jirto ku dhawaad 4,5 maayl. Sido kale Gnesta waxaa taalo xarunta-reerka/rugta caafimaadka hooyoyinka. Daryeel ilko markii loo baahdo degmada Gnesta waxaa yaalo Daryeelka lkaha ee dadweeynaha iyo dhowr qaabilaado-ilko oo madax banaan.

Caawinaad turjubaan

Haddii caawinaad turjumaad loo baahdo, waa loo soo bandhigaa qofka markii uu xariir lala yeelanaayo degmada, hey'addaha dowlada iyo daryeelka caafimadka.

Xiriirka gaadiidka

Degmada Gnesta si sahalan ayaa lagula tagaa jidka E4 iyo tareen oo wada ah xariir-gaadiid oo muhiim ah. Gaadiidka dadweeynaha waxuu ka kooban yahay tareen istaago Gnesta iyo bas goboleed iyo xaafadeed oo markaas xataa lagu tago kari xaafadaha yar. Boosteejada Gnesta waa degmada xarunteeda-safareed oo isku xirto basaska iyo tareeynka. Xaafadaha yar ee degmada waxeey lee yihiin baska gadiidika-dadweeynaha oo si joogto uu socdo.

In badan oo ka tirsan dadka degmada oo shaqeeyo ayaa tareeyn uu qaato goobtoodo-shaqo oo ka baxsan degmada, waxeeyna raacaan bas, tareen ama gaari. Södertälje waxeey ku dhaaw jirtaa 30 daqiiqo markii tareen la qaato, Stockholm waxaa lagu tagaa saacad gudaheed markii tareeyn la qaato.

Shaqo iyo ganacsi

Shaqo dhiibaha degmada ugu weeyn waa Rekal Svenska AB iyo xafiiska degmada. Sido kale waxaa jiro shirkadooyin yar oo badan. In masaafad-tareen jirto waxaa tusaale ahaan ku taalo Scania iyo Astra ee gudaha Södertälje iyoCamfillFarr ee gudaha Trosa.