Nyköping

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Nyköping waxeey ku taala xeebta agteeda, dhinaca koonfurta hal saac ee jirtaa Stockholm. Uu dhawnaanshaha ayadoo la adeegsanaayo goobta dulimaadada Stockholm Skavsta, jasiiradooyinka yaryar iyo baadiyaha-dhaqameed ee sörmland waxeey ka dhigaayaan goob deegaan oo soo jiidasho leh.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

56982

Cabirla dhulka

2066 kiilomitir oo laba jibaaran

Deegaan

Markii la iska dhaafo Nyköpingshem, waxaa sido kale jiro shirkada guriyaha ee HSB, Peab, Rikshem iyo Kungshem.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Af carabi, af finish, af soomaali, af iswiidish, af thayland iyo af tigrinya.

Jaaliyado iyo ururu

Inta waxaa ku yaalo ururka soomaalida ee Nyköping, ururka Somaliland, ururka Thaylandiga ee Nyköping iyo Oxelösund, ururka finish ee Nyköping, Iswiidhiska-Finaland ee Nyköping/Oxelösund, Ururka samafalka Afar, Ururka Boosniyaanka ee Behar, xarunta-dhaqanka Islaamiga.

Maxaa ka ag dhaw

Xafiiska-adeega bulshada ee degmada waxuu ku yaala xaafadaha Brankärr iyo Arnö. Waxaa jiro jiheeye-bulshadeed oo ku hadlo af soomaali iyo af carabi. La shaqeeyo xarunta-reerka oo leh dugsi xanaaned furan oo ku yaalo xaafadahaan. Sido kale waxaa jiro xarunta caafimaadka hooyoyinka iyo caruurta.

Xafiiska-shaqada, xafiiska adeega bulshada, booliska iyo adeega badbaadinta iyo kuwo kale oo ka howl galo hal shabakad oo shaqadeed.

Dukaamo badan oo gacan labaad ayaa ka jiro meesha.

Dalyeelka carruurta

Nyköping waxeey lee dahay dugsi xanaaneed badan oo sii fiican ku bandhigan bogga degmada.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmadu waxay bixisaa dugsi hoose dhexe waxay siisa ardaysa dhigata ilaa iyo fasalka sagaalaad. Websidka degmada waxaad ka heli kartaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dugsiga hoose dhexe iyo xataa fursado ilaa iyo waxbarashada dugsiga sare.

Furadaha waxbarasho

Degmadu waxay bixisaa waxbarasgo kala duwan ee dadka waaweyn iyo luqada iswiidhishka ee dadka ajnabiga ah, sfi. Websidka degmada waxaad ka akhrisan kartaa wixii fursado dheeraad ah ee jira.

Caafimaadka

Degmada dhexdeeda waxaad ka qayb qaadan kartaa noocyada kala duwan ee daryeelka caafimaad. Waxaad ka heli kartaa xarun caafimaad ee arimada dadweynaha iyo waxaad kale ee hili kartaa xarunta daryeelka carruurta, xarurta daryeelka hooyooyinka iyo daryeelka ilkaha. Websidka degmada waxaad ka heli kartaa warbixio dheeraad ah oo ku saabsan halkuu qofku ka helo karo waxa ku saabsan daryeelka kala duwan ee caafimaadka.

Caawinaad turjubaan

Degmada iyo maamulka Gobolka waxay heshiis la leeyihiin Adeegga luqadda ee Semantix.

Xiriirka gaadiidka

Degmada waxaa isku xera gaadiidka dadweynaha. Warbixin ku saabsan jadwalka waqtiyada iyo siyaabaha kala duwan ee safarda waxaad ka helaysaa websidka degmada.

Shaqo iyo ganacsi

Shaqo bixiyayaasha ugu waaweyn marka laga reebo degmada Nyköping iyo maamulka Gobolka Sörmland waa Schneider Electric Sverige AB, Stockholm Skavsta Flygplats AB, Studsvik AB, Eberspächer Exhaust Technology Sweden iyo ABB AB Cewe-Control.