Haninge

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Haninge waxeey u jirta magaalada Stockholm 20 daqiiqo waxayna ka mid tahay degmooyinka ugu waweeyn gobolka. Degmada Haninge waxaad ka heli guryo waanagsan, center weyn oo sii weeynaneysa dukaamo badan iyo kaafeteriyaal, waxaana ka heleysa jasirado yaryar iyo dabeecado waanagsan. Haninge qof kasta wuxu jecelyahay wuu ka heli.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

92672

Cabirla dhulka

2177 kiilomitir oo laba jibaaran

Muuqaalka dhanka biyaha ee ku aadan Dalarö. Xagga hore waxaa ku yaala kaalin shidaal oo doonyuhu shidaal kaga shubtaan iyo hoyga dadka waayeelka ah. Xagga ka sii sareysana waxaa ku yaala dhowr guryo waaweyn ah.

Deegaan

Haninge bostäder waa shirkad ey degmada iska leedahay waxana saf u istagi karta sidaa guri lagu siiyo. Shirkadooyin kale u qof sii gaar u leeyahay wii jiraan oo degmada guryo ka kiireya. Degmada Haninge guryaheeda waxeey u dhigmaan boqolkiiba 43 guryo yaryar, boqolkiiba 25 gurya laa ijaaro oo ku yaal dhismo ka kooban guryo badan hyresrätt boqolkiiba 32 guryaha la badh iibsado oo ayagan ku yaala dhismaha guryaha badan ka kooban.

Meesha lagu ciyaaro lehna halka la koro iyo leexooyin ka muuqda xagga hore iyo dhismo guryo ah cadaan iyo buluug oo ka muuqda xagga hore.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Afar qeeybood hal qeyb oo ka mid ah dadka dagan degmada Haninge waxey ku dhasheen waddamo kale. Wadaamadasna waxeey kala yihiiin, Iswiidhan hadda laga reebo, dalka Booland, Fiinland, Turkiga iyo dalka Chile. Ilmaha iyo dhalinyarta dagan degmada waxa loo haaya barashada afka hooyo, degmada Haninge waxaa ka dhignaa 40 luqadood oo kala duwan. Wixii dheeraad ah oo ku saabsan barashada afka hooyo waxad ka akhrisan degmada Haninge boggeda internetka.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Haninge waxaa ku yaala jaaliyado badan oo isugu jira kuwa ciyaaraha, dhaqanka iyo kuwa siyaasada. Qof kasta wuxuu xiiso u haayo wuu heleyaa. Jaaliiyadaha firifircoon oo dhan ee ka jira degmada waxaad ka heli kartaa liiska diiwaangalinta jaaliyadaha ee degmada.

Ururada jaaliyadaha oo jooga banaanka dhismaha Föreningens hus. Gudaha dhismaha ah alwaaxa cadaanka ah waxaa xitaa ku taala maktabad iyo hoyga dhaqanka.

Degmada Haninge waxaa ku yaala goobo badan oo lagu ciyaaro xilli firaaqaha waxaana ku yaala meelo badan oo lagu dabaasho iyo dabeecad wanaagsan. Waxaa kaloo ka heleysaa degmada kaanisado iyo ururyo diimeed badan.

Maxaa ka ag dhaw

Haninge waxaad ka heleysa warbixin degmeed, xafiiska shaqada, adeegga bulshada, xafiiska ceymiska. suuqa Handen waaxad ka heleysaa dukaamo badan iyo makhaayado. agagaarka suuqa Handen waxaa ku yaala suuqyo iyo dukaamo waaweyn.

Kadinka muraayada ah ee bartamaha Haninge. Dhowr dad ah oo sii gelaya iyo laba hooyo oo gaariyadooda caruurta lagu jiido la taagan banaanka.

Degmada waxa ku yaala dukaamo badan oo gada dhar, maacuun iyo alaabta guriga. Waxaana ka mid ah degmada dukaankeeda gacan labaadka ee secondhand-butik Fyndet​ lacagta soo gasha waxaa wax loogu qabtaa dadka shaqo la'aanta heeyso ee degmada dagan.

Bartamaha Haninge oo iftiimaysa wakhti habeen ah.

Degmada waxaa ku yaala lix maktabadood oo kala ah: Brandbergen, Handen, Jordbro, Orn, Västerhaninge iyo bokbussen. Maktabada waxaad ka deeynsan kartaa buugaag iyo joornaalo, kombiyuutarro internet heeysto iyo caawimaad aad ka heleysid shaqaalaha maktabada.

Gudaha maktabada waxaa taagan dhowr haween ah oo eeganaya buug yaala khaanado ay ka buuxaan buugta mawduucyo kala duwan.

Dalyeelka carruurta

Degmada Haninge waxaa ku yaal dugsiyada xanaanada caruurta iyo guryaha xanaanada caruurta, waxeeyna isu jiraan kuwo degmada iska leedahay iyo kuwo gaar loo leeyahay. Caruurtaada waxey bilaabi karaan xanaanada markeey hal sano buuxiyaan. Waxa jira labo xanaanooyinka furan ah oo dadka oo dhan tagi karan, waana lacag la'aan.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada waxaa ku yaal in la'eg labaatan dugsiyo hoose-dhexe iyo toban dugsiyo hose-dhexe oo sii gaar loo leeyahey. ​Haninge wuxaa ku yaala dugsiga sare ee Fredrika Bremergymnasierna​ waxaana xukuma degmada. Waxaa kaloo ku yaal degmada lix iskool oo kala heeysta barnamijyo kala duwan. Waxaa kaloo ka heleysaa dugsi sare oo gaar u ah kheyraadka dabiiciga ah.

Furadaha waxbarasho

Degmada Haninge waxaad ka heleysa fursado badan oo waxbarasho oo dadka waaweeyn loogu tala galay. Qofka buuxiya labatan sano wuxuu bilaabi karaa xarunta Centrum Vux. Waxaad baran karata koorsooyin xisaab ama luqad.waxaa kaloo jira xirfado kala duwan oo aad baran kartid. Waxaadna dhigan kartaa maalintii ama habeenkii. Xarunta Centrum Vux waxaad ku baran kartaa luqadda iswiidhishka oo loogu tala galay muhaajirinta.

Jaamacada Kungliga Tekniska Högskolan waxaad ka baran kartaa barnaamijyada la xiriira teknaloojiyada, iskoolka dadka waaweyn ee Alma folkhögskola waxaad ku dhameystiran kartaa maadooyinka aadan ku baasin ee dugsiga sare.

Caafimaadka

Degmada Haninge waxaa ku yaala dhowr ah ruggaha caafimaadka, rugaha caafimaadka caruurta iyo xitaa rugta qaabilaada dhalinyarada. Waxaa jira xitaa dhowr ah dhakhtarada ilkaha iyo rugta caafimaadka hooyoada oo laga helo isbitaalka Handens. Waa maamulka gobolka Stockholm kuwa mas'uulka ka ah in dadka ku nool helaan daryeelka caafimaadka iyo bukaanka ee ay iyagu u baahanyihiin.

Caawinaad turjubaan

Hadaadan fahmeyn luqadda iswiidhishka xaq ayaad u leedahay in turjubaan laguu qabto markaad la kulmeeysid xafiisyada kala duwan. Xaq waad u leedahay turjubaan hadaad ka dhaawacantahay xagga maqalka ama hadalka. Degmada Haninge ayaad u sheegeysaa hadaad u baahantahay turjubaan, anagaa kuu diyaarineyno.

Xiriirka gaadiidka

Degmada Haninge waxaa laga qaataa tareen ama bass. Meelaha jaziiradaha yaryarna waxaa ku badan doomaha. Isteeshinada uu istaago tareenka waa Handen, Jordbro, Västerhaninge, Krigslida, Tungelsta iyo Hemfosa marka laga billaabo dhinaca waqooyi. Xaafadaha kale waxaad ku tagi kartaa basaska jazirahana waxaad ku tagi kartaa doomaha. Shirkadda SL boggooda internetka waxaad ka iibsan kartaa safaradaada waxaad kaloo ka heli kartaa qiimaha tikidada iyo waxyaabo kaloo badan.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Haninge waxaa ka jira in ka badan 6000 oo shirkadood oo kala duwan. Waxaa ka jira Shirkado yaryar iyo shirkado caalami ah sida coca cola. Degmada ayaa ah shaqa bixiyaha ugu weyn ee Haninge waxaana ka shaqeeya qiyaastii 5000 oo shaqaale. Laakiin maadaama aad bartamaha Stockholm aad ku tagi kartid 25 daqiiqo gudahood waxaad ka shaqeyn kartaa meel kasta oo Stockholm dhexdeeda ah.

En småföretagare inom fruktbranschen har ett marknadsstånd fullt med olika frukter.

Hadaad shaqo ka raadineysid shaqo degmada Haninge waxaad aaddaa xafiiska shaqada oo xafiis ku leh xaafada Handen, halkaasoo aad ka heleysid caawiska aad u baahan tahay. Xarunta degmada ee Kommunens arbetscentrum waxuu caawiyaa dadka eey ku adagtahay ineey shaqo caadi ah helaan. Halkaan waxaa lagaa caawinaa sida aad baraktiik ama shaqo u heli laheyd. Hadaad rabtid inaad shirkad furatid waxaad la xiriirtaa NyföretagarCentrum.