Huddinge

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Huddinge waxeey dhinaca koofur ka xigtaa magaalada Stockholm. Huddinge waa degmada labaad ee ugu weyn gobolka Stockholm oo dhan, waxuuna leeyahay nolol dabiici ah iyo meelo badan oo loo damaashaad tago xilli firaaqaha, waxaa kaloo usii dheer ineey u dhowyihiin wax kastoo magaalo weyn laga helo oo dhan.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

113084

Cabirla dhulka

140 kiilomitir oo laba jibaaran

Meeshaan waxaa ku yaal xaafada Flemingsberg oo leh machad iyo jaamacad, waxaa kaloo ku yaal goobta ganacsi ee ugu weyn wadama iskandaneefiyaanka oo dhan oo la dhaho Kungens kurva. Huddinge waa meelaha aadka ee ugu badan yihiin dadka kasoo kala jeeda qowmiyadaha kala duwan. Dadka degan Huddinge waxeey ka kala yimaadeen wadamo badan oo adduunka dacaladiisa ah. saddax qeybood qeyb dadka degmada waxeey kasoo guureen wadamo kale ama waalidkood ayaa usoo qaxay Iswiidhan.

Deegaan

Guryaha degmada Huddinge waxeey isugu jiraan kuwo dhabaqyo dhaadheer ah iyo kuwo gaagaaban. Saddax qeybood qeyb guryaha degmada ka mid ah ayaa kuwo ijaar loogu jiro ah. safka loo galo guryaha aad ayuu u dheer yahay. Degmada malahan sisteem eey ku shaqeeyo oo dhinaca safafka guryaha loo galo ah, laakiin waxeey la shaqeeysaa shirkadda dalaalka ee Stockholm Bostadsförmedlingen i Stockholm AB.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Dadka degan degmada Huddinge waxeey ka kala yimaadeen 150 wadamo. Badankood waxeey kasoo qaxen Irak, Findland, Turkiet iyo Polen. Carruurta aan wadanka u dhalan kuna hadasho luqadooda hooyo waxeey iskoolka ka baran karaan luqadooda hooyo, luqadaha lagu baro iskoolka waxeey gaarayaan 40 luqadood.

Xagga hore waa armaajooyinka buugta oo ay ku jiraan buugta caruurta oo ku qoran luuqado badan. Xagga dambena waxaa laga arkaa caruur fadhida miis yaala maktabada.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Huddinge waxaa ka jira 400 oo jaaliyadood, kuwaaso qaban qaabiyo meherado kala duwan oo dadkoo dhan loogu tala galay. Liiska jaaliyadaha ee degmada waxaad ka heli kartaa jaaliyada qabanqaabiso waxyaabaha aad adiga xiiseysid.

Maxaa ka ag dhaw

Adeega bulshada sida warbixinnada kala duwan ee degmada, xafiiska shaqada, xafiiska bulshada u qaabilsan daryeelka qoyska iyo qofka iyo maktabad waxaad kulligood ka heleysaa degmada. Qeebo badan oo ka tirsan degmada Huddinge suuqaq eey ku yaallaan dukaamo iyo makhaayado. Waxaa iyagana meel kuugu yaal dukaamada gacan labaadka. Bartamaha magaalada Stockholm iyo dukaamaheeda iyo adeegeeda kale ee bulshada waxaad ku tageeysaa wakhti yar adigoo qaadanaya tareeenka caadiga ah ama kan dhulka hoostiisa mara.

Suuqa ganacsiga ee bartamaha Huddinge maalin xagaa ah. Dhowr qof oo waayeel ah, qaar wataan kursiga lagu socdo oo dhex maraya suuqa.

Dalyeelka carruurta

Ardayda eey da'deeda u dhaxeeyso 1-5 sano una baahan xanaano iyo daryeel waxaa loo hayaa iskoollada xanaanada carruurta iyo guryaha xanaanada carruurta. Huddinge waxaa ku yaal iskoollo badan oo isugu jiro kuwo dowladeed iyo kuwo gaar loo leeyahay.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Huddinge waxaa ku yaal 30 dugsiyada hoosedhexe iyo lix dugsiyada sare ah. waxeeyna isugu jiraan kuwo dowladeed iyo kuwo baraayfat ah. Waalidiinta waxeey carruurtooda u dooran kartaa iskoolka eey jecel yihiin ineey dhigtaan.

Carruurta wadanka ku cusub isla markaana bilaaba iskoolladooda, waalidkooduna waxeey caawimaad ka heli karaan xarunta Resurscentrum (RCN) oo shaqadeedu tahay ineey dadka wadanka ku cusub ka caawiso sikoollada xanaanada caruurta iyo iskoollada kale, si dadka qaxootiga ah si fiican loo gacan qabto. Waalidiinta waxeey su'aalahooda ku saabsan waxbarashada carruurtooda oo dhan ula tagi karaan xaruntaas.

Furadaha waxbarasho

Jaanisyo waxbarasho oo waaweyn ayaa ka jira degmada Huddinge. Waxbarashada dadka waaweyn ee dowlada Vux Huddinge waxaa laguugu diyaariyay waxbarasho aad dib ugu soo cusbooneysiineysid waxbarashadaada dugsiga hoosedhexe ama sare. Waxaa kaloo jira waxbarasho farsamada gacanta ah oo fursado shaqo kusiinaya ama inaad waxbarashadaada sii wadatid.

Wadanka hadaad ku cusubtahay rabtidna inaad luqada iswiidhishka baratid waxaa laguu diyaariyay koorsooyinka barashada luqadda iswiidhishka ee (sfi). Xaruma jaamacada ee xaafada Flemingsberg waxaa dhigata arday gaareeysa 20 000 oo ka kala socda jaamacadaha Södertörns högskola, Karolinska Institutet iyo Kungliga Tekniska Högskolan.

Caafimaadka

Huddinge waxaa ku yaal isbitaal weyn oo leh meelaha lagu qaabilo bukaannada emerjensiga iyo rugag caafimaad oo ku yaal qeybaha kala duwan ee degmada. Tala siinta dhinaca caafimaadka ee 1177 Waxaad weeydiin kartaa su'aalahaada ku saabsan dhinaca caafimaadka waxaad ka heli kartaa naseexo k u saabsan xagga daryeelkaada caafimaad, waxaad kaloo ka heleysaa xaruma caafimaad ee gobolka Stockholm oo dhan.

Caawinaad turjubaan

Turjubaan xaq ayaad u leedahay markaad kulan la leedahay xafiisyada dowladda hadii aadan fahmeyn luqadda iswiidhishka.

Xiriirka gaadiidka

Huddinge waxaad ku safri kartaa tareennada dhulka hoostooda maro, tareennada caadiga ah iyo basaska. Stockholm bartamaheeda waxaad ku tageeysaa 15-20 daqiiqo oo kaliyah. Xaafada Flemingsberg waxaad ka qaadan kartaa tareenka gobollada wadanka oo dhan ee SJ.

Shaqo iyo ganacsi

Shaqa bixiyaha ugu weyn degmada waa isbitaalka Karolinska universitetssjukhuset oo ku yaal, Flemingsberg oo eey ka shaqeeyaan 6 500 oo qofood waxaa ku xiga shaqaalaha dowladda ee degmada Huddinge oo gaaraya 6 000. Shaqa bixiyaasha kaloo waaweyn waa Karolinska Institutet iyo IKEA. Dadka degmada waxeey ka shaqeeyaan badakood goobaha ganacsi ee isla degmada.