Nynäshamn
Degmada Nynäshamn waa meel eey ku kulmaan bad iyo dhul dabici ah. Halkaan waxaad u dhowdahay waxyaabaha muhiimka u ah nolosha. Halkaan waxaad ku heysataa magaalo yar oo eey yaallaan waxyaabaha magaalooyinka waaweyn yaallo oo dhan.
Xaqiiqooyinka degmada
Tirada dadka
28686
Cabirla dhulka
1301 kiilomitir oo laba jibaaran

Xaafado badda u dhow iyo meelo aad u qurux badan oo fursad kuu siinaya inaad ku noolaatid meelo hawo macaan dhul dabiici ah ku yaal. waxaan nahay mid ka mid ah gobolllada ugu kobciga og ee Iswiidhan. Isu socod gaadiid oo fiican lehna jid tareen iyo jid weyn oo baabuur oo ku geynaya Stockholm suuqaqeeda waaweyn. Soo booqo oo soo arag Nynäshamn - Goobta eey badda iyo nolosha ku kulmaan.
Deegaan
Degmada Nynäshamn waxaa degan 27 500 oo qofood. Qaar waxeey ag deganyihiin baddan, qaarna baadiyaha, qaarna xaafadaha isku dhow dhow.

Nynäshamn waxaa ku yaal guryo nuucyo kala duwna le Degmada malahan guryaha safka loogu jiro laakin waxaa jira shirkad degmada eey leedahay lana dhaho Nynäshamnsbostäder.
Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada
Degmada waxaa ka jira luqado badan oo kala gedisan. Wixii warbixin dheeraad ah kala xiriir qeeybta qaabilaada qaxootiga ee degmada.
Jaaliyado iyo ururu
Nynäshamn waxaa ka jira jaaliyado badan o eey dadka waxyaabaha kala duwan xiiseeya ku damaashaadaan, dadka imaadana waxeey leeyihiin da'kasta waxeeyna ku damaashaadaan muusik, farshaxan, xeeywaanno, qaar caafimaadka wax ka barta iyo waxyaabo la halmaala. Diiwaanka jaaliyadaha ee degmada Nynäshamn waxaa ka raadin kartaa jaaliyada aad xiiseyneysid.
Maxaa ka ag dhaw
Warbixin ku saabsan degmada waxaad ka heleysaa xafiiska degmada. Maktabad waxeey taal Folkets hus iyo iskoollada ku yaal Ösmo iyo Sorunda. Melo badan oo ka mid ah degmada waxaa ku yaal dukaamo, makhaayado, kafateeriyo iyo dukaamo gado laabyo cusub iyo kuwo lasoo isticmaalay, dhar iyo waxyaabaha eey carruurta ku cayaaraan.

Nynäshamn waxaad ka heleysaa farmashiiye, bangiyo, meesha indhaha iyo kuwo kale. Bartamaha Nynäshamn waxeey shirkado iyo dukaaman badan boggagooda internetka ah kusoo bandhigaan waxyaabaha eey sameeyaan.
Dukaamo badan oo kuwa raashinka ah ayaa ku yaal degmada.
Nynäshamn waxaad ka heleysaa dukaamada Coop Nynäshamn, Willys Nynäshamn, Lidl Nynäshamn iyo Maxi ICA Stormarknad Nynäshamn.
Ösmo waxaa ku yaal ICA Supermarket xaafada Sorunda waxaa ku yaal Coop Nära Spångbro.
Dalyeelka carruurta
Degmada waxaa ku yaal dugsiyada xanaanada carruurta iyo guryaha xanaanada carruurta waxaanan loogu tala galay kuwa jira 1-5 sano.
Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare
Degmada waxaa ku yaal dugsiyada hoosedhexe waxaanan loogu tala galay illaa ardayda dhigata fasalka 9. Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dugsiyada hoosedhexe ee degmada ka akhriso degmada boggeda internetka.
Degmada waxaa fursad loo helaayaa waxbarasho dugsi sare ah, oo lagu dhigto iskoolka Nynäshamns gymnasium, oo lagu barto barnaamijyada soo socda:
- Dhismaha
- Dhaqaalaha
- Cilmiga tammarta iyo Korontada
- Farshaxanka
- Barnaamijka horudhaca ah ee loogu tala galay dadka soo galootiga ah
- Cilmiga Seeynis
- Makhaayada iyo raashinka
- Cilmiga bulshada
- Farsamada
Furadaha waxbarasho
Xarunta ku taal Nynäshamn ee KompetensCentrum - NKC waa goob waxbarasho oo degamadu eey leedahay looguna tala galay dadka waaweyn ee degan degmada Nynäshamn. Halkaan waad imaan kartaa haddii aad dooneysid inaad aqontaada kor u qaadid ama aad u baahantahay jiheyn xaga waxbarashada ah. NKC waa laguugu tala galay hadii aad tahay qof wadanka ku sucub isla markaana u baahan inuu barto luqadda iswiidhishka, raba inuu doorto waxa uu rabo inuu ka shaqeeyo mustaqbalka ama raba inuu usoo dhawaado suuqa shaqada.
Halkan waxaad ka akhrisan kartaa dheeraad ku saabsan:

Iskoolka hiddaha iyo dhaqanka waa qeyb u ah degmada Nynäshamn dhaqankeeda waxeeyna carruurta siisaa aqoon dhaqameed muhiim ah, sidoo klale waxeey xili firaaqeed wanaagsan siisaa dhalinyarada iyo dadka waweyn.
Iskoolka Naturskolan waa waxbarasho ku saabsan seyniska iyo bii'ada iyo waxbarashada farsamada it.Waxeey ku shaqeeyaan qaabka in gudaha lagu barto bannaanka.
Caafimaadka
Degmada waxaa ku yaal xarumo caafimaad oo badan . Halkan waxaad ka heleysa arug caafimaad oo loogu tala galay waxyaabaha guud, rugta carruurta, rugta hooyada iyo dallaanka iyo rugta ilkaha.
Caawinaad turjubaan
Markaad la xiriireysid xafisyada kala duwan, degmada, xarumaha caafimaadka waxaad xaq u leedahay in lagu qabto turjumaan haddii aadan ku hadli karin luqadda iswiidhishka. Waxaa lasii bokimanaa inta aadan imaanin kulanka.
Xiriirka gaadiidka
Markaad ka safreysid una safreysid Nynäshamn waxaad qaadan kartaa Tareennada SL:ka iyo basas.
Waxaa degmada ku yaal shan meelood oo tareenka laga raaco sadax kamid ahna magaaladeey ku yaallaan. Tareenka kaa qaada Isteeshinka Nynäshamn waxuu Stockholm kugu geeynayaa 60 daqiiqo.

Nynäshamn waxaad kasii aadi kartaa Gotland iyo skärgårdsöarna Nåttarö, Aspö, Norrö, Rånö iyo Ålö adigoo raacaya Waxholmsbolaget.
Shaqo iyo ganacsi
Dad badan ayaa u safra degmooyinka agagaarka ku yaal laakiin dad badaa ayaa usoo shaqo tago degmada Nynäshamn.
Shaqa bixiyayaasha ugu weyn ee degmada waa Nynäshamns kommun, Nynas AB, Legevisitten AB, Keolis Sverige, iyo Totalförsvarets forskningsinstitut, FOI.
Degmada boggeeda internetka waxaad ka heleysaa warbixin ku saabsan shaqada ganacsi ee kasocota degmada.