Salem

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Kommun-ka Salem wuxu leeyahay bulsho ka mid ah bulshooyinka ugu da’da yar Iswiidhan. Waxan leenahay guryo ku haboon qoyska oo ku yaala dabeecad qurxoon oo leh bilic nafta nolol galiya.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

16781

Cabirla dhulka

71 kiilomitir oo laba jibaaran

Adeega kommun-ku qabto waxa uu dhalay natiijo wanaagsan, qiimayn fiicanina ka soo baxday cabirkii iyo diraasadii lagu sameeyay. Waxan leenahay ururo iyo isutagyo ifaya. Haddii ad rabto inaad ka qayb noqoto nolol magaalo wayn, waxay kuu jirtaa Stokcholm 30 daqiiqo oo kaliya marka ad tareenka qaadato.

Deegaan

Kommun-ka Salem waxa ku yaala guryo la kiraysto, guryaha yaryar ee la iibsado iyo kuwa waawayn ee fiillooyinka ah oo la iibsado. Ma jirto shirkad guryo oo kommun-ku leeyahay, laakiin waxa jira guryo gaar loo leeyahay oo la kireeyo.

Xaafad leh guryo qoys oo hurdi ah oo laba dabaq ah. Sawirkan waxaa la qaaday maalin cad-ceed jirto oo jiilaal ahoo baraf ayaaa yaala taaga.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Carabiga, Isbaanishka, Ingiriisiga, Boolishka iyo Finishka.

Jaaliyado iyo ururu

Waxa ka jira kommun-ka ururo tiro badan, tusaale ahaan, ururo dhaqan/heeso, ciyaaro iyo kuwo diimeed.

Maxaa ka ag dhaw

Kommun-ka waxa ku yaala laba suuq. Midi waa badhtamaha ama suuqa Salems centrum. Suuqan waxa ku yaala maktabad, farmasii, tukaan raashin, tukaanka alkoosha iyo khamriga, tukaan alaabta duugowday iyo gacan-labaadka iibsha sida dharka, bangi, tukaano dhar, maqaayado iyo huteelo. Suuqa Rönninge waxa ku yaala istaanka tareenka, tukaan raashin iyo maqaayado.

Dalyeelka carruurta

Salem waxad ka helaysaa dugsiga xadaanada iyo xadaanad-guriyeed lagu hayo caruurta da'doodu u dhaxayso 1 5 sano. Adigaa dooranaya midkii ad rabto in ilmahaagu dhigto xadaanad kommun-ku leeyahay, mid gaar loo leeyahay ama xadaanad-guriyeed. Waxan sidoo kale leenahay xadaanad loogu talogalay adiga guriga la jooga caruuta. Halkan waxay caruurta iyo waalidkuba ka helayaan fursad ay kula kulmaan oo kula ciyaaraan caruur iyo waalid kale, si lacag la'aan ah.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Dugsiyada hoose

Dugsiga Skogsängsskolan wuxu leeyahay laba fasal oo loogu talogalay adiga imika usoo guuray Iswiidhan ee ku hadla luuqad kale oon ahayn Iswiidhishka. Waa fasal loogu talogalay in lagu diyaarsho ardayda yaryar 7 11 sano iyo mid kale oo lagu diyaarinayo ardayda ah 12 15 sano. Guud ahaan kommun-ka waxa ku yaala afar dugsi hoose oo ka bilawda sanadka diyaarinta caruurta dugsiga loogu diyaarsho illaa fasalka 9aad.

Gabar qanacsan ayaa iminka raashin ka qaadatay halka raashinka laga qaato ee iskoolka. Xagga dambe waxaa taagan haweenay ah shaqaalaha cuntada oo hubinaysa in ay hagaagsantahay meesha caruurtu ka qaadanayso cuntada. Xagga dambe waxaa fadhiya arday wax cunaysa.

Dugsiga sare

Salem waxa ku yaala hal dugsi sare, Rönninge gymnasium, oo lagu dhigo barogaraamyada xirfadaha iyo kuwa caadiga ahba. Waxa kuu furan inaad ka dalbato gobolka Stockholm dugsigii ad doonto.

Furadaha waxbarasho

Iswiidhishka ajaanibta SFI

Iswiidhishka ajaanibtu waa waxbarashada aasaasiga ah ee luuqada Iswiidhishka ee dadka waawayn oon Iswiidhishku ahayn afkooda koowaad. Salem waxad ku dhigan kartaa Iswiidhishka ajaanibta (sfi) waqti buuxa ama mid dhiman fasalo ku yaala dugsiga sare ee Rönninge. Waxbarashada SFI waa lacag la'aan. Buugaagta wax lagu dhiganayana waa laguu dhiibi.

Waxbarashada dadka waawayn

Waxbarashada dadka waawayn ee kommun-ku leeyahay (komvux) waa dugsi dadka waawayn ku dhigan karaan waxa lagu dhigto dugsiyada caadiga ah ee hoose/dhexe/sare. Adiga aan soo dhiganin dugsi hoose ama sare waxad xaq u leedahay inaad dugsiga dadka waawayn dhigato. Haddii ad dhamaysato dugsiga dadka waawayn waxad dalban kartaa tacliin sare ama jaamacadda.

Dhigashada dugsiga dadka waawayni waa lacag la'aan, laakiin waa inaad iibsataa buugaagta ama waraaqaha ad u baahantahay.

Waxdhigistu waxay ku baxdaa fasal dhexdii ama internet-ka ood ka dhigan karto adigoon imaanin fasalka.

Waxbarashada dadka waawayn ee gaarka ah

Degmada Salem waxay wada shaqayn la leedahay degmooyinka ku hareersan dhanka waxbarashada dadka waaweyn ee loogu talogalay adigaaga ka weyn 20 sano ee ay ku adagtahay waxbarashadu.

Waxbarashada dadka waaweyn ee Caqligoodu dhimanyahay/Waxbarashada dadka waaweyn waxay bixisaa:

  • Koox kooban ood wax la dhigato
  • Macalin xirfad u leh oo u tababaran waxdhigista gaarka ah
  • Hage ama jiheeye kaala taliya arimaha waxbarasho
  • Waxbarasho dugsi hoose/dhexe oo afka Iswiidhishka iyo Xisaabta ah
  • Iswiidhishka ajaanibta SFI

Barashada bulshada

Kommun-ka Salem wuxu wada shaqayn la leeyahay kommun-ada kale ee gobolka Stockholm si uu ugu helo warbixinta bulashada luuqado badan oo kala duwan. Xarunta warbixinta bulshada ee Stockholm ayaa isku dubbaridda koorsooyinka warbixinta bulsho.

Akhri dheeraad ku saabsan waxbarashada dadka waaweyn oo ku qoran:

Caafimaadka

Marka ad xanuunsataan adiga iyo caruurtaadu marka hore waxad tagaysaan xarunta caafimaad ee ku taala suuqa Salem. Halkan waxa ku yaala xarun caafimad iyo xarun daryeelka caafimaadka hooyada iyo caruurta. Marka ay xaruntaasi xidhantahay waxad la xidhiidhaysaan cusbitaalka Södertälje ee xanuunada degdega ah. Talobixin caafimaad waxad mar walba ka heli kartaa tilmaamaha caafimaad ee taleefankan 1177.

Suuqa Salem waxa ku yaala xarun dhakhtar ilkaha ah.

Caawinaad turjubaan

Haddii aanad fahmin ama ku hadlin luuqada Iswiidhishka, waxad xaq u leedahay in laguu qabto turjumaan ku caawiya marka ad la xidhiidhayso hay'adaha dawlada, kommun-ka iyo xarumaha caafimaad. Turjumaanka waxa kuu balaminaysa kolba hay'adii ad la kulmayso ka hor inta aanad la kulmin. Kommun-ku wuxu xidhiidh la leeyahay waax turjumaan. Waan kuu balaminaynaa turjumaan haddii ad u baahantahay mar kasta ood xidhiidh nala samaynayso.

Xiriirka gaadiidka

Salem waxa jira gaadiidka bulshada oo bas iyo tareen leh. Liinka tareenka ee isku xidha Stockholm iyo Södertälje wuxu istaagaa istaanka Rönninge.

Bas guduudan kana tirsan Stockholm gaadiidkeeda dadweynaha oo taagan boosteejada basaska iyadoo albaabku u furanyahay. Gudaha baska waxaa lagu arkaa dirawalka iyo qof rakaab ah.

Shaqo iyo ganacsi

Shaqo la'aantu way ku yartahay degmada. Ma jiraan meelo laga shaqeeyoo oo waawayn oo ku yaala kommun-ku, laakiin waxa sahlan in loo safro goobaha shaqo ee kommun-ada kale. Salem waxa ku yaala illaa 400 oo shirkadood. Kuwooda ugu badanina waxay bixiyaan adeega caadiga ah, ganacsi yaryar, dhisme, bakhaaro iyo hay'ado talobixineed. Shirkadaha inta badani waa kuwo yaryar oo celcelis midkiiba ay 4 qof ka shaqeeyaan. Shaqaalaysiiyaha ugu wayni waa kommun-ka oo illaa 900 oo shaqaale ah leh.