Sollentuna

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Halkaan waxaa ka jira nolo,shirkado badan, iyo meelo ganacsi, oo ay ka mid yihiin meelaha qurxda badan ee dabeecada iyo howlaha dhaqanka. Xarunta Sollentunta waa dhowr tusaale.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

73939

Cabirla dhulka

58 kiilomitir oo laba jibaaran

Sollentuna waa koreysaa markasta haddana waxaa socda isbdel magaalo halkaasoo qeybaha aasaasigaa ah ee Sollentuna la balaarinyo ayna heleyso qaab cusub.

Sawir xilli xagaa ah jidka ku socda bartamaha magaalada oo guryo cagaar ah dhinaca bidixda ku yaalaan iyo guri dheer oo roosa ah oo ku yaal xagga hoose ee jidka.

Deegaan

Waxaan xooga saareynaa inaan dhisnoguryo meel kala duwan oo degmada ah. Waxaan dhiseynaa meel cusub ee qeybta waqooyi barri, Väsjön, iyo waxaa socda isku soo dhowaansho Tureberg, Halkaasoo guryaha ardayda ee ugu horeeyay Sollentuna ay noqdaan kuwa loo soo guuri karo deceembar 2015. Mustaqbalka waxaa isku siqan doona Helenelund iyo Rotebro.

Waxaan qorsheyneynaa dib u dhisid, guryo iyo guryo yaryar meelo la dago oo xiiso leh, labadaba meel bartanka ah una dhow dabeecada. Waxaa jira fiican dabeecada ah iyo saddex meel meel waxey ka kooban tahay Sollentuna dabeecad.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Qaar luqadaha ajnabiga ee caadiga ka ah Sollenntuna waa carabiga, faarisiga, isbaanishka, somaaliga, iyo kurdiga. Crruurta iyo dhalinyarada heystaan luqad kaleoo hooyo ee aan iswiidhishka aheyn waxey heli karaan barashada luqada hooyo ee iskuulka ku dhowaad 40 luqad.

Jaaliyado iyo ururu

Sollentuna waxaa ka jira ururo badan oo ay ka mdi yihiin ciyaaraha, dhaqanka, iyo muusiga. Qofka dhaqanka-taariikhda xiiseynaya waxaa jira dhaqan caruureed, Edsvik konsthall iyo Edsbergs slott. Dhalinyarada waxaa jira howlaha fasaxa ee Arena Satelliten, Northside, iyo dhowr iskuulada aasaasiga meelahooda fasaxaa. Diiwaanka ururada waxaad ka raadin kartaa ururada Sollentuna oo dhan:ururada ciyaara, ururada dhaqanka, ururada cuuryaamiinta, iyo naadiyaasha doomaha, ururada dabeecada iyo kuwo kaloo badan.

#Meetsollentuna waxad ka heli kartaa warbixin ee ururada iyo hey'adaha iyo iney ka qeyb qaataan howlaha kala duwan si ay dadka cusub iyo degana muddo Sollentuna u kulmaan.

Maxaa ka ag dhaw

Waxaad heli kartaa warbixinta degmada adigoo wacaya ama booqanaya xarrunta xariirka ee ku taala albaabka guriga degmada ee bartamaha. Sollentuna waxaa ku taala sidoo kale xafiiska shaqada iyo adeega bulshada. Waxaa jiroo kale saddex maktabad; mid xarrunta sollentuna iyo Edsberg iyo Rotebro oo ah mid furan isku dar 99 saacadood usbuucii. Maktabada xarunta Sollentuna waxaa ku yaala #MeetSollentuna oo u shaqeeya meel kulan ee u dhaxeeya dadka cusub iyo dadka deggana muddo Sollentuna ayagoo isticmaalaya dhaqdhaqaaqyo badan. Halkan waxa jira waxaa ka mid ah howsha RådRum halkaasoo aad kula kulmi kartosi iskaa ah hagaha bulshada.

Qeybo badan oo ka mid ah degmada Sollentuna waxa ka jira xarrun leh dukaamo, maqaayado. Waxaad si fudud u tageysaa dukaamada iibinaya alaabada iyo dharka cusub iyo kuwa duuga ah. Malmvägen waxaa ku yaala tusaale ahaan Röda korsets Kupan. Safar gaaban oo tareenka xaafada ama tareenka godka waxaad tageysa dhexbartanka Stockholm oo leh bandhig dukaamo iyo adegyo.

Sollentuna waxaa ku hareereeysan baarkeerino, meelo lagu ciyaaro, meelo cagaaran iyo iyo meelo kale dabiici ah. Waxaa jira dabaal banaanka ah sida dabaasha Rösjöbadet, Norrviken Torparänegn iyo Edsviken strandvägen, Degamda waxey leedhay xita meel weyn oo lagu dabaasho lehna meel nafis iyo qol jimicsi iyo meelo lagu coyaaro, meelo lagu ordo, jimicsiga dibadda, ciyaaraha jiilaalka, socod, bushkuleeysi iyo kuwo badan.

Halkan waxaad ka akhrisan kartaa dheeraad ku saabsan:

Sawir xilli jilaal ah aaga baabuurta la dhigto oo leh guri nasasho, iyo guryo qoys oo dhowr ah oo xagga dambe ka muuqda.

Dalyeelka carruurta

Degmada waxaa ka jira qiyaasii 100 xanaano iyo guriga maalintaqoyska.

Qoysaska wadanka ku cusub ee carruurta heysta da'da iskuulka gaaray waxaa loo qabanayaa kulan dhordhac oo ka dhacaya Xarrunra isdhexgalka iyo luqadaha badan (CIFS).

Degmada waxaa ka jira rugta qoysaska waxeyna bixiyaan daryeelka hooyooyinka, rugta daryeelka dhalanka, iyo xanaada furan. Xanaanada furan waa mid waxa loogu tala galay adiga guriga jooga oo heysta ilmaha yar. Waa bilaash mana u baahnid inaad codsatid xilli hore. Xanaanada furan waxey bixiyaan howl kooxood oo waxbarasho ah, ilmuhuna waxey ku cayaarayaan si keli ah ama si koox ah. Waalidiinta waa inaad la joogtid ilmahaaga xananada furan.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Sollentuna waxaa ka jira tiro sodon iskuul ah oo isugu jira degmo iyo kuwo gaar loo leeyahay. Qeyb ka mid ah iskuulada waxey heystan takhasusu u gooni ah, tusaale ahaan muusik ama luqad. Todobada iskuulka aasaasiga ah waxaa ka jira fasalka diyaarinda ee dardayda cusub.

Ardayda cusub waxaa qaabila Xarrunta is-dhexgalka iyo luqadaha badan (CIFS). Markii arday cusub oo dhigta iskuulka aasaasiga ah lagu qaabilayo CIFS, waxaa loo qabanayaa waqtiyada horudhaca, qiimeynta iyo baaritaanka caafimaadka. Qoyska la socdo carrurta gaaray da'da xanaanada waxaa loo qabanayaa kulan horudhac ah.

Sollentuna Waxey heysataa hal dugsi sare ee degmada iyo sahn dugsiyo sare oo gaar ah. Rudbeck waa degmada Sollentuna dugsiga sare ay leedahay, wuxuuna ka mid ayahay mid ka mid ah Gobolka Stockholm midka ugu caansan dugsiyada sare marka lagu xisaabiyo dadka dalbaday wareega koowaad. Iskuulka waxa uu heystaa 2000 arday iyo 200 shaqaale ah. Rudbeck wuxuu leeyahay barnaamijka horudhaca luqada ee ardayda wadanka ku cusub.

Sollentuna waxaan ka shaqeeyna anaga in aan heysano Iskuulada ugu fiican Iswiidhan. Iskuulka aasaasiga waxa ay ardayda dhan gaarayan hadafka ee maadooyinka dhan, waxaan heysaneynaa qiimaha muahalka ee ugu sareeya wadanka oo dhan iyo in dad dhan dareemaan deganaan iskuulka. Waxaan u diyaarineynaa carruurteena mustaqbal nambar ah.

Halkan waxaad ka akhrisan kartaa dheeraad ku saabsan:

Furadaha waxbarasho

Beerta aqoonta waxaad ka heleysaa warbixn cusub oo ah waxbarashada dadka waaweyn. Waxaad heleysaa caawinaada inaad dalbato koorsooyin iyo waxbarasho ee waxbarashada dadka waaweyn ah.

  • Komvux
  • Lärvux (waxbarasho gaar ah oo dadka waaweyn ah)
  • Waxbarshada iswiidhishka ee ajnabiga (sfi)

Waxaan kaa caawineynaa xitaa inaad dalbato macäaahida sare iyo jaamcadaha. Haddii aad u baahan tahay wadu ku hagid ama caawinaad ee qorsheynta waxbarashadaada waxaad u tageysaa sidoo kale beerta waxbarashada.

Hagida bulshada ayaa laga bixiyaa Sollentuna ee Xarunta hagida bulshada. Koorsooyinka qaarkood waxaa lagu qabtaa xaafada meeshii qaar kalena lagu bixiyo Stockholm dhexdeeda.

Stockholm universitet waxey ku taalaa 30 daqiiqo oo socod ah. Stockholm iyo degmooyinka u dhow waxaa ku yaala tiro badan oo iskuulada sare ee dadka ah iyo iskuulada sare ee xirfada.

Caafimaadka

Degmada waxaa ka jira rugta qoyska oo bixiya daryeelka hooyada, xarrunta daryeelka dhalaanka iyo xanaano furan, Halkaasoo ay joogaan shaqaale cilmo bulsho yaqaan ah,iyo hage bulsho oo dhiibaya talo iyo tageero bulshada ah iyo arimaha shaqsiga, labadaba keli iyo wadahadal labalaba ah. Rugta qoyska waxaa la bixinayaa sidoo kale koorsooyin waalidnimada ah oo kala duwan.

Degmada waxaa ka jira dhowr rugta daryeelka ah iyo qaabilaada dhaqtarka ilkaha.

Gobolka Stockholm wuxuu fuliyay oo fulinayaa dadaal balaaran in la balaariyo daryeelka caafimaadka iyo bukaanka 2017-2018. Isbitaalka Sollentuna door muhiim ah ayuu ku leeyahay gobolkan qorshayaashiisa mustaqbalka. Dadaalkan micnahiisu micno ahaan waa dib u dhiska iyo dhisida qiyaastii 230 goobo daryeel oo casri ah iyo xarunta takhasuska.

Caawinaad turjubaan

Markaad la xiriirayso dhamaan hay'adaha dowlada, degmada, iyo daryeelka caafimaadka waxaad xaq u leedahay turjubaan hadii aanad ku hadli karin ama aanad fahmaynin luqada iswiidhishka. Taana waa in hore laguugu sii balammiyo si arintaaka aad u hesho.

Xiriirka gaadiidka

E4:an iy gaadiidka tareenka magaalada waxa uu dhex maraa degmada dhexdeeda laga soo bilaabo waqooyi ilaa koonfur. Shan saldhiga tareenka magaalada ayaa ka dhigeysa mid siisa shuruud fiican o ah gaadiidka guud. 2020 ayaa la qiyaasayaa meesha gaadiidka ee ag mara Stockholm Häggvik inuu dhameystirmo. Waxaa jira isdhaaf isku xir labadaba baaburka iyo baska, waxaana la qorsheynayaa si ay wadada iska horimaadka loo dheereeyo laga bilaabo xaafadaha galbeedka Stockholm ilaa Helenelund.

Sollentuna waxey xooga saareysaa waddooyinka bushkuleetiyaasha oo cusub.

Shaqo iyo ganacsi

Sollentuna waxaan ku heesanaa mid aka mid ah wadanka jawiga shrkadaha midda ugu fiican. Halkan waxaan taagerna shirkadnimda iyo qandaraasyada. Labo sano oo toos ah ayaan nimid booska labaad , ee 290 degmo, ururka ganacsiga iswiidhan cabiraadiisa jawiga shirkadaha ee degmada. Hadafku waa in la noqdo waxa ugu fiican Iswidhan.

Dad badan waxey doorayaan in ay degaan Sollentuna oo ku soo jiidaneysa booskeeda fiican, ee u dhow Arlanda iyo magaalada Stockholm. Inta badan kuwa qiyaastii 4000 shirkadaha ee degmada waa kuwo yaryara iyo xoogaa weeyn.