Täby

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Täby waa mid ka mid ah degmooyin dalkan iswiidhan ee ugu soo jiidasho badan una dhaw dhammaan goobaha shaqooyinka, dhul cagaar ah iyo jasiirado yar yar. Waxaynu iftiin ka aragnaa mustaqbalka markaana waxaynu dhiseynaa guryo badan, waxaynu soo dhaweyneynaa shirkado badan waxaynuna maalgelineynaa adeegyo la wanaajiyey ee leh xornimo wax doorasho ballaaran.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

71961

Cabirla dhulka

71 kiilomitir oo laba jibaaran

Deegaan

Guri la'aanta ka jirta degmada Täby waa mid weyn. Degmada Täby ma lahan guryo ijaar oo u gaar ah ee la ijaarayo islamarkaana maleh wax safka guryaha ee degmada ah. Guryaha ka bannaan ee ah gaditaanka ama ijaarka waxaa maamula shirkado kala duwan ee kuwa gaarka ah iyo dilaaliinta guryaha.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Halkan degmada Täby waxaa ka jira jinsiyado dhowr ah oo kala duwan iyo dhowr afaf, oo ay ka mid yihiin afka beershiyaanka/daariga,afka carabiga, kurdiga, soomaaliga iyo afka isbaanishka. Caruurta iyo dhallinyarada ee leh afka hooyo aan ahayn afka iswiidhishka ayaa waxay heli karaan adeegyada caawinaada waxbarashada ee lagu bixiyo afka hooyo ee dugsiga hoose laga bilaabo dugsiga barbaarinta caruurta, dugsiyada gaarka ah dugsiga sare iyo dugsiga sare ee gaarka ah. Dugsiyada degmada Täby waxay bixiyaan caawimaada waxbarashada ee lagu bixiyo in ka badan soddon afaf kala duwan ee la siiyo ardayda aan iswiidhishku ahayn afkooda hooyo.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Täby waxaa ka jira nolosha jaaliyadaha ee weyn. In ka badan 400 ururo ayaa waxay qabtaan dhammaan hawlaha laga bilaabo isboortiga, dhaqanka iyo laydhsiga dibedda ilaa daryeelka iyo xanaanada bulshadda & dadyowga ku nool deegaanka.

Degmada Täby waxaa ka jira ururo diimeed badan oo kala duwan oo ay ka mid yihiin:
Urur diimeedka Filadelfia, Ururka dhaqanka ee Iraan, Kaniisada Jesu Kristi ee sista dagars heliga, Ururka dhaqanka islaamka, kaniisadda iswiidhishka/urur diimeedka Täby, kooxaha afrikaanka ee Täby (Täby Afrikagrupp), urur diimeedka baatiis ee Täby, urur diimeedka Jehovas vittnen ee Täby iyo urur diimeedka katooliga ee Vår frus.

Maxaa ka ag dhaw

Adeegga bulshada sida xafiiska shaqada iyo xafiiska caawimaadda bulshada ayaa ka jira. Hay'adda canshuuraha iyo hay'adda caymiska kuma lahan xafiis degmada Täby. Stockholm ayaa laga helaa. Rugta ganacsiga ee farasmagaalaha Täby waxaa ku yaalla dhowr dukaamo iyo makhaayado kala duwan. Degmadu waxay leedahay dhowr maktabadaha buugaagta ah.

Dukaanka alaabaha gacanta labaad (lasoo isticmaalay) ee kaniisadda ayaa waxaad ka iibsan kartaa alaabo la soo isticmaalay sida saabaanka guriga,alaabaha farsamada gacanta iyo isboortiga, dharka, alaabaha sameynta dharka, weelasha dhoobada iyo buugaag.

Maqaayada shaaha ee ku hadal afka iswiidhishka (prata svenska-caféet) ayaa waxaad ku tababaran kartaa ku hadalka afka iswiidhishka, kaga shaqeysan kartaa casharada, ku heli kartaa warbixino ku saabsan iswiidhan & caadooyinka dalka iyo talooyin ku saabsan la xiriiridda hay'adaha dawliga.

Maadaama ay Täby ku taallo meel u dhaw Madowga weynaa (Stora Värtan) ayaa waxaa jira meelo u dhaw oo aad u qurux badan iyo jasiirado yaryar oo aad loogu riyaaqo iyo fursado kalluumeysi iyo dabaal. Täby waxay leedahay dhowr goobaha isboortiga, hoolalka ciyaaraha iyo garoono ciyaaraha isboortiga. Degmada Täby waxay dadka ku soo dhaweyneysaa fursado jimicsiga iyo madadaalada ayadoo leh dhowr garoonada ciyaarta golofta ee hoolalka kuyaalla gudaha iyo dibedda gurigaba, garoonada lagu ordo alwaaxda iyo fardafuulka. Waxaa kaloo jira goobaha jimciska ee iftiimaya.

Dalyeelka carruurta

Degmada Täby waxaa ka jira dugsiga barbaarinta caruurta ee caruurta da'doodu u dhexeyso 1-5sanno iyo hab kale oo waxbarashada oo loo bixiyo hab guri xanaano maalmeed (familjedaghem) ee la siiyo caruurta da'doodu u dhexeyso 1-9sanno. Degmada Täby dugsiyada barbaarinta caruurta badigood waxaa loo maamulaa sida dugsiyada xorta ah (fristående skolor). Laba dugsi barbaarin ayaa waxaa laga maamulaa degmada. Adiga laftigaaga ayaa dooransaa dugsiga barbaarinta caruurta ama hawlaha waxbarashada kale.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Degmada Täby waxaa ka jira dugsiyo dhowr oo ah dugsiyada hoose iyo dugsiyada sare, ahna labadaba mid degmo iyo mid dugsiyada xorta ah.

Halkan Täby ardayda dalka ku cusub si toos ah baa loogu darayaa dugsiyada hooe ee caadiga ah ayadoo la siinayo taageero dheeraad ah.

Degmada Täby waxay bixisaa dhowr barnaamij oo ku saleysan fikrad, xirfad iyo kuwa sida qaaska ah loo habeeyey ee lagu qaato dugsiyada sare.

Sawir si dhow looga qaaday saddex ah caruurta iskoolka oo ah da’da toddoba sano oo wada akhrinaya buug.

Furadaha waxbarasho

Degmada Täby waxay bixisaa waxbarashda dadka waaweyn ayadoo ay isticmaaleyso xarunta aqoonta ee waqooyi bari (Kunskapscentrum Nordost). Waxaad xaq u leedahay in aad si kharash la'aan ah ku barato afka iswiidhishka dhigato dugsia barashada afka iswiidhishka (sfi) iyo waxaad kaloo dhigan kartaa waxbarasho u dhiganta dugsiga hoose haddii aadan hore u soo dhigan. Waxbarashada dadka waaweyn ee dugsiga sare waxaa marka hore la siinayaa dadka ay ka maqan tahay waxbarashada dugsiga sare ee buuxda (waxbarasho guud) laakiinse waxaad xitaa fursad u haysataa inaad barato maadooyinka lagaaga baahan yahay aqoon gaar ah ee ah waxbarashada dugsiga sare dabadii.

Hanuuninta mujtamaca (samhällsorientering) waa kooras loogu talo galay adigaaga dalka iswiidhan ku cusub. Waxay caadi ahaan ka kooban tahay 60 saacado waxbarasho oo lagu bixiyo afka hooyo. Koorsada waxay ku siineysaa aqoon ku saabsan sida mujtamaca dalkan u shaqeeyo iyo waxyaabaha aad sameyneyso sida aad sida ugu dhaqsiyaha badan u dhex gasho suuqa shaqada iyo nolosha mujtamaca dalka. Waxaad xaq u leedahay inaad kooraska waxbarasho qaadato haddii aad dalka ku timid qaxooti ahaan, taasoo mecneheedu yahay inaad ka heleyso xafiiska shaqada qorshe la qabsiga dalka (etableringsplan). Waxaad xitaa xaq u leedahay inaad kooraska barato haddaadan qaxooti ahaan dalka Iswiidhan ku soo gelin - weydii kalkaaliyaha feelkaaga.

Koorasyada waxbarashada dadka waaweyn ee gaarka ah (lärvux) waay u dhigmaan waxbarashada qasabka ah ee gaarka ah iyo barnaamijka qaran ee dugsiga sare.

Caafimaadka

Degmada Täby waxay leedahay qaabilaadda cusbitaalka qaliinka iyo xarumaha daryeelka caruurta, xarumaha daryeelka dhalmada iyo rugta qaabilaada dhallinyarada waad la xiriiri kartaa.

Degmada Täby waxay leedahay daryeelka ilkaha guud iyo dhakhaatiirada ilkaha ee gaarka ah labadaba, cusbitaalka gargaarka degdegga ah ee ugu dhaw wuxuu ku yaallaa Danderyd, oo Täby u jirta ku dhawaad 1mayl.

Cusbitaalka deegaanka ee degmada Täby, sida bogga internetka ee cusbitaalada takhasuska ee Aleris (Aleris Specialist vård) waxaa ka jira dhow cusbitaalo takhasus oo halkaa ku wada jira.

Caawinaad turjubaan

Mar walboo aad la soo xiriireyso hay'adaha dawliga waxaad xaq u leedahay caawinaadda tarjubaan haddii aadan ku hadlin ama fahmeynin afka iswiidhishka. Waxaad kaloo xaq u leedahay tarjubaan haddii aad tahay qof si daran dhaawac uga qaba wax maqalka ama hadalka.

Xiriirka gaadiidka

Basaska

Degmada Täby waxay leedahay dhow basas kala duwan halkaasoo ay basas badani ka gooshaan bartamaha degmada Täby. Waxaad si sahal ah u raaci kartaa inaad ku soo wareegto degmada Täby ama meelaha u dhawdhaw iyo degmooyinka Stockholm.

Roslagsbanan

Roslagsbanan waa lafdhabarta gaadiidyada degmooyinka waqooyi. Adigoo raacaya Roslagsbanan baad si sahal u imaan kartaa degmada Täby. Safarka in laga dhaqaaqo saldhigga bariga ilaa bartamaha Täby wuxuu qaadanayaa ku dhawaad labaatan daqiiqadood.

Isu bedelka tareenka ee haddana la raacayo baska waxay ka dhacdaa saldhigga tareenka ee bariga iyo saldhigga tareenka Mörby, si aad si sahal ugu sii aado magaalada stockholm.

Waxaad warbixin dheeraad ah oo ku saabsan jadwalka xilliyada tareenada iyo basaska iyo dariiqyada la maro ka akhrisan kartaa gaadiidka dadweynaha ee magaalada Stockholm(SL).

Shaqo iyo ganacsi

Degmadu waa shaqo bixiye weyn. Taa ka sokow, waxaa kaloo ka jira degmada Täby ku dhawaad 7000 shirkado, laakiinse weli waxaa boos u furan kuwo kaloo dheeraad ah. Shirkadahaa badigood waa kuwo yaryar oo ka shaqeeya soo saarista adeegyada,ganacsiga iyo qalabka elektarooniga/waaxda teknoloojiyada warbixinada (IT). Waxaa kaloo halkaa ka jira shirkado ka shaqeeya qaybta ganacsiga, dhismaha iyo guryaha iyo dugsiyada barbaarinta & daryeelka caruurta. Xaqiiqada in shirkado badan ee dhinaca waxbarashada dugsiyada, daryeelka caafimaadka iyo daryeelka bulshadda ay qayb ka noqdaan nolosha dhaqdhaqaaqyada ganacsiga ayaa ah mid u gaar ah degmo iswiidhish.