Enköping

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Enköping waxeey soo bandhigeeysaa tayo iyo fursado shaqo iyo howlo xilliga firaaqada ee gudaha be’yad taariikh leh. Degmada Enköping waxeey si qorxoon ugu taala Mälaren agtiis iyo sadax garoon oo caalami ah, oo hal saac gudaheed lagu tagi karo ayaadoo laga baxaayo bertamaha. Xariir fiican oo masaafad degan oo tareen lagu tagi karo Stockholm, Uppsala iyo Västerås ayee lee dahay. Intaas waxaa uu sii dheer Enköping, 38 magaalo ayaa waxeey uu jirtaa labo iyo toban maayl gudaheed, taasi oo keentay magaca ”Magaalada Iswiidhan ugu dhaw”.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

44429

Cabirla dhulka

1324 kiilomitir oo laba jibaaran

Deegaan

Degmada Enköping waxeey ka kooban tahay xaafadaha Enköping, Örsundsbro, Hummelsta, Grillby, Fjärdhundra, Bredsand, Lillkyrka iyo Haga. Degmada waxaa dagan 44 429 qof waxeeyna ku taala qeeybta koonfureed ee gobolka Uppsala. Shirkada guriyaha ee degmada lee dahay Enköpings Hyresbostäder waxeey maamushaa 2500 guri oo degmada dhan ku wada yaalo.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada waxeey soo bandhigeeysaa waxbarashada afka hooyo ee afka serbiya, afka bosniyo, afka koroshiya, afka turkiga, afka ruushka, afka turkiga, af carabi, af soomaali, af tirgrinya, af faarisi, af bashto, afka booland, af kirundi, afka isbaayn, afka thayland, af ingriis, afka finland, afka greega, af syriaanka iyo af jarmal.

Haddii ee jiraan in ka badan shan arday oo isku luuqad ku hadlo, waa loo soo bandhigi karaa waxbarashada afka hooyo.

Jaaliyado iyo ururu

Bartamaha Enköping waxuu taajir uga yahay soo bandhigida ururada isboortiga iyo dhaqanka. Warbixin sii badan waxaa ka heleeysaa bogga internetka ee degmada, halkaasna waxaa ku jiro warbixinta-xariirka.

Maxaa ka ag dhaw

Enköping waxaa laga heli karaa dukaamo iyo adeegyo. Maktabad waxeey ku taalo Enköping, Örsundsbro, Grillby iyo Fjärdhundra.

Dalyeelka carruurta

Degmada waxaa ku taalo 41 dugsi xanaanadeed, kuwa degmada aa leh, kuwana waa madaxbanaan yihiin.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada waxaa ku taalo 19 dugsi hoose-dhexe iyo sare, kuwo degmada ee lee dahay, kuwana madaxbanaan iyo dugsi sare ee Westerlundska.

Furadaha waxbarasho

Degmadu waxay bixisaa waxbarasgo kala duwan ee dadka waaweyn iyo luqada iswiidhishka ee dadka ajnabiga ah, sfi. Websidka degmada waxaad ka akhrisan kartaa wixii fursado dheeraad ah ee jira.

Akhri dheeraad ku saabsan waxbarashada dadka waaweyn oo ku qoran:

Caafimaadka

Degmada dhexdeeda waxaad ka qayb qaadan kartaa noocyada kala duwan ee daryeelka caafimaad. Waxaad ka heli kartaa xarun caafimaad ee arimada dadweynaha iyo waxaad kale ee hili kartaa xarunta daryeelka carruurta, xarurta daryeelka hooyooyinka iyo daryeelka ilkaha. Websidka degmada waxaad ka heli kartaa warbixio dheeraad ah oo ku saabsan halkuu qofku ka helo karo waxa ku saabsan daryeelka kala duwan ee caafimaadka.

Caawinaad turjubaan

Markaad la xiriirayso dhamaan hay'adaha dowlada, degmada, iyo daryeelka caafimaadka waxaad xaq u leedahay turjubaan hadii aanad ku hadli karin ama aanad fahmaynin luqada iswiidhishka. Taana waa in hore laguugu sii balammiyo si arintaaka aad u hesho.

Xiriirka gaadiidka

Bas ka baxo Enköping oo ku socdo Uppsala iyo Västerås, marar badan ayee ka baxaa halkii saacba.

Shaqo iyo ganacsi

Ayadoo ku dhawaad 2700 shirkad ee diiwangalsan yihiin, waxeey Enköping soo bandhigeeysaa suuq shaqo oo kala duwan. Sida dhaqanka shirkadeeynta waxeey ku saleeysneed shirkado yar iyo kuwo dhexdhexaad ah oo ka howl galo laan laakin beeraha iyo dhaq dhaqaaqa ganacsi oo la socdo mecno weeyn ayuu ku fadhiya. Waqtiga hada la joogo 800 oo shirkad ayaa ka shaqeeyo gudaha degmada dhaqdhaqaaqa ganacsi ee cagaaraan.

Shaqo bixiyaasha dawladeed ee waaweyn waxaa ka mid ah Degmada Enköping, Wasaarada Gaashaandhiga iyo maamulka gobolka Uppsala Maamulka caafimaadka ee gobolka Uppsala. Uu dhwaanshaha Stockholm, Uppsala iyo Västerås waxay micnaheedu tahay in qofka deggan degmadan ay meelahaas suuqooda shaqada uu jirto masaafo loo safri karo.