Heby

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Meel uu dhaw Stockholm, Uppsala, Västerås, Arlanda oo leh fursad fiicna oo tareeynka lagu raaco laakin isla markaana leh amaan iyo xasilaanid. Sido kale Degmada Heby waxeey lee dahay dhul duur ah, baadiyo farxad leh, webi shanqad leh, qoorri dheer, jirdiinka dadweeynaha gudaha xuduuda degmada, bulshado badan oo firfircooni leh iyo waxeey taajir ka tahay dhanka ururada.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

14079

Cabirla dhulka

1226 kiilomitir oo laba jibaaran

Deegaan

Degmada waxaa ku yaala shirkado guryo kuwa oo aad ka raadsan karto guryo kiroo ah, guyaha iskaashatada, iyo noocyada kale ee deegaan. Websidka degmada waxaad ka akhrisan kartaa wax badan sida guryaha banaan iyo shirkadaha xiriiriya guryaha.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Af kurdi, af carabi, afka faariiga, afka dari iyo afka kirundi.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada waxaa jira jaaliyado badan oo kala duwan. Tusaale ahaan jaaliyadaha cayaaraha, jaaliyadaha dhaqanka, kaniisado iyo isbahaysiyo kala duwan. Wesidka degmada waxaad ka raadin karaa jaaliyadaha ka diiwaangashan kadibna waxaad kadooran kartaa jaaliyada markaa adiga ku anfacaysa.

Ordayaal ku ordaya goobta oradka.

Maxaa ka ag dhaw

Xafiiska dadweeynaha waxuu ku yaala Heby iyo Östervåla. Maktabdna gudaha Heby, Morgongåva, Vittinge, Tärnsjö iyo Östervåla. Xafiifka adeega bulshada waxuu ku yaalaa Heby. Xafiska Shaqada waxuu ku yaala Heby. Xafiiska canshuraha waxuu ki yaala Uppsala. Jiheeynta-qaxootiga ku ma taalo degmada Heby laakin xaafiska qaabilaada qaxootiga waxuu yaqaaniin af kurdi, af carabi iyo af faarisi. Dukaan gacan labaad oo sii fiican uu kala soocan waxuu ku yaala Heby iyo Östervåla. IKEA waxuu ku yaaala Uppsala. Dukaamo raashin wee ku yaalin xaafadaha badankood. Dukaanka weeyn ee lacagta yar, Karlsson.se waxuu ku yaala Morgongåva.

Degmada Heby waxeey isku suuq galisaa in ee tahay degmada-fardaha iyo isbuuca-xaflada ee dhexbartanka xilliga xagaaga

Halkan waxaad ka akhrisan kartaa dheeraad ku saabsan:

Dalyeelka carruurta

Degmada waxay bixisaa xanaano ay ugu tala gashay qofka carruurta ku haysta guriga. Degmada waxa ay leedahay qaybta waxbarida sida xananada carruurta, xanaanada qoyska ee maalinti gaar ahan kuwa da'dooda u dhaxaysa 1 -5 sano.

Shan ah caruurta dugsiga xanaanada oo faraxsan oo xiran jaakadaha iftiinka bixiya.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmadu waxay bixisaa dugsi hoose dhexe waxay siisa ardaysa dhigata ilaa iyo fasalka sagaalaad. Websidka degmada waxaad ka heli kartaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dugsiga hoose dhexe iyo xataa fursado ilaa iyo waxbarashada dugsiga sare.

Furadaha waxbarasho

Degmadu waxay bixisaa waxbarasgo kala duwan ee dadka waaweyn iyo luqada iswiidhishka ee dadka ajnabiga ah, sfi. Websidka degmada waxaad ka akhrisan kartaa wixii fursado dheeraad ah ee jira.

Akhri dheeraad ku saabsan waxbarashada dadka waaweyn oo ku qoran:

Caafimaadka

Degmada dhexdeeda waxaad ka qayb qaadan kartaa noocyada kala duwan ee daryeelka caafimaad. Waxaad ka heli kartaa xarun caafimaad ee arimada dadweynaha iyo waxaad kale ee hili kartaa xarunta daryeelka carruurta, xarurta daryeelka hooyooyinka iyo daryeelka ilkaha. Websidka degmada waxaad ka heli kartaa warbixio dheeraad ah oo ku saabsan halkuu qofku ka helo karo waxa ku saabsan daryeelka kala duwan ee caafimaadka.

Caawinaad turjubaan

Markaad la xiriirayso dhamaan hay'adaha dowlada, degmada, iyo daryeelka caafimaadka waxaad xaq u leedahay turjubaan hadii aanad ku hadli karin ama aanad fahmaynin luqada iswiidhishka. Taana waa in hore laguugu sii balammiyo si arintaaka aad u hesho.

Xiriirka gaadiidka

Degmada waxaa isku xera gaadiidka dadweynaha. Warbixin ku saabsan jadwalka waqtiyada iyo siyaabaha kala duwan ee safarda waxaad ka helaysaa websidka degmada.

Shaqo iyo ganacsi

Maamulka caafimaadka gobolka Uppsala Maamulka gobolka Uppsala, garoonka diyaaradaha Arlanda, maamulka waxbarashada ee degmada Uppsala.