Kil

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada waxaa ka ag dhow waxyaabaha qofka uu u baahan yahay badankood. Waxaad taas ka dareemeysaa nooljaaliyadeedka ka jira degmada oo eey ka mid yihiin gofka, ciyaaraha barafka, garoomo isboortis oo gudaha ah, garoomo baraf ah, garoomo teenis, garoomo fardaha lagu wado, garoomo isboortiska kala duwan lagu qabto iyo garoomada kubadda cagta.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

12069

Cabirla dhulka

407 kiilomitir oo laba jibaaran

Deegaan

Degmadeena waxaad ka heleysaa nuucyada kala duwan ee guryaha aad rabtid inaad degtid sida Fillooyinka, guryaha laga gado dabaqyada dhaadheerka ama guryaha caadiga loo kireysto. Waxaan xoogga saareeynaa hadda xaafadda cusub ee Lövenstrand oo u dhow balliga Fryken.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luqadaha ugu waaweyn ee degmada waa carabiga, daariga, iiraaniga iyo af-soomaaliga laakiin waxaa kaloo jira dad aan saas u badneyn oo luqado kale ku hadla.

Jaaliyado iyo ururu

Jaaliyadaheena oo lagu qiyaaso 1000 jaaliyadood waxaa xubno ka ah ku qiyaastii 13 000 oo xubnood. Boggeena internetka waxaad ka akhrin kartaa warbixin dheeraada oo ku saabsan jaaliyadaha iyo liiska diiwaan galinta jaaliyadaha.

Toddoba caggo kala duwan ah oo xiran kabaha kubbadda cagta.

Maxaa ka ag dhaw

Xaafadaha bartamaha Kil waxaa ku yaal maktabad, dukaamo, xafiiska shaqada iyo dukaamo-gacan labaad. Waxeey aad ugu dhowdahay magaalada Karlstad (20 km) halkaasoo aad ka soo adeegan kartid dukaamada waaweyn sida IKEA.

Qoys jooga dooga xeebta Fyrken xilli ay tahay xafladda biyaha ee Fyrska. Doonta Freja ee qiiqa ku shaqaysa oo sii dhaafaysa. Doon matoor oo baraayfad loo leeyahay oo taala meel in yar ka sii durugsan.

Dalyeelka carruurta

Waxaan heysanaa 11 dugsiyada xanaanada carruurta ah, labo baraayfat ah, kuwo ah guryaha xanaanada carruurta iyo xanaano u faran waalidiinta carruurtooda guryaha la joogo. Xilliga Gu'a ee sanadka 2015 waxaa dhismahiisa dhameystirmi doona iskoolka xanaanada carruurta ee Mons Backe. Waxaa degmada Kil usoo guuro qoysaska carruurta leh.

Wiil wata ubax ugu xiran dhegta gadaasheeda iyo shaati buluug ah oo calaamad maroodi leh ayaa ag fadhiya gabar xiran kurdad guduud ah. Caruurtan buug ayay wada fiirinayaan.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Sannerudsskolan, oo ah dugsigeena hoosedhexe, waa la dhameystiray waxaana la filaa inuu noqdo iskoolka ugu fiican Iswiidhan oo dhan. bartamaha Kil waxaa ku yaal afar dugsiyada hoosedhexe ah, iskoollada degmada bannaankeeda ka dhisan waxaa loogu tala galay tuulooyinka Fagerås, Högboda iyo Tolita. Ma heeysanno dugsi sare. Ardayda badankood waxeey dugsi sare u aadaan magaalada Karlstad.

Furadaha waxbarasho

In loo safro jaamacadda Karlstad waxeey qaadanee 20 daqiiqo. Hadaad waxbarashadaada dhigatid adigoo gurigaada jooga (distans) waxaad isticmaali kartaa maktabada qeybteeda Lärstudion i Kils bibliotek adigoo dhiibaya lacag aan badneyn. Iskoolka waxbarashada dadka waaweyn ee degmada Kil waxaa laguugu baraa luqadda iswiidhishka ah ee loogu tala galay dadka qaxootiga ah (sfi). Machadka Folkhögskolan ee ku yaal Kristinehamn waxaa laguugu baraa sida bulshada iyo dadka iswiidhishka ah sida eey u shaqeeyaan waxaana casharada lagu bixinaa luqadaada hooyo.

Waxaad baraneysaa macluumaad ku saabsan degmada Kil adigoo fiirsanaya filimaan kala duwan, sida filinka ka hadlaayo marka eey dadka wadanka ku cusub baranayaan isboortiska lagu sameeyo barafka eek goobta Frykstabacken. Filimaantaas boggeena internetka ayaad ka heleysaa.

Akhri dheeraad ku saabsan waxbarashada dadka waaweyn oo ku qoran:

Mid ka mid ah dhalinyarada keligood iyagoo ah dalkan yimi oo jooga barafka Frykstabacken oo dibnahoodu dhoola cadeynayaan.

Caafimaadka

Waxaa degmadeena ku yaal rug caafimaad. Waxaa ku yaal Familjecentralen, oo ah good eey ku kulmaan dadka waalidiin noqon raba iyo waalidiinta carruurta yaryar heeysata. Degmada Kil waxaa ku yaal labo dhakhaatiirta ilkaha ah. Isbitaalka weyn ee ugu dhow waxuu ku yaal Karlstad.

Caawinaad turjubaan

Degmada Kil waxeey turjubaanno kasoo ijaartaan xafiiska turjubaanka ee Karlstad. Waan isticmaali karnaa turjubaanno marka aan qof kula kulmeenno xafiisyada dowladda.

Xiriirka gaadiidka

Degmada Kil meesha meesha eey waa meel eey fududahay in laga safro. Tareenka, baska iyo baabuurka kulligood waxeey 15 daqiiqo gudahood kugu geynayaan Karlstad saddax saacna waxeey kugu geynayaan Stockholm, Göteborg iyo Oslo. Garoonka diyaadda Karlstad, 8 km ayuu u jiraa, waxuuna si fudud idunkugu xiraa aduunka intiisa kale.

Shaqo iyo ganacsi

Kil waxaa ka dhisan shirkado yaryar iyo qaar xoogaa waweyn oo ka shaqeeya dhinaca garaashyada. Dadka shirkadaha ku leh degmada Kil waxeey talooyin iyo fikrado ku saabsan ganacsigooda kala hadli karaan guddiga shirkadlayaasha ee degmada. Guddigaas waxaa xubno ka ah 10 qofood oo kala soo jeeda baranjiyo kala duwan. Waxaad Warbixin dheeraada oo ku saabsan ganacsiga ka heleysaa boggeenna internetka.

Alxamiiste meel madow ka dambeyso, caagiisa waxaa iftiiminaya holaca alxanka oo leh iftiin buluug ah.