Kristinehamn

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Kristinehamn waxaa ku nool dad gaaraya 24 000 waxeeyna ku taal agagaarka balliga ugu weyn ee Iswiidhan ee Vänern ee ku yaal gobolka Värmland.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

24214

Cabirla dhulka

1384 kiilomitir oo laba jibaaran

Doon matoor oo alwaax ah oo joogtoa harada biyaha, xagga dambe waxaa ka muuqda nalka xeebta iyo maqaaxi ku taala xeebta.

Degmada Kristinehamn waxaa yaal fursado fiican oo dhinaca meela loo damaashaad tago ah, meelo qurux badan oo lagu nasado caruurtana eey ku cayaaraan. Intaas waxaa sii dheer adeega bulshada oo tayadiisu sarreeyso, daryeelka caruurta iyo iskoollka oo fiican iyo dhaqaalaha iyo wax soosaarka degmada oo sii kobcaya. Gacmo furan kusoo dhowoow!

Deegaan

Degmada Kristinehamn waxaa ku yaal guryo dowladeed iyo kuwo gaar looleeyahay labadaba. Shirkadda degmada waxaa la dhahaa Kristinehamnsbostäder. Degmada boggeeda internetka waxaa ka heleysaa warbixin dheeraada oo ku saabsan shirkadaha guryaha ee ka jira Kristinehamn.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Kristinehamn waxaa looga hadlaa luqado kala duwan sida, carabiga, af-soomaaliga, iiraaniga iyo ingiriiska.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Kristinehamn waxaa ka jira nolol jaaliyadeed aad u heer sarreeysa oo ka shaqeeysa qeybaha hiddaha iyo dhaqanka iyo isboortiska waxeeyna jaaliyadaha ka dhisan degmada gaarayaan 200 oo jaaliyadood, waxaa kaloo sii dheer ururyada iyo kaniisadaha oo iyagana waxyaabo kala duwan qeeybaha kala duwan ee bulshada. Liiska jaalidaha ee degmada waxaad ka heli kartaa taleefannada iyo sida loola xiriiro jaaliyadaha ka jira degmada badankood.

Maxaa ka ag dhaw

Kristinehamn waxaa tusaale ahaan ku yaal maktabad, xafiiska shaqada, xafiiska ceymiska iyo xafiiska cashuuraha. Waxaa jira dukaamo yaryar iyo kuwo waaweyn iyo dukaamada gacan labaadka iyo suuqyada marmar banaanka lasoo dhigo oo lagu qabto bartamaha degmada ama bannaankeeda.

Jidka dadku maraan ee bartamaha Kristinehamn. Hooyo iyo aabe la soo adeegay ilmahooda. Xagga dambe waxaa ka muuqda dad dhowr ah oo lugeynaya ama baaskiilo wata.

Dalyeelka carruurta

Carruurta eey waalidiintooda shaqeeyaan, ama waxbartaan waxaa loo diyaariyay xanaano iyo daryeel fiican. Kristinehamn waxaa ku yaal xarumaha xanaanada carruurta oo nuucyo badan leh sida iskoollada xanaanada, guriga xanaanada carruurta, guriga xilli firqaaha carruurta iyo xanaanada guud ee caruurta. Degmada waxaa kaloo ka jira iskoollada xanaanada oo u furan waalidiinta carruurtooda guryaha la joogo. Cunuga iyo waalidka waxeey soo booqanayaan xarunta xanaanada. Gacmo furan kusoo dhowoow mar walba aad rabtid inaad timaatid xarumaheena shaqo.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Degmada Kristinehamn waxaa ku yaal 11 dugiyada hoosedhexe ah kuwaasoo ka bilowda fasalka xanaanada carruurta illaa iyo fasalka sagaalaad.

Dugsiyada sare ee degmada Kristinehamn waxuu ka kooban yahay dugsiyada Brogårdsgymnasiet och Presterudsgymnasiet. Dugsiyadaas waxaa lagu bartaa 14 barnaamijyo waxbarashadeed kala duwan ah, waxaa kaloo jira dugsi sare oo loogu tala galay ardayda dhimirka la' oo lagu barto shan barnaamijyo waxbarashadeed kala duwan.

Furadaha waxbarasho

Degmada Kristinehamn waxaa yaal fursad aad ku baran kartid luqadda iswiidhishka oo loogu tala galay dadka qaxootiga ah. Waxbarashada waxaa loogu tala galay dadka qaxootiga ah, kana weyn 16 sano isla markaasna ku qoran degmada Kristinehamn, heysanin cilmi dhinaca luqadda iswiidhishka ah.

Laba haweenay dhalinyaro ah oo fahdiya alwaax oo cunaya jalaato. Waxaa la arkaa dhabarka mid ka mid ah haweenkan iyo dhoola cadeynta haweenayda kale.

Waxaa jira waxbarasho loogu tala galay dadka waaweyn (komvux), oo lagu baxsho koorsooyin kala duwan iyo waxbarasho dhinaca farsamada gacanta ah. Jaamacadda ugu dhow waxeey ku taal degmada Karlstad, waxaana aada gaadiidyo badan oo kuwa safarka ah.

Caafimaadka

Degmada Kristinehamn waxaa ku yaal rugag caafimaad oo badan iyo dhakhtarka ilkaha. Xarunta daryeelka qoyska ee Källan waa goob eey ku kulmaan dadka waalidiin noqon raba iyo waalidiinta carruurta aadka u yaryar heeysta. Waxaa meeshaas diyaar ku ah qeyb umuliso, qeyb dhalinyarada lagu qaabilo, qeybta la talinta bukaanka, rugta daryeelka carruurta iyo iskool xanaaneed furan.

Caawinaad turjubaan

Degmada Kristinehamn weey heystaan turjubaanno marka loo baahan yahay.

Xiriirka gaadiidka

Bas ama tareen ayaad ugu safri kartaa degmada gudaheeda iyo degmooyinka kale ee gobolka Värmland, shirkadda maamusha gaadiidyada safarka waxaa la dhahaa Värmlandstrafik.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Kristinehamn waxaa ka jira shirkado badan oo isugu jiro kuwo waaweyn iyo kuwo yaryar kana shaqeeya meelo kala duwan. Waxaa ka jira ilaa 1500 oo shirkado. Degmada Kristinehamn waxeey o dhowdahay degmooyin badan. Haddii aad rabtid inaad furatid shirkad waxaad talo ku siin kara guddiga wax soosaarka ganacsiga ee degmada Kristinehamn.