Västerbottens län

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Ku soo dhowoow magaalada Västerbotten, gobolka ku faafsan laga bilaabo dhulxeebeedka siman oo dhagaxyaddana leh ayadoo lasii maraayo dhulka beerelayda, waadiyaasha iyo weliba keynta ku dhaxtaala dhexda gobolka illaa laga gaaro silsiladda buuraha la siman xudduuda norweey. Västerbotten waa midka ku xigga gobolka ugu weyn iswiidhan. Gobolka wuxuu heystaa 15 degmo: Bjurholm, Dorotea, Lycksele, Nordmaling, Malå, Norsjö, Robertsfors, Skellefteå, Sorsele, Storuman, Umeå, Vilhelmina, Vindeln, Vännäs och Åsele. Halkaan waxaa deggan qiyaas ahaan 263 000 dad ah. Degmada Bjurholms waa midda iswiidhan ugu dadka deggan ugu yar. Umeå waa meesha uu duqa gobolka deggenyahay.

Map of Sweden Created with Highcharts 10.2.1

Degmooyinka ku yaala Västerbottens län

Dooro degmada ah Västerbottens län ee aad doonaysid inaad wax dheeraad ah ka akhrisato xagga hoose

Xaalada guryaha

Waxaa u dhexeeya farqi cad goboladda dhexdooda marka laga hadlaayo xaaladda deggaanka. Degmooyinka qaar waxaa ku badan guryaha, deggaanada qaarna waxaa ka jira guryo la'aan labadaba dhexda iyo banaanka degmadda.Dadka sii duqoobaya waxeey qabaan baahi ah in loo helo guryo ku habboon. Umeå waxaa kusoo badanaya dadka sidaa darteed waxaa adag in la helo guri maadaama dalabka uu ka badan yahay guryaha la heli karo. Isla markaas waxey leedahay Umeå hadaf ah in la kordhiyo dadka deggan waxaana la dhisaa in xoogaa ah.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye

Gudaha Västerbotten waxaa laga helaa noocyo shirkado kala duwan ah. Degmooyinka iyo gobolka ayaa ah shaqo-bixiyayaasha ugu weyn oo u xilsaaran daryeelka caafimaadka, xanaanada iyo isgaarsiinta. Jaamicada Umeå, Volvo Lastvagnar iyo Boliden Mineral waa shaqo-bixiyayaal kale.

Jaaliyado iyo ururu bulshada rayidka ah

Iswiidhishka cusub iyo soo dhexgalkooda bulshada waxay maanta qayb muhiim ah ka tahay maamulka gobolka hawshiisha. Usoo haajiridda Iswiidhan waa matoorka korodha dadka ee gobolkan. Si wadajir ah ayaa ururada, qaybta ganacsiga, degmooyinka iyo gobolku uga shaqeeyaa sidii loo qaabili lahaa dadka dalka ku cusub qaab leh qiimo, sax ah sharciyan oo bani'aadanimo ku dhisan.

Iskoolaad iyo waxbarasho

Västerbotten waxaa ka jira laba jaamacad. Jaamacadda Umeå waa midda gaar ahaan ugu weyn ayadoo ay dhigtaan 37000 arday ah isla markaasna leh waxbarashooyinka takhasusaadka inta badan. Umeå waxaa kaloo ay leedahay Jaamacadda beeraha ee iswiidhan (SLU) iyo kuliyaddaha qaabilsan jaangooynta,naqshadeynta, ganacsi, ciyaaraha iyo farshaxanka. Skellefteå waxaa laga baran karaa wixii ku saabsan alwaaxa iyo farsamada, qadadka oo hoostaga Jaamacadda Luleå Tekniska.

Daryeelka bukaanka

Västerbotten waxey leedahay saddex isbitaal, Norrlands Universitetssjukhus kaa soo ku yaala Umeå, isbitaalka Lyckelse iyo isbitaalka Skellefteå. Isbitaalkan waxaa laga helaa qaybo qaabilaad, waaxo iyo hawlo kala duwan. Gobolkan waxaa lagahelaa 32 ruggo caafimaad. Degmo kasta waxay leedahay ugu yaraan hal rug caafimaad. Badankooda waxaa maamula gobolka, laakiin dhowr ka mid ah waxaa loo maamulaa si baraayfad ah.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Västerbotten waxey qani ka tahay dhaqanka waxaana ka jira fursado waaweeyn oo xilli qa fasaxa wax lagu qaban karo. Waxaa jira jawi dhaqan iyo dabeecad oo xiise leh oo la jeclahay in loo dalxiis tago. Gobolka Västerbotten waxaa laga helaa keydka dabeecadda. Halkaan waxaa ku yaala keydka dabeecadda ee ugu weyn Yurub oo ah Vindelfjällen waxaa ku yaala webiga qaranka Vindelälven. Västerbotten waxeey leedahay oo kale ururada ciyaaraha oo badan kuwasoo u suurta gelinaya dadka da'aada kala duwan iney ciyaaraan amaba ay dhaqdhaqaaqaan. Gobolka waxaa ku yaala xitaa masraxyo riwaayado lagu dhigo iyo matxaf iyo weliba degmo kasta waxey leedahay maktabad aad loo booqdo.