Malå

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Malå waa degmo yar oo qurux badan oo ku yaal waqooyiga Iswiidhan. Bartamaha Malå waxaa ka agdhow dukaamo, goob caafimaad, dhakhtarka ilkaha iyo iskool. Waxeey u dhowdahay keeymaha, biyaha iyo baadiyaha.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

3054

Cabirla dhulka

1727 kiilomitir oo laba jibaaran

Dad badan oo degan degmada Malå waxeey ka helaan iney kalluumeystaan, iney miro guraan iyo dheelaan cayaaraha barafka. haddii aad rabtid inaad degtid guri adi kuu gaara waxaad degmada Malå ka heleysaa guryo qiimo jaban. Kusoo dhowoow Malå, wax kasta weey ku dhowyihiin!

Deegaan

Degmada Malå waxaa ku nool illaa 3000 oo qofood. Badankood waxeey degan yihiin guyo fillo ah qaarna waxeey waxeey degan yihiin guryo eey kireystaan Laagenheetyo.

Jardiino gudaha ah lehna meelaha lagu ciyaaro, sanduuq ciid ah iyo leexooyin. Guryo laba dabaq ah oo guryo ku yaalaan hareerayaasha.

Degmada waxuu leeyahay shirkad guryaha kireyso, Malåbostaden, ka kireyso guryo. Guryaha dabaqyada ku yaal waxeey ka agdhowyihiin bartamaha Malå. Haddii aad rabtid inaad gadatid guri, waxaad heleysaa fillooyin.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada Malå waxaa degan dad ka kala yimaaday adduunka dacaladiisa. Waxaa jira dad ku hadlaya iswiidhish, tigree, fiinlaandees, ruush, isbaanish, holandees, saami, noorweejiyaan, letaawaanees, urduu, baashtuu, tamiil, daari, teeylaandees, af-hangarees iyo af-filibiin.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Malå waxaa ka jira jaaliyado badan. In xubin laga noqdo jaaliyad waa qaad loola kulmo dad kale. Haddii aad xiiseyneysid isboortis sida cayaaraha barafka, ciyaaro kooxeed ama inaad faras dabartid waxaa jira jaaliyado isboortis oo badan. Ururka waxbarashada ee Vuxen skolan iyo ABF waxeey koorsooyin ka bixiyaan Malå.

ABF
Dad daawadayaal ah oo ah da’yo kala duwan oo fadhiya dooga.

Maxaa ka ag dhaw

Adeega

Guriga degmada waxuu ku yaal Storgatan 13 agagaarka biya mareenka. Guriga degmada waxaad ka heleysaa adeegyada soo degida iyo adeegyada isdhexgalka bulshada. Meeshaas waxaad imaan kartaa haddii aad soogalooti tahay si aad u heshid warbixin ku saabsan iskoollada, guri, sidaad ula xireereyso xafiisyada dowladda ama goobaha caafimaaadka.

Ganacsi

Malå waxaa ku yaal labo dukaan raashimeed, dukaan dhar oo leh qeyb dadka waaweyn iyo kuwa yaryar, dukaan buugaagta lagu gado, dukaan nalal iyo dukaan ubaxyada lagu gado. Dukaamada gacan labaadka ah ee degmada waxaad ka gadan kartaa dhararka gacan labaadka ah, alaab iyo waxyaabo kaloo guriga loogu tala galay. Malå waxaa ku yaal farmashiiye, tima jare, boosto, bangi, makhaayada biitsada iyo hotell makhaayad leh.

Maktabad

Maktabada Malå waxeey ku taal Nila skolan ee jidka Skolgatan 2. Halkaas waxad ka amaahan kartaa boogaag luqado badan ku qoran. Bilaash ayadna ku amaahan kartaa. Maktabada boggeeda internetka waxaad ka arki kartaa haddii ey maktabada furantahay.

Gudaha maktabada ku taala Malå. Kombiyuutar laga raadin karo buugta, miiska amaahda laga qaato iyo armaajooyin badan oo buug ku jiraan.

Xilli firaaqaga

Malå waxaa ku yaal meelo lagu kulmo oo ku yaal Parkgatan 1. halkaas waxaad ka daawan kartaa filimaan iyo tiyaatar. Haddii aad jimicsiga jeceshahay waxaa tag kartaa goob lagu dabbaasho, hool isboortis, hool baraf iyo meelo lagu dheelo ciyaaraha barafka. Iskoolka waxeey qabaan goob eey dhalinyarada tagaan xilli firaaqaha.

Dad badan oo urursan maalin jiilaal ah oo cad-ceed jirto. Caruur koraysa baraf badan oo isa saarmay.

Dalyeelka carruurta

Degmada Malå ayaa ka mas'uul ah xanaanada carruurta. Degmada Malå waxaaku yaal iskoollada xanaanada carruurta u dhaxeeya hal illaa shan sano. Iskoolka waxeey carruurta dhiganayaan hadii eey waalidiinta shaqeeynayaan ama wax baranayaan. Iskoolka xanaanada waa marxalada koowaad ee sistemka iskoolka ee Iswiidhan. Waxaa lagaa qaadayaa khidmad si eey caruurtaada iskoolka u dhigtaan.

goobta carruurta ee xili firaaqaha waxeey carruurta aadayaan iskoolka kadib hadii eey waalidiinta shaqeeynayaan ama wax baranayaan. Waxaa lagaa qaadayaa khidmad si eey caruurtaadagoobta xilli firaaqaha u dhigtaan.

Haddii aad tahay waalid ama aad guriga la joogtid ilmo yar waxaad aadi kartiin goobta carruurta ee furan oo eey qabanqaabiso Kaniisada Iswiidhan. Halkaas waxaad adiga iyo ilmahaaga kula kulmi kartiin carruur iyo waalidiin kale,

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Degmada Malå waxeey leedahay dugsiga hoosedhexe oo loogu tala galay illaa ardayda dhigata fasalka 9. Iskoolka waxaa la dhahaa Nilaskolanwaxuna ku yaal Skolgatan 2 ee bartamaha Malå. Nilaskolan waxaa dhigta ardayda eey da'doodu u dhaxeeyso 6 illaa 16 sano.

Ardayda dhigta dusiga hoosedhexe waxeey usii gudbi karaan dugsiga sare oo ku yaal degmooyinka dariska ah ee Lycksele ama Arvidsjour. Dugsiga sare waxaa logu tala galay ardayda da'doodu eey u dhaxeeyso 15 ilaa 18 sano.

Ardayda da'doodu eey u dhaxeeyso 15 ilaa 18 sano oo wadanka mar dhow yimid waxeey dhiganayaan koorsooyin luqadda ah. Waxeey halkaas ku baranayaan luqadda iswiidhishka si eey markaas ka dib u billaabaan dugsiga sare ama waxbarasho kale.

Furadaha waxbarasho

Jiheynta xaga mujtamaca ah ee dada wadanka ku cusub (SO)

Haddii aad wadanka ku cusubtahay ama aad u timid qof ku dalbaday da'daaduna eey u dhaxeeyso 18-64 sano waxaad xaq u leedahay sanadka ugu horreeyo aad halkaan degantahay 60 saacadood oo ah barashada jiheynta xaga mujtamaca. Waxaad wax ka baraneeysaa wadanka Iswiidhan. Koorsada waxaad ku qaadaneysaa luqadaada hooyo waxaana qaban qaabinaya degmada.

Iswiidhishka loogu tala galay dada ajnabiga ah (SFI)

Degmada Malå ayaa mas'uul ka ah inaad baratid luqadda iswiidhishka. Koorsadaas waxaa lagu magacaabaa Iswiidhishka loogu tala galay dada ajnabiga ah, SFI.

Masaafo dheer wax ka baro

Haddii aad rabtid inaad jaamacad ka barato masaafo dheer waxaa kaa caawinaya Xarunta Lärcentrum ee Malå.

Degmada Malå waxeey ku heysaa waxbarasho dadka waaweyn oo kala duwan.

Caafimaadka

Malå waxaa ku yaal rug caafimaad oo lagu magacaabo Malå sjukstuga. Halkaas waxaa kuugu diyaar ah dhakhtar, kaaliso, kaaliso jimicsi, rugta caafimaadka hooyada iyo dhallaanka (MVC) iyo rugta cafimaadka ee carrurta (BVC). Rugta caafimaadka waxeey sameeysaa baaritaanno caafimaad iyo tallaal. Waxaad kaloo ka jawaabi kartaa su'alo ku saabsan ilmahaaga caafimaadkooda iyo horumarkaaga.

Waxaa kaloo jira baabuurta ambalaaska iyo qeyb isbitaal oo lagu daaweeyo emerjensiga degdega ah. Isbitaal emerjensi dhaeystiran leh waxuu ku yaal Lycksele.

Dhakhtarka ilkaha ee degmada Malå waxaad ka heleysaa Folktandården oo ku agyaal isbitaalka Malå.

Caawinaad turjubaan

Haddii aadan aqoon luqadda iswiidhishka waxaa ku caawinaya turjumaan marka aad balan la leedahay degmada Malå. Turjumaanku wuu ag fariisanayaa marka aad shirka ku jirtid ama hawada ayuu kaaga tajumayaa xaga taleefanka. Hore usii sheeg haddii aad u baahantahay turjumaan si laguugu diyaariyo.

Xiriirka gaadiidka

Waxaad degmada ugu safri kartaa baabuur, bas, tareen iyo diyaarad.

Waxaad waqtiyada safarka ka fiirsan kartaa:

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Malå waa shaqa bixiyaha ugu weyn degmada waxaana u shaqeeya illaa 500 oo shaqaale. Dadka u shaqeeya waxeey kala yihiin macalimiin, kaaliye kalkaaliye, ilaaliye iyo shaqaale xafiis.

Malå waxaa jooga dumar iyo niman ganacsi eey ayaga leeyihiin ka shaqeeya. Haddii aad tahay shirkadle ah ama aad rabtid inaad bilaawdid shirkad waxaad la xiriirtaa degmada Malå si laguu caawiyo.