Norsjö

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Norsjö waa degmo yar oo ku taal waqooyiga Iswiidhan. Inkastooy degmadu yartahay hadana waxeey leedahay adeeg bulsho oo wanaagsan. Waxaa ku yaal dukaamo, bangiyo, dhakhtar ilke, xarun caafimaad, iskoollo iyo waxyaabo kaloo badan.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

3970

Cabirla dhulka

1924 kiilomitir oo laba jibaaran

Degmada Norsjö waxeey kamid tahay degmooyinka ugu ammaanka fiican wadanka, rabshado badanna kama dhacaan. Sidaad darteed waa meel ku fiican in carruurta lagu korsado. Degmada dadkeeda waxeey jecelyihiin isboortiska, marka haddaad jeceshahay kubadda cagta, ciyaarta xeegada barafka iyo ciyaaraha kale waxaad heleysaa fursad aad ku cayaartid. Dadka degmada weey kalluumeeystaan waxeeyna miro kasoo gurtaan kaynta, waxeey kaloo jecelyihiin luga baxsiga maadaama degmada ee leedahay dhul dabiici ah kuna wanaagsan waxyaalahaas. Wadada tareenka ayaa marta degmada waeyna fududahay in loo safro magaalooyinka dariska ah. Madaarka ugu dhow waxuu degmada u jiraa 1 saac oo kaliyah.

Maalin jiilaal ah oo qabow oo cad-ceed jirto. Saddex caruur ah oo jiidaya qalabkooda barafka iyo qof weyn oo ka horeeya oo jiidaya baaskiil. Guryo ayaa ku yaala labada dhinac ee jidka.

Deegaan

Labada shirkadood ee dhinaca guryaha ah ee ugu weyn degmada waa shirkadda Norsjölägenheter oo eey degmadu leedahay iyo shirkadda gaarka loo leeyahay ee Norsjöbo AB.

Degmada Norsjö waxaa kaloo ka jira shirkado yaryar oo iyagana guryaha kireeya. Si eey kuugu fududaato inaad guri heshid booqo degmada boggeeda internetka, waxaa meeshaas ka heleysaa liis dheer eey ku yaallaan shirkadaha guryaha kireeya oo dhan.

Hadii aad heeysid su'aalo dheeraada la xiriir isku duwaha degmada ee dhinaca qaxootiga, wac taleefanka degmada 0918-140 00.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Af-soomaali, carabi, tigree, amaxaari, daari, isbaanish, af-ruush, af-jarmal iyo halandees.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada waxaa ku yaal kaniisada Svenska kyrkan, Pingstförsamlingen iyo Missionskyrkan. Kaniisadaha waxeey si joogto ah u qorsheeyaan howlo firfircooni. Waxaa kaloo jira meel mowlac ah eey muslimiinta ku kulmaan.

Degmada waxaa ka jira jaaliyado fara badan. Hadaad rabtid inaad la xiriirtid mid ah mid waxaad macluumaadkooda ka heleysaa liiska jaaliyadaha.

Kubbadda laliska xeebta iyadoo daawadayaal joogaan banaanka iskoolka.

Maxaa ka ag dhaw

Norsjö waxaad ka heleysaa dukaamo, maktabado, xafiiska shaqada, xafiiska degmada, beerta xilli firaaqaha iyo bangiyo.

Hadaad rabtid inaad gurigaada camirtid waxaa jira dukaan gacan labaad la dhaho Knut'n, waxaadna ka heleysaa alaabta guriga, maacuun iyo dhar.

Dalyeelka carruurta

Degmada waxaa ku yaal xanaanada carruurta, guriga xanaano maalmeedka iyo xanaana caruurta oo furan.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Waalidiinta iyo macalimiinta Iswiidhan waxeey u aqoonsadeen degmada Norsjö ineey ka mid tahay degmooyinka ugu iskoollada fiican wadanka oo dhan. Degmadu waxeey leedahay labo dugsi hoosedhexe, mid waxuu ku yaal Bastuträsk waxaana dhigta carruurta dhigta xanaanada carruurta illaa kuwa dhigta fasalka 5, iskoolka kalana waxuu ku yaal bartamaha Norsjö waxaana dhigta carruurta dhigta xanaanada carruurta illaa kuwa dhigta fasalka 9. Waxaa kaloo ku yaal iskoolka carruurta dhimirka la' iyo dugsi sare.

Furadaha waxbarasho

Waxaa jira fursado eey dadka waaweyn wax ku baran karaan. Waxaa kaloo jaanis u leedahay inaad ugudubtid waxbarashada heerka jaamacadda oo ku saleeysan habka warqadaha guriga laguugu soo diraayo (distans).

Norsjö iyo Bastuträsk waxaa ku yaal goobaha waxbarashada dadka waaweyn ee SFI.

Caafimaadka

Bartamaha Norsjö waxaa ku yaal xarunta hoyga caafimaadka oo leh umuliso iyo rugta daryeelka carruurta. Waxaa isla dhismaha ku yaal rugta daryeelka ilkaha.

Caawinaad turjubaan

Degmada waxeey qofkii ubaahan u diyaarineysaa turjubaan. Sida caadiga ah turjubaanku waxuu kaaga turjumaa taleefanka dhaxdiisa, xaaladaha qaarkoodna isla meesha aad joogtid ayuu kula joogaa oo uu kaaga turjumaa.

Xiriirka gaadiidka

Hadaad rabtid inaad meelo kale u safartid waxaa jira gaadiid isugu jira tareen iyo basas oo taga magaalooyinka dariska ah oo dhan. Madaarka ugu dhow waxuu degmada u jiraa 1 saac oo kaliyah.

Shaqo iyo ganacsi

Shaqo bixiyayaasha ugu waaweyn ee degmada waa shaqaalaha degmada oo ka shaqeeya (iskoollada, caafimaadka, daryeelka), Trätrappor (warshadaha soo saarka jaranjarada), Inwido (warshadaha soo saarka jaranjarada), warshadaha kale waa Extena (plastindustri), Norsjö betong (betongarbeten).

Dad badan oo degan degmada Norsjö waxeey maalin kasta shaqo ugu safraan magaalooyinka Skellefteå, Lycksele iyo Malå.