Skellefteå

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Skellefteå waxaa jira fursado wanaagsan si aad si wanaagsan ugu noolaatid wadanka Iswiidhan. Magaalada waa dhexdhexaad, taasna waxeey ka dhigantahay inaad heli kartid fursado badan iyo adeega guud. Cabbirka eey la egtahay magaalada waxuu keenayaa inaad si dhaqsi ah ula qabsatid.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

72647

Cabirla dhulka

9945 kiilomitir oo laba jibaaran

Dadka dega Skellefteå waxeey sidaas darteed kugu soo dhaweenayaan gacmo furan si aad mustaqbalkaada u beeratid.

Deegaan

Guryaha la kiraysto waxaa laga heli karaa bartamaha magaalada iyo degmada geesaheeda. Degmadu waxay leedahay shirkad guryo oo gaar u ah, Skebo, oo laga kiraysta magaalada inteeda badan. Waxaa kale oo dabcan laga kiraysan karaa shiryadaha gaarka loo leeyahay. Hadii aad doonayso waxaad iibsan kartaa guri, tusaalo ahaan vilo ama guryaha safan.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Skellefteå waxaa looga hadlaa in kabadan 60 luqadood oo kala duwan, waxaa ka mid ah luqada af fiinlandeeska, af carabiga, af soomaaliga, af urdu, af iiraaniga, tigreega, af taylandeeska, af norweejiyaanka, isbanish, jarmal, hindi, ruushka iyo af amaxaariga.

Jaaliyado iyo ururu

Skellefteå waxaa ku yaala in kabadan 850 jaaliyadood oo kala duwan, laga bilaabo jaaliyada kubada cagta iyo kooxaha cunto karinta iyo ururada diimaha. Degmada skellefteå websidkeeda waxaad ka heli kartaa diiwanka ay ku qoranyihiin jaaliyadana iyo warbixino looga xiriirikaro.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada skellefteå waxaad ka helaysaa waxwalba oo daruuri ah xaga adeega bulshada iyo dhaqan cayaareed aad u balaaran iyo madadaalo. Waxaa kale oo ay leedahay duaamo, maqaayado, meelo lagu cayaaro, shineemo iyo tiyaater. Kulina ay u wada jiraan masaafo ah ilaa iyo bartamaha Skellefteå. Waxaa kale oo jira dhawr kaniisadaha masiixiga ah iyo xarun islaami ah oo ka tirsan masjidka qaybtiisa hoose ee bartanka Skellefteå. Waxaa intaas dheer deegaanka Skelefteå uu ku xasuusinayaa dhamaan xiliyada kala duwan.

Dalyeelka carruurta

Degmada Skellefteå waxaa ku yaala xanaanada carruurta oo da'doodu u dhaxayso sanad ilaa iyo shan sano. Xanaanadu waa meesha koowaad oo laga bilaabo iskoolada iswiidhishka. Xanaanada waxay caruurta joogi karaan waqtiga ay waalidkood ku maqan yihiin wax barasho ama shaqo. Dehmadu waxay leedahay xanaanada furan meesha oo waalidku caruurtiisa asigu ku haysto meesha oo kula kulmi karto waalid iyo carruuro kale.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Degmadu waxay bixisaa dugsi hoose dhexe waxay siisa ardaysa dhigata ilaa iyo fasalka sagaalaad. Websidka degmada waxaad ka heli kartaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dugsiga hoose dhexe iyo xataa fursado ilaa iyo waxbarashada dugsiga sare.

Furadaha waxbarasho

Dugsiyada waxbarashada bulshada

Skellefteå waxa ku yaala seddex dugsiyada dadka waaweyn oo kulyado kala duwan bixiya.

Jaamacad

Agagaarga Skellefteå waxaa ku yaala labo jaamacadood, jaamacada farsamada ee Luleå iyo jaamacada Umeå. Waxaa sidoo kale ku yaala iskoolka lagu barto qalabka masraxa loo isticmaaloee woqooyi, waxbarashada dadka waaweyn ee degmada (VUX) iyo waxbarasgada tababarka oo taqasus ah.

Hadaad rabtid inaad dhigatid waxbarasho kaa fog

Hadii aad doonayso waxaan wax ku baran kartaa masaafo dheer adiga oo cashirada laguugu soo diraya gurigaaga waxaana wax barashadaa ka heli kartaa jaamacadaha wadanka waxaana caawinaad ka helaysaa khaybta wax akhriska ee Skellefteå.

Iswiidhishka loogu tala galay qaxootiga (sfi)

Hadii aad tahay qof wayn aana doonayso in aad barato aasaaska luqada iswiidhishka waxaan barankartaa luqada iswiidhishka ee ajnabiga (sfi). Waa waxbarashada dadka waaweyn (VUX) ee degmada waxa bixiyo waxbarashadaa. Waxaa kale oo jira kuwa kale oo bixiya waxbarashada luqada iswiidhishka , waxa ka midka iskoolka waxbarashada bulshada.

Akhri dheeraad ku saabsan waxbarashada dadka waaweyn ee degmadan.

Caafimaadka

Isbitaalka Skellefteå

Isbitaalka Skellefteå waa isbitaal casri ah oo aad loo qalabeeyay waxaana ka shaqeeya 1300 oo shaqaale. Tusaale rugta haweenka ee BB iyo qaybta dhalmada, raajada, qaliinka, daryeelka isdabajooga ah, qaybta dhimirka ee dadka waaweyn, qaybta dhimirka ee carruurta iyo dhalinyarada, qaybta indhaha iyo dhagaha sanka iyo dhuunta.

Isbitaalka waxa kale oo leeyahay qaybata qaabilaada degdega ah. Waxay ku qaabilayaan habeen iyo maalin sanadki oo dhan, hadii degdeg aad u xanuunsato ama dhaawac qatar ah uu ku kaaro.

Xaruntaada daryeelka dhagaha

Hadii aad xanuunsato ama dhaawac fudud ku gaaro waxaad marka hore la xiriiraysa rugta caafimaadka ee xafaadadaada. Skellefteå waxaa ku yaala lix xarumood ee caafimaad.

Xarunta bisha cas

Rugta daaweynta laanqayrta cas ee Skellefteå waxay caawisaa dadka u liita dhaawacyada dagaalka ka soo gaaray iyo jir dilka. Waxay ka shaqeeyaan in ay xoojiyaan dareenka qof ahaaneed ee bukaanka, yareynta calaamadaha walwalka iyo dhaawaca jirdilka kasoo gaara iyo inay hagaajiyaan qiimaha nolosha ee dadka dhibka gaaray.

Caawinaad turjubaan

Hadii aanad ku hadlin ama aanad fahmaynin iswiidhishka waxaa helikartaa turjubaan marki aad xafiis wax ugu baahato. Turjubaanka goodta wuu imaankara ama telfon aya lagala xiriirayaa.

Xiriirka gaadiidka

Masaafada u dhaxaysa magaalooyinka degmada way dheeraan karaan, laakiin jidadka ayaa aad u wanagsan. Badanaa basaska ayaad u raaci kartaa meesha aad doonayso ama meeshaa degentahay. Jida la dhaho Europaväg 4 waxa uu dhexmaraa degmada. Skellefteå waxa ay leedahay garoon diyaaradeed. Waxa uu ku yaalaa meel u jirta magaalada 15 kiiloo mitir. Garoonga waxaa maalinkasta ka baxa diyaarad tagta Stockholm. Safarka waxa uu qaataa hal saac. Garoonka Skellefteå waxaa kale oo ka baxa diyaarado kale uu usocda magaalooyinka kale ee yurub. Waxaa kale oo raaci kartaa tariin maki aad safrysid. Waxaa ka raacaysaa magaalada Jörn ama Bastuträsk, labadooduba waxay magaalada u jiraan xoogaa miil. Bus loo raaco meesha tariinka iyo mataarka diyaaradaha waxaad ka helaysaa bartamaha Skellefteå.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Skellefteå waxay leedahay shaqo aad u balaaran. Ururka degmada kaliyah ayaa ka shaqeeya 8000 oo qofood kana shaqeeya in badan 400 oo shaqo kala duwan ah. Degmada waxay si firfircoon ugu shaqaysaa sidi ay u abuuri lahayd shaqooyin cusub iyo in ay u degmada soo jiitaan shikado badan.

Skellefteå waxaan rabnaa in aan ku siino fikrado wanaagsan oo adiga iyo degmadaba hormalinaya. Hadii aad fikrad ganacsi haysato waxaad heli kartaa caawinaad si aad u furato shirkad aad leedahay. La xiriir dowlada hoose ee Skellefteå si aad warbixin dheeraad ah oo ku saabsan sida aad caawinaad u heli karto.