Umeå

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

In yar markii looga baxo biyo mareenka-Umeå geeskiisa waqooyi-bari halkaa uu biyo mareenka ugu baxa Bottenviken waxaa ku taalo Umeå. Magaalada waxeey magaalo-degan uu tahay gobolka Västerbotten, waana Norrland meesha ugu dhismo badan.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

129231

Cabirla dhulka

5277 kiilomitir oo laba jibaaran

Rådhusesplanaden oo leh basas, guryo iyo dukaano. Muuqaalka ku aadan xarunta tareenada.

Degmada dhamanteed waxaa dagan ku dhawaad 120 000 oo qof. Laakiin dadka dagan waa sii badanooyaan waa sii badanooyaan sanad kasto taasi ee keentay fursado fiican ee waxbarshada iyo kobcin xasillan oo mudo dheer socotay. Ayadoo ee magaalada lee dahay arday badan, sido kale Umeå waxeey ka mid tahay magalada dalka ugu "yar" ayadoo da'-dhexeedka uu yahay 38 sano.

Deegaan

Ma sahlano in guri laga helo Umeå maadama baahida loo qaabo guriyaal ee ka badanyihiin guriyaasha jiro. Isla markaasna magaalada hadafkeedu waxuu yahay in ee badiso dadka dagan marka si kastabo xooga badan waa la dhisaa.

Guryaha qoyska, kuwa gaboobay iyo kuwa da’ yar. Qasabadaha dhismaha meel guryo cusub laga dhisayo.

Shirkada guriyaasha ee degmadeedka AB Bostaden ayaa ugu guriyaal (la kireeysto) badan magaalada. Sido kale shirkada waxeey guriyaal la kireeysto ku lee dahay meelo kale oo degmada ku yaalo, waxaa ka mid ah Holmsund, Obbola, Ersmark iyo Sävar. Xaafadahaas ayaa inta badana ka sahlan in laga helo guriyaal maadama ee safka guriyaasha uu ka gaaban yahay. In guri laga raadsata hadana laga soo safrona degmada dhaw, taasi waa dabcan mid kale oo la dooran karo.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luuqadaha waqooyiga-yurub ma ahane iyo ingriiska koox-luuqadedka ugu weeyn waa af carabi, soomali, tigrinya, dari iyo kuwo kale.

Jaaliyado iyo ururu

Dhowr ururo oo diimeed iyo jinsiyadeed aya jiro laakin sido kalena ururo ka hoowl galo arimo badan. Ku sii dar dhowr urur-waxbarasho.

Meesha lagu ciyaaro iskaaytka oo ay joogaan dhalinyaro sheekaysanaysa oo xarfado ku samaynaya baaskiiladooda. Dhismayaal jaajuur ah oo waaweyn ayaa ka muuqda xagga dambe.

Maxaa ka ag dhaw

Hey'addaha ugu badan iyo adeega bulshada ee kale sidii xafiiska shaqada, xafiiska bulshada, qasnada ceeymiska, xafiiska canshuuraha iyo maktabada-magaalada Umeå waxeey ku wada yaaliin bartamaha.

Rådhuset, guri jaajuur ah oo weyn lehna qayb dheer iyo jardiino banaankeeda ah.

Marka ee ku saabsan tahay ganacsi iyo waxa kale ee ku yaalo bartamaha waxaa jiro ku dhawaad 200 oo dukaaman, carwado badan, maqaayado, biibitoyaal iyo baarar. Qeeybaha bartamaha waxeey lee yihiin soo bandhigid dhaqameed iyo baashaal, waxaa ka mid ah Norrlandsoperan, tiyaatarka, shaleemooyinka iyo mutxafka. Sido kale magaalada waxaa si simaan loogu qabtaa xaflado badan iyo dhacdooyin kale oo arimaha dhaqanka iyo baashaalka.

Bartamaha Umeå oo leh shoobin santar iyo suuq leh ganacsiga suuqa. Dad badan oo ah da’yo kala duwan ayaa dhex socda suuqan ama fadhiya oo ku raaxaysanaya cad-ceeda.

Geeska magaalada waxaa ku yaalo dhowr xarun-iibsi, suuqyaal weeyn iyo dukaamo gaar ah. Returbutik oo degmada kala wado waxuu ku yaala xaafada Gimonäs. Waxaa halkaas lagu gadaa waxyaalaha la isticmaalay ee alaabta guriga, maacuunta, baaskiilo iyo in kale oo badan. Tusaale waxaa uu ah dukaamada kale ee iibiyo gacan-labaadka oo magaalada ku yaalo waa Myrorna, Laanta cas iyo PMU/Pingstkyrkans secondhand.

Umeå waxeey lee dahay goobo isboortig oo badan. Halkaan waxaa laga heli karaa xarumo isboorti oo weeyn oo casri ah ilaa goobo lagu jimcsado oo ka sii yar. Gudaha bogga degmada inta ka hooseeyso qeeybta isboortiga, jimicsiga iyo howlaha dibada waxaa ku jirto warbixin ku saabsan goobaha. Sido kale halkaas ayaa in dheeraad ah oo ku saabsan nuucyada kale ee howlaha dibada iyo madadaaloda gudaha degmada.

Dalyeelka carruurta

Marka ee ku saabsan tahay xanaanada caruurta waxaa jiro in kala duwan oo dorasho, nuucyo iyo xal ah.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Degmada Umeå waxeey lee dahay 49 dugsiyaal hoose oo degmada lee dahay kuwaasi oo uu kala qeeybsan meelo joqraafi ee iskuuleed iyo dhowr iskuulo oo madaxbanaan oo leh jiheeyn kala duwan.

Maagalada waxeey lee dahay afar dugsiyaal sare ee degmada lee dahay iyo dhowr kale la dooran karo oo madaxbanaan. Sido kale waxaa jiro iskuulo si gaar ah uu jiheeysan oo leh diwaangalid-qarameed. Sido kale degmada waxeey wadashaqeeyn la lee dahay iskuulka Lija ee ku yaalo Vännäs. Intaan oo dhan markii la isku daro waxeey keeneeysaa in ardayga uu fursado badan uu lee yahay in uu doorta waxbarashada sax uu ah.

Furadaha waxbarasho

Umeå waxaa ku taalo labo jaamacad. Mid waa Jaamacada Umeå oo sido kalena ee ka tirsan yihiin sideed qeeyb-jaamacadeed. Sido kale halkaas waxaa lee dahay Korta vägen oo ah waxbarasho dhameeystirid ah oo loogu tala galay jaamaciinta ajnabiga. Sido kale jaamacada Umeå waxeey lee dahay mid ka mid ah dalka waxbarashadiisa-boolinimada. Magaalada jaamacadeeda labaad waa Jaamacada Iswiidhan ee beeraha oo halkaas waxaa ka mid ah oo wax lagu baraa aqoonyahanada-ugaarsiga.

Bogga degmada ee loog utala galay waxbarshad dadka waa weeyn waxaa ku jirto warbixin ku saabsan komvux, koorssoyinka-masaafad, waxbarashada sare xirfadaha shaqada iyo waxbarashada shaqooyinka iyo in kale. Bogga loog utala galay Barashada iswiidhishka loogu galay ajnabiga, sfi, waxuu ku hoos yaala Bogga Viva Komvux. Sido kale waxaa jiro dugsiyaal dadka waa weeyn loogu tala galay oo agagaarka ku yaalo.

Läs mer om vuxenutbildning på:

Caafimaadka

Degmada Umeå waxaa ku yaalo isbitaalka-jaamacada ee Norrland, dhowr rug caafimaad iyo daryeelka ilkaha ee dad weeynaha.

Caawinaad turjubaan

Fursad lagu helo turjumaan ayaa qofka loo soo bandhigaa markii uu xariir la lee yahay hey'addaha. Hey'addo badana waxeey lee yihiin warbixin badan oo ku qoran luuqado kala duwan.

Xiriirka gaadiidka

Isgaarsiin leh tayo fiican waxaa la lee yahay aduunka, gobolka iyo magaalada gudaheedba. Umeå Airport waxuu bartamaha Umeå uu jiraa lee afar kilomitir. Safarka badankiis waxuu dhaxeeyaa Umeå iyo Stockholm ayadoo maaliintaba marar badan duulimaad baxo, laakin sido kale meelo kale waa tagaan duulimaadyo dalka gudihiisa iyo dibaadisaba ah.

Marka ee ku saabsan tahay jidka-tareemada, Norrtåg ayaa kala hago gaadiidka-shakhisyeed ee ku socdo waqooyiga iyo gudaha dalka, laakin gaar ahaan midka koonfurta ku socdo ee ag maraayo xeebta-Norrland. Waxaa jiro tareen-dheereeyo oo tago Örnsköldvsik iyo Sundsvall ayadoo fursad loo lee yahay in safarka lagu sii tago tusaale ahaan Stockholm.

Gaadiidka dadweynaha ee degmadan

Rakaab jooga boosteejada oo tareen u raacaya Sundsvall.

Bogga gaadiidka-gobolka ee loogu tala galay isgaarsiinta guud tabussen.nu ayaa lagu aruuriyaa waxii warbixino ah iyo jadwalka-socdaalka oo loogu tala galay gaadidka-gudaha iyo basaska-gobolada. Intaas waxaa uu sii dheer jidadka-yrurub E4 iyo E12 Umeå halkaasi ee midka danbe uu xariir-doomeed la lee yahay Vasa ee ku taalo Finland.

Shaqo iyo ganacsi

Shaqo-bixiyayaasha ugu weyn ee dawladeed gudaha degmadan waa Maamulka degmada Umeå, Maamulka caafimaadka Västerbotten Gobolka Västerbotten iyo jaamicada sare ee Umeå. Waxaa intaasi dheer in xiriirka gaadiid ee fiican dartiis ay jirto fursada in shaqo loogu safro degmooyinka u dhow sida Örnsköldsvik, Vännäs, Vindeln.

Waxaa jiro, lagana furuuyo shirkada cusub Umeå. Laamaha sii kobcaayo waxaa tusaale ahaan warbixinta-teknoloojiyada IT iyo isgaarsiinta-telefoonka, waxbarashada, cilmi baarista iyo qeeybta adeega ee gaarka ah.