Vännäs

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Ku soo dhwaaw xasuusta soo dhawaynta Vännäs, nolosheda firfircoon iyo fikradaheeda kala duwan. Hadii aad raadinayso madadaalo, waayo aragnimo, fursad waxbarasho ama aad raadinayso meel u wanaagsan in ay qoyskaadu dagaan, magaalada Vännäs ayaa ku anfacaysa.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

8902

Cabirla dhulka

554 kiilomitir oo laba jibaaran

Vännäs waxa ay ku taala bartanka gobolka Umeå oo ka kooban 6 degmadood oo iskaashato, Umeå waa bartanka sida dabiiciga ah. Vännäs waa magaalo la isku socdo, taas oo macnaheedu yahay in ay xiriir wanaagsan la leeyihiin gaadiidka degmooyinka ku xeeran.

Hadii aad degan tahay halkan waxaa haysataa adeega dadwaynaha oo kugu filan. Fusadaha waxbarasho laga bilaabo xanaanada carruurta ilaa heer jaamacadeed iyo tayada nolosha, wax kasta sida amniga bulshada oo ku haboon qoysaska carruurta haysata, ilaa iyo wax yaabaha la isku maaweeliyo iyo dhaqanka ee magalada ee Umeå oo soo jiidata dad badan oo dhalinyaro ah iyo arday.

Deegaan

Vännäs waxa ay leedahay meelo badan oo la dego guryaha kirada, guryaha kaashatada, vilooyin iyo dhismo cusub. Hadii aad raadinayso vilo waxad la xiriiri kartaa mid ka mid ah wakiilada guryahay ee gobolka Västerbotten. Shirkada guryahay ee Vännäs, VÄBO, waa shirkada guryaha ee Vännäs. Waxay maamushaa qiyaasti guryo gaaraya 400 oo Vännäs iyo agagaarkeda kiro loogu jiro. Degmada Vännäs waxaa kale oo ay leedahay shirkado gaar loo leeyahay oo laga kiraysto gurlayaha.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luqadaha afka hooyo ee iminka laga dhigo waxa ay kala yihiin luqadaha soo socda: af carabiga, af ingriiska, afka finlandeeska, af shiineeska, afka meänkieki, afka birishiska, af soomaaliga, af isbaanishka, afka koonfurta samiyiinta, af taylandeeska, af jarmalka iyo afka umesamiska. Dadka waawyn ee magaalada u soo guuray luqadado kale ayay ku hadlaan sida af tigreega, af amaxaariga iyo afka faransiiska.

Jaaliyado iyo ururu

Vännäs waxa jira qiyaasto 150 jaaliyadoos oo firfircoon oo ay ku jiraan wax kasta laga bilaabo ciyaaraha ilaa iyo dhaqanka. Hadii aad raadinayso wax gaar ah waxaad ka raadin karyaa mesha jaaliyada laga diiwaan galiyo. Vännäs waxa ku yaala ururu diineed ku xiran kaniisada swidhishka. Umeå waxaa ku yaala marki laga reebo kaniisada swidhishka, ururka muslimiinta swidhishka ee Umeå iyo kaniisada katooliyiinta.

Maxaa ka ag dhaw

Bartamaha Vännäs waxad ka helaysaa dukaamo cunto, dukaamo dhar, farmashiye, dukan yar oo alaabta lasoo isticmaalay lagu iibiyo, maktabad, maqaayad iyo maqaayad shaah. Adeega bulshada sida xafiiska shaqada, xafiiska bulshada iyo kuwa dadka cusub soo dhaweeya oo iyaguna meel dhexe oo raaxo badan ku yaala. Hadii aad doo nayso warbixin ku saabsan degmada booqo websidka wayn ee degmada Vännäs.

Umeå waxaad ka helaysaa wax kasta oo aad magaalo wayn ka heli karto, iyo waxa sii dheer xafiiska canshuurta, xafiiska caymiska iyo xafiiska hay'ada laanta socdaalka. Websidka magaalada Umeå iyo naaxigeeda wada leeyihiin waxaad ka heli kartaa laga bilaabo jadwelka dhacdooyinka macluumadka ilaa iyo warbixinta dhaqanka, khariidado iyp waxyaabo kale oo ad samayn kartid.

Dalyeelka carruurta

Vännäs waxa uu kugu soo dhawaynayaa adiga iyo cunugaaga dalyeelka caruurta oo aad u wanagsan oo la xiriira xanaanu aad u shaqaysa, meesha carruurta lagu haayo marki ay firaaqada leeyihiin iyo hawlaha qoyska iyo xarunta qoyska oo ku dhex yaala rugta daryeelka carruurta, rugta daryeelka hooyooyinka, barbaarinta carruurta ee furan iyo lataliyaha qoyska. Halkan waxaad ka heli kartaa xanaanooyinka.

Barbaarinta carruurta ee furan waad aadi karta marki aad cunugaaga guriga la joogto si uu cunuga uga qaybqaato caqabadaha waxbarasho ee meesha ka jira, waxaa meesha jooga oo kale macalinka barbaarinta carruurta.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Vännäs waxa ku yaala lix dugsiyada degmada ah iyo mid kaar loo leeyahay. Kuligood F-6 iskool ee degmada waxay leeyihiin meesha carruurta lagu haayo marki ay firaaqada leeyihin. Iskoola Lilja oo ah dugsiga sare ee Vännäs, waana dugsiga sare ee labaad ee ugu wayn degmada Umeå iyo nawaaxigeeda. Waxaa dhigta arday gaaraysa 1200 oo arday oo ka kala yimaada degmooyinka oo dhan iyo dalka intiisa kale.

Furadaha waxbarasho

Waxbarashada dadka waaweyn oo ku jirta luqada dadka ajnabiga ah sfi waxaa ku hawlan iskoolka Lilja. Sfi ka bacdi waxa akhrisan kartaa luqada labaad dadka ay u tahay iswiidhishka. Iskoolka Lilja waxaa kale oo hayaa barnaamijyo kale oo badan, kuwa xirfada gacanta ah iyo kuwa akhriska ah. Ardayda dhan ee akhrisata sfi waxa ay heli karaan lataliyi ka caawica waxbarashada iyo shaqaba. Strömbäcks folkhögskola waxa uu ku yaala meel jirta 5 mil marki laga tago Vännäs iyo jaamaca Umeå oo haysata 36 000 oo arday oo ka kala timid dunida dacaladeeda, kuna taala meel ku haboon Umeå.

Caafimaadka

Vännäs waxay leedahay rugta caafimaadka ee degmada iyo daryeelka ilkaha. Waxa kale oo ku yaala deelyeelka ilkaha oo gaar loo leeyahay. Daryeelka bukaanka degdega ah iyo bukanka daryeelka khaaska ah u maahan waxa loo diraa NUS, Norrlands isbitaalkiisa jaamacada.

Caawinaad turjubaan

In aad hesho fursad turjumaan waxaad ka heli karaa xafiisyasha oo dhal iyo hay'ahada dowlada.

Xiriirka gaadiidka

Tariinka iyo baska u dhexeeya Vännäs iyo Umeå joogto ay u baxaan ayaga oo gaaraba 30 jeer maalinti maalmaha shaqada. Tariinka waxa uu qaadanayaa 25 daqiiqo baskana 35 daqiiqo ama ka badan waxay ku xirantahay marka socodka. Badankood waxa ay maraan bartanka Umeå ilaa NUS Norrland isbitaalkiisa jaamacada.

Garoonka diyaarada ee Umeå waxa ay jirtaa qiyaasti 3,5 mil, hada waxaa ka shaqeeya Umeå Stockholm seddax diyaaradood. Waxay qaadanaysaa wax saacad ka yar in loo duulo Stockholm. Intaa marki laga reebo waxa kale oo ka baxo Umeå diyaarado kale oo aado wadamada kale ee Europa.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada ama meelaha la iskugu socdo waxaa ka jira shaqo bixiyayaal yar yar iyo waaweynba leh. Shaqooyinka jira ee la codsankaro waxad ka helaysaa oo lagu soo bandhigaa meesha ay ku qorantahay shaqooyinka banaan. Websidka degmada waxaad ka helaysaa warbixin ku saabsan qofka doonaya in uu furto shikad.