Vilhelmina

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Vilhelmina waxeey ku taal gobolka Västerbotten ee Lappland. Degmadu waxaa degan dad gaaraya 7200. Laba meelood meel dadkaas waxeey deganyihiin bartamaha degmada.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

6667

Cabirla dhulka

8741 kiilomitir oo laba jibaaran

Sawir diyaarad lagaga qaaday korka Vilhelmina oo magaaladu dhexda ku taalo iyo biyo ka xigga labada dhinacba.

Degmada Vilhelmina waxeey 70 mayl u jirtaa magaalada Stockholm, 38 maylna waxeey u jirtaa Luleå, 115 mayl waxeey u jirtaa Göteborg, 130 maylna waxeey u jirtaa Malmö. Marka laga reebo buuraha iyo jawiga fiican waxeey degmadu leedahay meelo badan oo loo daawasho tago. Meelahaas waxeey ku xasuusinayaan wakhtigii degmadu aheyd min aanan laheyn waddooyin, wakhtigaas oo eey dadka saamerka iyo fuundiyaasha isku meel ku noolaayeen.

Deegaan

Shirkadda ugu weyn ee dhinaca guryaha waa midda eey degmadu leedahay ee Vilhelmina bostäder, VIBO. VIBO waxeey maamushaa guryo tiradoodu tahay 700. Haddii aad rabtid inaad saf u gashid guryaha ama hadaad rabtid inaad warbixin dheeraada ogaatid waxaad booqataa boggooda internetka.

Sawir diyaarad lagu qaaday oo laga akro guryaha qoyska ee ku dhereran Strandvägen gudaha Vilhelmina.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada waxaa looga hadlaa luqado badan sida, af-soomaali, tigree, siirilaankees, burmees, daari, carabi, amaxaari, af-ruush, isbaanish, sawaaxili, iiraani iyo ingiriis.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Vilhelmina waaxaa ku yaal kaniisada Svenska kyrkan, Pingstkyrkan, ururka madaxa bannaan ee Vilhelmina, Missionskyrkan, Frälsningsarmén iyo ururka islaamka. Ururka islaamka waxuu wadaa dugsi quraan waxuuna masaajid ku leeyahay xaafadda "Trissen". Degmada Vilhelmina waxeey leedahay dhaqan soo jjireen ah oo ah dhinacyada tiyaatarka, muusikada, hiddaha iyo dhaqanka iyo kuwo kale. Warbixin dheeraada oo ku saabsan hiddaha iyo dhaqanka waxaad ka heleysaa bogga internetka Wilmakultur. Isboortiska wax weyn ayuu ka yahay degmada. Waxaa ku yaal garoomo badan oo isugu jiro kubadda cagta, kuwa barafka, kuwa ulaha barafka, kuwa dabbaasha iyo kuwo kale.

Maxaa ka ag dhaw

Bartamaha Vilhelmina waxaa ku yaal dukaamo badan, labo kamid ah dukaamadaas waa kuwa cuntada, farmashiiye iyo xafiiska degmada. Guriga ummada xattaa waxuu ku yaal bartamaha waxaa kaloo ku yaal meesha meel lagu dabbaasho iyo meelo lagu cunteeyo laguna damaashado, shineemo iyo maktabad eey yaallaan buugaag, joornaallo iyo kombiyuutar internetka aad ka isticmaali kartid. Xaafadaha gudaha degmada ku yaal waxaa ku yaal dukaan gacan labaad oo lagu gado dhar iyo maacuunta guriga oo qiimo jaban. Bartamaha degmada waxaa kaloo ku yaal xafiiska shaqada, xafiiska cashuuraha iyo xafiiska ceymiska.

Dalyeelka carruurta

Degmada Vilhelmina waaxaa ku yaal 10 xanaanda carruurta ah oo eey degmadu maal galiso, mid eey iska kaashadaan waalidiinta iyo gaar loo leeyahay. Ardayda dhigta fasalka 1-5 waxaa lageyn karaa afar guryaha xilli firaaqaha ah oo degmadu leedahay, waxaa kaloo jira guri xilli firaaqeedka la dhaho Prästkragen oo eey kaniisada Svenska Kyrkan leedahay, ciyaalkana la geeyn karo waqtiyada iskoolka uu xiranyahay. Dhalinyarada da'doodu tahay 13 illaa 20 sano waxaa loo hayaa beerta xilli firaaqaha oo furan galbihii iyo habeennadii.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Dugsi hoosedhexe waxeey ku yaallaan goobo badan oo degmada ka tirsan. Mid waa kuwa gaarka loo leeyahay laakiin iskoollada kale waa kuwo dowladeed. Xaafadaha degmadaoo eey iskoollada 1-6 ku yaallaan waxaa la dhahaa Volgsjöskolan iyo Hembergsskolan oo leh fasallada 7-9. Iskoolka gaarka loo leeyahy waxaa la dhahaa Strandskolan. Iskoolka waxaa maamusho ururka madaxa bannaan ee degmada Vilhelmina waxuuna baraa ardayda dugsiga xanaanada illaa kuwa fasalka 9.

Waxbarashada dugsiga sare iyo howlihiisa waxaa maamulo iskoolka Malgomajskolan. Iskoolka waxuu leeyahay 8 barnaamij waxbarasho ah iyo hal barnaamij oo loogu tala galay dadka maadooyinka qaar aanan dhameyn.

Furadaha waxbarasho

Waxbarashada dadka waaweyn waxaa lees kugu keenay hal meel, Vilhelmina Lärcentrum. Meeshaas ayaa qorshaha waxbarashada dadka waaweyn, sida loo billaabo ganacsi shirkadeed, waxaana jira jaanisyo waxbarasho oo aad idigoo gurigaada jooga ka akhrisan kartid jaamacadda Umeå.

Muuqaalka jidka oo leh guryo alwaax ah oo fiican oo qadiimi ah lehna midabo kala duwan dhanka bidixda iyo jidka ka horeeya ee aada bartamaha magaalada.

Caafimaadka

Degmada Vilhelmina waaxaa ku yaal rug caafimaad, xarunta xanaanada hooyada iyo dhallaanka iyo rugta ilkaha. Isbitaalka ugu dhow waxuu ku yaal degmada Lycksele oo 12 mayl u jirta degmada Vilhelmina. Isbitaalka weyn ee degmada Umeå waxeey degmada u jirtaa 24 mayl.

Caawinaad turjubaan

Turjubaan waa kuu diyaar marka aad booqaneysid xafiisyada dowladda.

Xiriirka gaadiidka

Bas ayaa ku tagi kartaa degmooyinka gobolka oo dhan, ka akhriso basaska boggooda internetka wakhtiyada eey baxaan basaska kala duwan. Wakhtiga xagaaga waxaa degmada Vilhelmina ka shaqeeya tareenka oo isku goosho degmooyinka Kristinehamn ee koofur illaa degmada Gällivare ee waqooyi. Laba mar isbuucii ayaa baska Lapplandspilen​, aadaa Stockholm.

Madaarka Vilhelmina waxuu degmada u jiraa 12 km, waxaana ka baxa diyaarado toos u taga Arlanda.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada waxaa ganacsigoodu xoogan yahay shirkadaha yaryar iyo dalxiiska oo qarash fiican soo galiya degmada. Caafimmadka waxaa looga baahanyahay shaqaale. Magaalooyinka waaweyn ee u dhow degmada sida loogu safro weey fududahay.