Vindeln

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Vindeln waxaa dagan ku dhawad 5 400 oo qof, halkaan sii fiican ayaa uga helnay. Degmada waxeey sii fiican ugu haboon tahay qooyska caruurta leh, waxaana uu shaqeeyna jawi shirkadeed oo fiican dartiis oo leh koncsin.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

5401

Cabirla dhulka

2847 kiilomitir oo laba jibaaran

Degmada Vindeln iyo jawiga shirkadeeynta waxeey si wada jir ah uu soo saareen Aragtida Mustaqbaleed ee 2020: "Vindeln waa degmada goobaha-Umeå ugu fiican qooyska caruurta leh iyo shirkadleeyaha. Halkaan waxaan si wada jir ah uga abuureeynaa kobcin sii joogto ah oo la mideebsan bey'ad nololeed oo nabad ah, caafimaad leh iyo fikrado cusub."

Deegaan

Degmada Vindeln waxeey lee dahay shan xaafado oo leh dhismooyin: Vindeln, Hällnäs, Tvärålund, Åmsele iyo Granö. Xaafada-bartamaha waa Vindeln oo ay degan yihiin 2500 oo qof. Shirkada guriyaasha ee degmada VIBO waxeey lee dahay ku dhawaad 250 guriyaal la kireeyo oo ku qeeybsan xaafadaha dhisan dhamaantood. Safka guriyaasha waa mid gaaban markii loo fiiriyo meelo kale. Sido kale waxaa jiro guri kireeyaal oo madaxbanaan.

Qaxootiga-taabo galinta badankood waxeey degan yihiin, waxbarasho ku dhigtaan hadda xaafada-bartamaha ee Vindeln.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada Vindeln waxeey lee dahay kooxo-luuqadeed oo badan ayaa ku matalan. Iswiidhishka iyo ingriiska ma ahane, waxaa looga hadlaa carabi, iyo dari/afka iraan oo dad badan oo meesha dagan ku hadlaan. Luuqado kale ee meesha ku matan waxaa ka mid ah tigrinya, afka turkiga iyo afka bashto.

Jaaliyado iyo ururu

Waan ku faraxsanahay jawigeena urureed ee balaaran. Halkaan waxaa ka jiro inta badana waxaa ka mid ah isboortiga, toliinka, tiyaatarka, sawirka iyo ururka heesaha. Balaarka dariis ayaa keeno in dadka badana helaan wax ee ayaga hami uu hayaan.

Ardayda ku jirto da'da iskuulka waxeey lee yihiin fursado ee ku helaan caawimaad-layli oo lagu siinaayo afkooda, masaafad-safareedna waxaa ku yaalo ururo kale ee jinsiyeed iyo diimeed, waxaa ka mid ah ururka Muslimiinta iswiidhishka ee Umeå.

Vindeln waxeey taajir ka tahay barashada-dadka ayadoo leh dhowr ururo-waxbarasho. Kuwaani waxeey uu shaqeeyaan sidii goobo-kulan, waxeeyna habeeyaan oo ka mid ah biibito-luuqadeed, dabaal loogu tala galay dumarka, koorsooyinka-beerashada iwm.

Haddii aad dooneeyso in aad la kulanto asxaab cusub ee degan Vindeln waxaad ka qeeyb qaadan kartaa Vän i Vindeln. Markaasi waxaad heleeysaa saaxiib/saxiib-reered oo ka caawin karo in aad soo gasho bulshada.

Maxaa ka ag dhaw

Bartamaha bulshada raaxada leh ee Vindeln waxaa ka heleeysaa dhowr dukaamo, laga bilaabaa dharka iyo kobaha, ilaa biraha-, midabka iyo dukaamada dhisamaha. Waxaa jiro laba dukaan oo maalin kasto laga adeegan karo, ICA iyo Coop Konsum oo xataa gado hilib xalaal ah. Alaab guri iyo maacun rakhiis ah waxaa ka mid eh oo ka gadan kartaa Lions loppis iyo dukaanka-celinta Retrå ee degmaded. Xafiiska shaqada, qaabilaada qaxootiga iyo xafiiska bulshada waxey ku yaalin bartanka bulshada. Maktabada waxaa yaalo buugaag ku qoran luuqao badan oo kala duwan haddii aad doneeyso wax gaar ah shaqaalaha ayaa uu furfuran in ee ku siyaan talo.

Bartamaha hoowlaha-isboortiga waxaad ka heleeysaa Fritidscentrum oo ku yaalo bartamaha. Waxaa ka mid ah oo halkaask ku ciyaari kartaa kubada gacanta, basket, tennis, kubada ciyaarta volley iyo badminton. Goobta-dabaasha waxeey uu furan tahay dadka dhamaantood, xilliyada qarkood waxeey uu xiran tahay lee dumarka. Sido kale waxaa jirto koox-faras raacid oo bartamaha uu jirto 3 kilomtir, haddii aad taqaano ama dooneeyso faras raacid. Haddii aad dooneeyso in ad raacdo barafka waxaa jiro goota-barafeed ee fiican Buberget.

Si aad uu hesho hoowlo iyo dhacdo ka jiro Vindeln waxeey ku wada jiraan bogga dalxiiska gudaha Vindel Visit Vindeln. Goobaha-Umeå oo dhan howlaha ka jiro iyo dhacdooyinka waxeey ku jiraan Visit Umeå.

Vindeln waxeey masaafad-safared uu jirtaa Umeå oo leh bandhigid magaalo weeeyn ee xagga dukaamada, xafiiska canshuuraha, qasnada ceeymiska iyo hey'adda socdaalka iyo in kale.

Dalyeelka carruurta

Vindeln canugaada waxuu ka helaa hoowlo sii fiican uu dhisan oo loogu tala galay xanaanda caruurta oo leh lix dugsiyaal xanaano, shan guri-xilli firaaqo iyo kuwo gaar ah oo la dooran karo. Qofka boos uga baahan xanaanada-caruurta dhaqso ayaa loo fiirinaa ariintaas asagoo uu safka yahay mid xili-sugid ee gaaban leh.

Haddii aad guriga la joogto canuggada waxaa jirto xanaanada-furan oo ku taalo isla guri oo ku yaalo sfi:ga, halkaasi oo adiga iyo canugaada kula kulmi kartaan waalid iyo caruur kale, ka qeeyb qaadan kartiin howlo kala duwan hadana ka shaaheeyn kartiin.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Degmadeena waxaa ku taalo lix dugsiyaal hoose. Labo ka mid ah waxeey ku yaalin bartamaha-xaafada. Caruurta dalka ku cusub waxeey fursad uu lee yihiin in marka hore ee iswiidhishka ku bartaan fasalka caalmiga ee ku yaalo xaafada-bartamaha, kadibna ee dhigan karaan fasal caadi ah oo ka tirsan dugsiga hoose.

Caruurta dhamaantood waxeey heleeyaan waxbarashada dabaasha laga bilaaba fasalka 3aad. Sido kale waxaa jiro iskuul-heeso oo degmada lee dahay oo aad halkas ka heesi kartid ama ka ciyaari kartid qalabka heesaha.

Ma lihin dugsi sare ee gaar ah, ee ardaydeena ku jirto dugsi sare ee ka socoto Vindeln waxeey doorteen in waxbarshada ka dhigtaan iskuulka gaar ahaan ku yaalo degmooyinka Umeå iyo Vännäs. Ardayda badankood bas ayee raacaan, degmada ayaa ka dhiibto kaarka baska ku socdo, kana socdo iskuulka.

Furadaha waxbarasho

Waxaa jirto xarun-waxbarasho oo qurxoon oona ku taalo bartamaha Vindeln, halkaasi aya lagu qabtaa waxbarshada dadka waa weeyn. Halkaan waxaan ku soo bandhigaa kartnaa waxbarashada dadka waa weeyn ee gaarka ah, waxbarshada heer asaaska, heerka dugsi sare iyo waxbarasha iswiidhishka oo heerarka dhamantood leh. Qaxootiga-taabo galinta waxaa laga caawin karaa iska wargalinta barashada iswiidhishka ayadoo la adeegsanaayo qaabilaada-qaxootiga, la xariir isku-xidhaha arimaha qaxootiga.

Sido kale waxaa jiro dugsiga dadka waa weeyn oo waxa uu lee yahay waxaa yimid waxbarashada toliinka iyo waxbarashada jimicsiga iyo caafimaadka. Jaamacada Umeå oo leh 36 000 oo arday ayaana halkaan masaafad safareed dhow jirto.

Barshada-bulshada lagala shaqeeyaa goobaha-Umeå. Waxbarshada waxaa lagu qabtaa Vindeln, Umeå ama masaafad-dhigasho oo laga daawanaayo kaamiro.

Caafimaadka

Gudaha Vindeln waxaa laga helaa gobolkan rugtiisa caafimaadka. iyo daryeelka ilkaha ee dadweynaha. Dhanka daryeelka bukaanka ee deg-degga ah iyo daryeelka takhasuska ah waxaa lagula talinayaa Isbitaalka Jaamicada Norrland (NUS).

Caawinaad turjubaan

Markasto aad xariir la yeelaneeysid degmada ama hey'ad dowladeed waxaad adiga, oo ah qofka iswiidhiska uu san aheeyn afkiisa hooyo, waxaa xaq uu lee dahay turjumaan.

Xiriirka gaadiidka

Vindeln waxeey lee dahay isgaarsiin bas iyo tareen. Boosteejo-tareemeed ayaa kutaalo Vindeln, Tvärålund iyo Hällsnäs. Waxeey qaadataa 40 daqiiqo oo tareen ah iyo 50 daqiiqo bas ah in lagu tago Umeå. Xiliyada-socdaalka basaska iyo tareenka ka fiirso tabussen.nu.

Umeå Airport waxuu jiraa ku dhawaad 6 mayll. Hada sadax shirkado oo duulimaad ayaa ka hoowl galo safarka uu dhaxeeyo Umeå iyo Stockholm. Waxeey qaadaneeysaa in ka yar saacad in diyaarad lagu tago Stockholm. Intaas waxaa uu dheeraad ah, duulimaadyo-dibadeed oo ko socdo meelo badan oo yurub ku yaalo ayaa looga duuli karaa Umeå.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada waxeey ka mid tahay shaqo dhiibaha ugu weeyn ee Vindeln ayadoo ee ka shaqaaleeysan yihiin 530 shaqaale. Waxaa baahi loogu qabaa shaqaale kale oo badan oo ka hoowl galo qeeybo badan, waxaa ka mid ah daryeelka. Shaqooyinka ka banaan degmada Vindeln waxeey ku jiraan bogga degmada.