Västernorrlands län

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Ku soo dhawaaw Västernorrland, oo ah gobol leh dabiicad kala duwan iyo dhaqan badan. Halkaan waxaa dagan ku dhawaad 240 000 oo qof, oo ku kala nool degmooyinka Sundsvall, Timrå, Härnösand, Sollefteå, Kramfors, Ånge iyo Önsköldsvik. Gobolka waxuu lee yahay jiqooyin waa weeyn, xeeb dheer ee dhanka bada Botten iyo sadax biyo mareen ee waa weeyn; Ljungan, Biyo mareenka indals iyo biyo mareenka Ångerman.

Map of Sweden Created with Highcharts 10.2.1

Degmooyinka ku yaala Västernorrlands län

Dooro degmada ah Västernorrlands län ee aad doonaysid inaad wax dheeraad ah ka akhrisato xagga hoose

Xaalada guryaha

Xaalada degaan waa fiican meelaha kale markii loo fiiriyo sababtuna waxeey gobolka tobankii sane ee ugu danbeeyay dadka ayaa ka yaraaday. Guriyaasha la kireeysto ee bartamaha ku yaalo xooga waa ku yaryihiin inta banaan, degmooyinka dhamaantoodna waxaa ka jirto baahi oo loo qabo dayactir iyo qalabeeynta guriyaasha. Ayagoo ee dadka da'ooda sii weeynaaneeyso waxeey keeneysaa in baahida loo qabo guriyaal habeeysan in ee korto. Jidka Botnia waxuu mecno weeyn ugu fadhiyaa isgaarsiinta iyo kala badalashada ee gudaha gobolka. Safarka uu dhaxeeyo Umeå iyo Örnsködsvik waa sii batay sido kalena midka ku socdo Sundsvall. Sido kalena waa labada meel ee dhisida guriyaasha ee ugu bateen.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye<<<<<<<<<<<<<<<<<<<

Västernorrland waxaa laga helaa shirkado badan oo noocyo kala duwan ah. Waxaa jira shirkado gaboobay iyo kuwa waaweyn dhanka wax soo saarka duurka iyo warshadaha tamarta sida tusaale ahaan SCA iyo Eon. Laakiin waxaa xitaa jira shirkado badan oo cusub kuwaas oo ka shaqeeya dhanka cilmiga kombiyuutarada iyo isgaarsiinta sida tusaale ahaan Com Hem iyo Telia. Degmooyinka iyo gobolku waa shaqo-bixiyayaasha ugu weyn ee u xilsaaran dhanka daryeelka caafimaadka, xanaanada iyo isgaarsiinta. Shirkado sii badanaya ayaa ka samaysmaya gobolkan, badanaaba waxay sameeyaan adeegyo loogu talogalay shirkadaha iyo dadka baraayfadka ah.

Jaaliyado iyo ururu bulshada rayidka ah

Muwaadiniinta dalka ku cusub ayaa leh mahadaa in ay korodhay tirada dadka ku nool Västernorrland. Waa markii ugu horeysay muddo dheer. Waxaa socota hawl badan oo la doonayo in dadka dalka dibediisa ku dhashay loo fudeydiyo inay ku noolaadaan oo ka shaqeeyaan halkan. Si wadajir ah ayaa ururada, qaybta ganacsiga, degmooyinka iyo gobolku uga shaqeeyaa sidii loo qaabili lahaa dadka dalka ku cusub qaab leh qiimo, sax ah sharciyan oo bani'aadanimo ku dhisan. Tusaale ka mid ah waa in Västernorrland sanadkii 2011 ay dalka ugu horeysay inay ahayd gobol dhamaan degmooyinkeedu ay qaabileen caruurta qaxoontiga ee keligood yimi.

Iskoolaad iyo waxbarasho

Jaamacada Iswiidhan ee ugu da'da yar, Jaamcada Mitt waxeey ku taala Västernorrland. Waxaa la asa'aasay 2005, waxeeyna goobo ku lee dahay Sundsvall, Östersund, Härnösand iyo Örnsköldsvik. Halkaan waxaa joogo macalamiin, cilmi baarayaal iyo arday kakala timid Iswiidhan iyo dalal kala. Waxaa lee dahay waxbarashada teknoolijada-isboortiga, farsamada cilmiga noolaha iyo deegaanka, waxbarashada saxaafada ee dhanka sawirarada iyo waxbrashada heerka masterka ee dhaqaalaha oo caalami ah.
Halkaan waxaa ka jiro waxbrasho ee dhanka waxbrashada bulshada, cilmiga, farsamada iyo baniaadanka. Jaamacada Mitt waxeey ka mid ah jaamacadaha Iswiidhan ugu horeeyo dhanka waxbarashada masaafada. Waxbarashooyinka masaafada qarkooda marmar ayaa la isku imaada, kuwo kalena qarkood waxaa lagu dhigtaa lee ayadoo la adeegsanaayo tageerada elegtrooniga ee casriga.

Daryeelka bukaanka

Gobolkan ayaa gacanta ku haya daryeelka bukaanka ee gobolkan. Västernorrland waxaa ku yaala saddex isbitaal. Isbitaalka gobolka ee Sundsvall ayaa qaybo ruggo qaabilaad ku leh Härnösand, isbitaalka Sollefteå iyo isbitaalka Örnsköldsvik. Isbitaalkan waxaa laga helaa qaybo qaabilaad, waaxo iyo hawlo kala duwan.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Västernorrland waxeey taajir ka tahay dhaqanka, fursado badan ayaa loo heli karaa hoowlaha xilliga firaaqada. Härnosand waxaa ku taalo shirkada caanka ee ciyaarha, Norrdans, ayadoo la adeegsanaayo Svenkonst Västernorrland ayaa la soo saaraa heeso, riwaayado, ciyaaro iyo filimaan. Sido kale Västernorrland waxeey caan ku tahay dabiicadeeda qurxoon ee waxyaalaha badan leh, goobaha weeyn ee jiqda, biyo mareenka ee iftiinka ah iyo dhul dhaqameedka. Xeebta Höga ee gaarka uu ah waxeey ka tirsan tahay meelaha Iswiidhan ee aduunka taarikh ku leh. In ku filan oo keeyd dabiica ah ayee lee dahay iyo jasiirado badan oo leh xayawaano iyo geedo kala duwan.