Ånge

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Ånge waxaad ka degnaan doontaa bartamaha Ljungandalen ee dabiicada qurxoon. Waxaad dagi karta tuulo sii yar ama xaafadaha dhisan mid ka mid ah. Isgaarsiinta tareenka daraadeed waxaad Sundsvall iyo Östersund ku tagi karaa hal saac.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

9411

Cabirla dhulka

3296 kiilomitir oo laba jibaaran

Qof taagan loox ku dhinac yaal haro biyo ah oo kaluumeysanaya. Waa maalin cad-ceed jirto oo biyuhu way dhalaalayaan.

Hoowlaha xilliga firaaqada iyo dhaqanka waa sahlan tahay in laga qeeyb qaato. Xilliga xagaaga waxaa jiro jidad lagu wareego, goobo dabaal iyo jiqaq oo taajir ka ah miraha iyo waariga. Kaluun ku jiro wabiyaasheena iyo mareenka biyaha markasto waxaad ka heleeya kaluun. Jawi urureed oo badan oo lehna heeso, tiyaatar iyo dhaqamada farsamada gacmaha waa waxyaalo fiican oo laga helo maalinta. Ururo isboorti oo firfircoon waxeey keenaayaan in dhalin yarada iyo waayeelkaba fursad weeyn uu yeeshaan xilliga firaaqo oo firfircoon mudada xagaaga iyo jilaakaba.

Deegaan

Shirkadaha guriyaasha ee degmada Ånge Fastighets- & Industri AB waxeey soo bandhigeeysaa degaan ku yaalo xaafadaha guriyaasha isku tixan ee ka dhisan degmada.

Sido kale waxaa jirto fursad laga kireeysto guri shirkad guri oo madaxbanaan. Warbixin dheeraad oo taasi ku saabsan waxaad ka heleeysaa bogga degmada. Qaxootiga dalka ku cusub waxaa guri helida ku caawinaayo iskuxidha-is dhexgalka ee joogo xafiiska arimaha hormarinta degmada Ånge.

Guri leh saddex dabaq.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Af carabi iyo dari ayaa koox-luqadeedka ugu weeyn. Dhowr kale ee koox-luuqadeed waa joogaan.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Ånge waxeey taajir ka tahay jawiga ururada marka ee ku saabsan tahay arimaha isboortiga, dhaqanka iyo howla xilliga firaaqada ee kaleba. Kaniisada Iswiidhan iyo ururada dimeed ee kaniisada degmada waxeey xiiseeyaan inta badan caawimaada dadka dalka cusub oo loo qabto hoowlo hadana la siiyo taageero.

Ururada waxaad ka heleeysaa diiwaanka-urureed ee degmada Ånge.

Shan caruur ah oo kubbadda cagta ku ciyaaraya banaanka. Waa qabow banaanku oo garoonka kubbadda cagta dhinaciisa waxaa yaala baraf badan oo isa saarmay.

Maxaa ka ag dhaw

Ånge iyo Fränsta waxaa ku yaalo xarun-dukaamo oo leh soo bandhig weeyn ee xaga badeecada kala duwan, laga bilaabaa cunto iyo dhar illa sharaxaada guriga iyo alaabta dhisamaha guriyaasha. Tuulooyinka qaarkood waxaa ku yaalo dukaamo cunto oo yaryar.

Maktabada-bartamaha ee Ånge waxeey heeysaa buggag badan iyo shey kale. Shaleemo waxeey ku taala Folkets Hus Ånge.

Bartamaha Ånge waxaad ka helaysaa Adeega arrimaha bulshada ee degmada Ånge. Fränsta waxaa ku taala goob dabaal, Ånge waxaa ku taala goob ciyaaraha barafka lagu ciyaaro iyo goob fardo lagu raaco.

Haddii aad uu baahan tahay in aad hesho alaab guri oo rakhis ah ama maacuun waxaa jiro Erikshjälpen Secondhand Ånge iyo Erikshjälpen Secondshand Fränsta.

Magalooyinka ugu dhow waa Sundsvall iyo Östersund oo ku tagi kartid in yar oo dhafeeyso saacaad adigoo raacaayo gaari ama tareen.

Laba qof oo taagan gadaasha tabeele oo isa shuuminaya. Tabeelaha waxaa ku qoran inay tahay meesha juqraafi ahaan bartamaha u ah Iswiidhan.

Dalyeelka carruurta

Degmada Ånge waxaa ku taalo 12 dugsiyaal xanaano ee degmadeed. Xanaanada caruurta ee xilliga habeenkii ah oo loogu tala galay qofka habeenkii shaqeeyo waxeey ku taala Ånge ayadoo lagu hayo dugsiga xanaanada ee Parkbacken.

Ilmo xiran kabo caag ah oo jooga deegaan cagaaran.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Ånge waxaa ku taalo toban dugsiyaal hoose iyo hal dugsi madaxbanaan oo heer dugsi hoose ah. Warbixin dheeraad waxeey ku jirtaa bogga degmada.

Dugsiga sare ee Boberg ee ku yaalo Ånge waxuu soo bandhigaa barnaamiyada qaranka ee loogu badan yahay. Dugsi sare ee Boberg waxuu lee yahay sadax waxbarasho oo leh shahaado-college. Waa shanbad-tayadeed oo badaneeyso fursada aad ku hesho shaqo markii aad dhameeysato waxbarshada.

Furadaha waxbarasho

Waxbarashada dadka waa weeyn ee Ångeströmsenheten/Xarunta-waxbarshada waxaa ka jiro fursad lagu dhigto sfi laguna helo barshada-bulshada ee loogu tala galay ajnabiga.

Waxbarashada dadka waa weeyn waxaad ku dhigan karta heer dugsi hoose iyo heer dugsi sare. Laakin sido kale waxaan soo bandhigeeyna waxbarasho-xirfadeed ee heer dugsi sare. Sido kale Xarunta-waxbarashada iyo waxbarshada dadka weeyn ee gaarka oo loogu tala galay dadka qabo carqalid ka hoor istageeyso maskax ahaan ama jir ahaan.

Dugsi dadka waa weeyn ee Ålsta ee ku yaalo Fränsta waxuu dhigaan waxbarasho guud iyo kuursooyin-astaamo oo ku jiheeysan moododa, heesaha iyo fanka. Dadka uu iswiidhiska uu yahay luuqada labaad waxaa uu jiro koorsada uu diyaarinta shaqada iyo waxbarshada.

Sundsvall iyo Östersund waxaa ku taalo Jaamacada Mitt oo leh fursadooyin badan qofkii doonaayo in uu jaamacad dhigto. Fursad fiican oo tareen lagu tago labada magaalo ayaa jirto. Waxbarshada-masaafada ee jamacadaha dalka oo dhan waa fursad kale oo waxbarasho heer jaamacadeed lagu dhigto.

Caafimaadka

Adigoo adeegsanaayo talobixinta caafimaadka 1177 waxaad heleeysaa talo ku saabsan caafimaadka iyo xariirka danbe ee daryeelka bukaanka gudaha Västernorrland.

Dhanka gobolka xaruntiisa caafimaadka ee Ånge waxaa laga helaa rugta caafimaadka caruurta, kalkaalisada cudurka sonkorta, takhasuska talobixinta raashinka iyo kalkaaliyayaasha tababarka xubnaha jirka.

Fränsta waxaa ku taalo rugta caafimaadka Fränsta ee madaxbanaan oo heeyso isla soo bandhigii kore.

Daryeelka ilkaha dad weeynaha waxuu ku yaala Ånge iyo Fränsta. Dhakhtar ilko oo gaar ah waxuu joogaa Ånge.

Isbitaalka ugu dhaw waa Isbitaalka Sundsvall oo ah isbitaal goboleed oo leh daryeelka nuuca degdeg ah iyo in kale oo qeeybo adeeg ah.

Caawinaad turjubaan

Waxaan adeegsanaa xafiiska turjumaanka Sundsvall oo soo bandhigaayo turjumaan qolka joogo, turjuman telefoonka ku jiro, fariin-gudbinta, turjumaada document iyo buggagta yar. Turjumaanka waxaa balaminaayo hey'adda ee arrinta khuseeyso.

Xiriirka gaadiidka

Ånge waxeey lee dahay isgaarsiin sii fiican uu hormaran oo ku socoto Sundsvall iyo Östersund oo lagu tago tareen iyo bas.

Xarunta baska iyo tareenka Ånge waxad ka raaci kartaa bas ama tareen ku geeynaayo qeeybaha kale ee degmada ama ku tagi kartaa Sundsvall, Östersund iyo qeeybaha kale ee Iswiidhan. Ka akhriso in kale oo dheraad oo ku saabsan jadwalka-socodka DinTur.se. Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan xiliyada-tareenka iyo tikit gadashada waxaad ka helee SJ.

Goobaha-duulimaadka waxeey ku yaalin Sundsvall iyo Östersund.

SJ
Tareen buluug ah oo dhex maraya dhul baadiye ah oo cagaaran.

Shaqo iyo ganacsi

In jirto masaafad-safareed oo hal sooc soconeeyso waxaa jirog goobaha suuqa shaqada Sundsvall iyo Östersund oo ay dagan yihiin ku dhawaad 200 000 oo qof iyo joogana dhowrt shirkadoo oo waa weeyn. Shaqo dhiibayaal kale ee weeyn oo joogo degmada Åne waa warshadaha ka hoowl galo washadaha-kiimikada, sameynta, jiqda iyo jidadka. Degmada Ånge waa shaqo dhiibaha ugu weeyn ee degmada ayadoo leh ku dhawaad 850 shaqaale, in badan oo ka tirsan ka shaqeeyaan daryeelka iyo waxbarashada.

Guri la deganyahay oo baraf qariyay.