Härnösand

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Härnösand waxaan uu dhawnahay nolasha. Haddii aad jeceshay degnaansha baadiyaha ama jawiga magaaladeed, labadaba waa ka dooran kartaa Härnosand. Waxaan soo bandhigeeynaa howlo banaaneed oo caalami ah.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

25123

Cabirla dhulka

1939 kiilomitir oo laba jibaaran

Muuqaalka magaalada Härnosand ee ku ag taala biyaha.

Magaalada waa mid xaqiiq ah oo nool, Härnösand waxeeyna ka tirsan tahay suuqa shaqada ee ugu Norrland. Waxaan soo bandhigeeynaa jawi shirkadeed oo nool ayadoo ee jiraan shirkado ka guda galo laamaho badankood. Masaafada shaqada, iskuulka iyo adeegaba halkaan waa ka dhaw yihiin.

Deegaan

Shirkada guriyaasha ee degmada lee dahay Härnösandshus waxeey ku soo bandhigi kartaa degaan bartamaha ku yaalo iyo qofkii doonaayo mid uu dhow jiqda iyo bada. Gudaha Härnösand waxaa ka dooran kartaa in aad guri ka kireeysto guri shirkado guri oo madaxbanaan. Warbixin kale waxaa ka heleysaa bogga degmada Härnösand. Qaxootiga goor dhaw yimid waxaa guri helida ku caawinaayo gacan yaraha-qaabilaada ee xafiiska maamulka shaqada.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada waxaa ka jira luqado badan oo kala gedisan. Wixii warbixin dheeraad ah kala xiriir qeeybta qaabilaada qaxootiga ee degmada.

Jaaliyado iyo ururu

Härnösand waxeey taajir ka tahay jawiga urureed oo leh ku dhawaad 430 ururo. Waxa ka mid ah oo jiro kaniisado kala duwan, ururo diimeed iyo ururo ka jiro Härnösand tusaale ahaan ururada diimeed ee bingist, babtist, filadelifia, kaniisada fidinta iyo xarunta dhaqanka ee islaamiga. Laakin sido kale waxaa jiro ururo kale tusaale ahaan ururka Soomaalida, 5i12 Centrum, Ungdom mot rasism iyo Laanta cas. Ururada dhamaantooda waxaad ka heleeysa bogga Härnösand diwaankeeda-urureed.

Maxaa ka ag dhaw

Härnösand wax kasto ayaa uu dhow. Waxaan lee nahay goob-ganacsi oo cusub, la yiraahdo Ankaret, halkaasi waxaad ka heleysaa dukaamada weeyn sidii ICA MAXI iyo Coo. Sido kale halkaas waxaa ku yaalo dukaamo kale sidii farmashiyaha, dukaanka isboortiga, dukaanka dharka iyo dukaanka gacansiga biraha. Bartamaha waxaa uu dhow Lidl iyo Hemköp. In yar oo ka baxsan bartamaha magaalada waxaa ku yaalo Willys iyo Tempo.

Kadinka maktabada Sambiblioteket ee Härnosand.

Sido kale Härnösand waxaad ka heleeysaa mid ka mid ah maktabada dalka ugu qorxoon, Maktabada-Sam oo heeyso bugaag iyo wax yaale kale oo badan. Bartamaha waxaad ka heleysaa Xafiiska shaqada, Xafiiska canshuuraha iyo Xafiiska qasnada ceeymiska oo isla hal meel ku yaalo. Xafiiska adeega bulshada ee Härnösand waxuu ku yaala bartamaha, halkaasi ayaad ka heli kartaa kaalmo dhaqaale haddii aad taasi uu baahan tahay.

Haddii aad uu baahan tahay in aad hesho alaab guri iyo maacuun rakhis ah, waxaa lee nahay Dukaanka-gacan-labaadka Erikshjälpen ee kormeeraan shaqaale ka socdo Xafiiska degmada Härnösand iyo Xafiiska maamulka shaqada. 40-daqiiqo oo safar baabur ama bas waxaad ka heleeysaa suuqa-adeega Birsta, halkaasi oo laga helo dukaamo waa weeyn oo badan, dukaamo yar iyo maqaayadooyin. Batamaha waa Birsta City oo ah carwo leh in ka badan 90 dukaan. Meelaha ku hareesan waxaa ku yaalo dukaamo badan oo gado alaab guri, elegtroonig iyo dukaamo raashin.

Dalyeelka carruurta

Härnösand waxeey lee dahay 17 dugsi xanaano ee degmada lee dahay iyo 10 dugsi xanaano oo madaxbanaan. Sido kale waxaan lee nahay dugsi xanaano uu furan iyo xanaanada maalmeedka. Haddii loo baahan yahay xanaaneeyn caruur oo habeenkii a, tusaale ahaan haddii la shaqoo xilli habeen waxaa markaasi jiro dugsi xaaneedka Orren oo habeenkii furan. Haddii la qabo caruur xasaasiyad qabo, waxaa jiro dugsiga xanaanada Svalan oo loogu tala galay caruurta xasaasiyada qabo.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Härnösnad waxaa ku taalo tio dugsi hoose oo degmada lee dahay. Sido kale inta waxaa ku yaalo dugsiga Kristina oo ah iskuul dowlada lee dahay oo loogu tala galay caruurta dhagoolada iyo kuwo dhaawac-dhagto ku leh. Intaas waxaa sii dheer waxaa ku yaalo labo iskuul oo madaxbanaan. Dugsi sare Härnösand waxuu kuu soo bandhigii karaa 10 barnaamij ee waxbarasho. Sido kale waxaa jiro waxbarasho xirfadeed oo halkaasi fursad lagu lee yahay 10 barnaamijyo oo kala duwan. Ku dhawaad 900 oo arday ayaa dhigtato dugsi sare ee Härnösand, 120 shaqaale wee ka shaqeeyaan iskuulka. Ka akhriso bogga degmada Härnösnad in kale oo ku saabsan soo bandhiga.

Furadaha waxbarasho

Waxbarashada dadka waa weeyn waxaa jirto fursad lagu dhigan karo iswiidhiska loogu tala galay soo galooytiga, sfi, iyo in la dhigto waxbarashada-bulshada oo loogu tala galay dadka dalka ku cusub. Haddii la rabo waxa sfi lagu dhigan karaa Dugsi dadka waa weeyn ee Härnösand. Waxbarashada dadka waa weeyn ee degmada maamusho waxaa lagu akhrisan karaa waxbarasho heer asaasi ah iyo mida dugsiga sare. Laakin sido kale waxaan soo bandhignaa waxbarasho-xirfadeed ee heer dugsi sare ah. Sido kale Härnösnad waxaa ku yaalo waxbarashada xirfadad dadka waa weeyn, lärvux, oo loogu tala galay qofka qabo carqalad jireed ama maskaxeed.

Ma dooneeysaa in aad dhigato waxbarasho oo keenaayso fursad weeyn oo aad ku shaqeeysato? Laga yaabaa markaas in dugsigeena ee waxbarashada xirfada uu adiga kuugu haboon yahay? Dugsiga waxbarashada xirfada Heta Utbildningar ee Härnösnad waxaa laguugu soo bandhigaa waxbarasho la isku dhexwadaayo dhigasho iyo shaqo toobar. Jaamacada-Mitt ayaad ka heleeysaa ku dhawaad 45 daqiiqo oo baabur ama bas ah oo looga baxo Härnösand. Jaamacada waxeey fursado badan oo kala duwan uu heeysa qofka rabo in jaamacada dhigto.

Caafimaadka

Härnosand waxaa ku yaala Gobolka Västernorrland mid ka mid ah ruggaheeda caafimaadka, Södra Sundet. Halkaas waxaa laga helaa rugta caafimaadka caruurta, kalkaalisada cudurka sonkorta, takhasuska talobixinta raashinka iyo kalkaaliyayaasha tababarka xubnaha jirka. Sido kale Härnösnad waxaa ku yaala labo rug caafimaadeed oo baraayfad ah:

  • Rugta caafimadka Öbacka oo leh kalkaalisoyiinka degmadeed, dhakhaatiro, kalkaalisooyinka jimicsiga bukaanka, kalkaalisooyinka dhaqdhaqaaqa,iyo rugta caafimadka caruurta iyo rugta caafimaadka hooyooyinka.
  • Rugta caafimadka Johannesberg waa rug caafimaad oo bartamaha kutaalo, waxaa joogo dhakhar degmadeed, kalkaalisooyinka degmadeed, kalkaalisooyinka jimicsiga bukaanka, kalkaalisooyinka cuntada iyo rugta caafimaadka hooyooyinka iyo rugta caafimadka caruurta.

Daryeelka ilkaha dadweeynaha waxuu ku yaalo isla banaanka bartamaha-magaalada. Sido kale Härnösand waxaa ka jiro qabilaadyada dhakhatarka ilkaha ee madaxabanaan. Ku dhawaad 45 daqiiqo oo baabur ama bas, waxaa ku yaalo isbitaalka Sundsvall oo ah isbitaal goboleed oo leh daryeel degdeg ah iyo adeegyo badan.

Caawinaad turjubaan

Degmada Härnösand waxeey lee dahay xafiis turjumaaneed oo loogu tala galay in ka damaanad qaado in turjumaan loogu helo dadka degmada. Xafiiska-turjumaanka waxuu soo bandhigaa waxaa ka mid ah, turjumaan qolka jooga, turjumaanka khadka telefoonka ku jiro, gudbin-farrin, turjumaada dokumenti iyo bugaag yar. Turjumaanka waxaa balaminaayo hey'adda dowladeed ee taagan.

Xiriirka gaadiidka

Härnösand waxeey lee dahay gaadiid dad weeyne oo aad uu hormarsan. Baska waxaa uu soo qaadan kartaa, kana qaadan kartaa gurigaada si aad daqiiqado gudahood ugu tagto bartamaha. Sido kale waxaa jiro bas bilaash ah oo la dhaho Centruminjen oo kuugu wareejinaayo suuqa-bartamaha, maktabada, goobta-dabaasha iyo bartamaha-magaalada. In kale oo ku saabsan jawdadlka-socodka ka akhriso Din Tur.

Adigoo ka baxaayo Härnösand Central waxaad bas ama tareen uu qaadan kartaa meelo badan. Madaarka Sundsvall Timrå waxuu kuu jiro 35 daqiiqo oo baabur ama bas. Madaarka waxaad ku tagi karttoo meelo iswiidhan ku yeelo lee ma ahan ee xataa dalal ka baxsan waa ku tagi kartaa.

Shaqo iyo ganacsi

Sundsvall oo ku taalo taalaa 5 maayl, koonfurta Härnösand, waxaa ku yaalo warshado jiq iyo warshado waraaqad. Sido kale waxaa ku yaalo warshado iyo shirkado kale oo waa weeyn.

Muuqaalka Härnosand oo iftiimaysa wakhti galabnimo ah.