Sundsvall

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Sundsvall waxey ku taalaa dhexbartanka Iswiidhan waxeyna heystaa boos qurxoon u dhaxeysa labada buuro ee magaalda iyo balliyada Indalsäven iyo Ljungan. Dhexbartanka Sundsvall waxaa ka jira midda ku calaamadeysan xasuusta dhaqanka ee Stenstaden lehna guryo qurxoon iyo maqaayado kala duwan iyo dukaamo. Halkan waxaa ka jira xitaa iskuuloiyo waxbarasho oo heerar kala duwan leh. Waxbarashada sare waxaa jira jaamcada Mittuniversitet oo hadda koreysa aydoo leh waxbarashooyin badan ee Sundsvall.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

97633

Cabirla dhulka

4446 kiilomitir oo laba jibaaran

Muuqaalka guud ee Sundsvall. Xagga dambe waxaa ku baahsan buundada Sundsvallsbron iyo bad buluug ah.

Sundsvall waxey bixin kartaa bandhig kala duwan oo dhaqan iyo munaasabooyin ah. Sanad walba waxaa la abaabulaa dhowr xaflado oo noocyo kala duwan ah. Waxaa jira sidoo kale ururo badan oo kala duwan qofkii raba inuu waqti geliyo tusaale ahaan ciyaaraha ama dhaqan. Banaanka waqoyiga Sundsvall waxaa ku yaala Birsta oo ah mid ka mid ah meesha ganacsiga ee ugu weyn iswiidhan.

Deegaan

Waxaa jira qaabab badan oo degaan, tusaale aahaan, Villo gaar ah, guryo taxano ah, ama guri caadi ah. Guryaha iyo kuwa waaeyn labadaba waxey noqon karaan guriga aad aad leedahay ama mid aad kireysatay. Degmada Sundsvall waxaa ku yaala shirkada guryaha degmada Mitthem oo heysata guryo labadaba dhexbartanka Sundsvall iyo meelaha banaanka ah. Waxaa kaloo jira xitaa kuwo yaryar iyo kuwo waaweyn oo gaar loo leeyahay kuwaasoo kireeya guryo. Bogga degmada Sundsvall waxaa ku jiraa liisto aha meesha lagala xiriiri karo shirkada guryaha iyo mukhalaska ee Sundsvall.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada Sundsvall waxey in badan ku hadlaan luqado kala duwan marka lagu daro iswiidhishka. Qaar ka mid ah kuwa ugu waaweyn waa fiiniska, thai, carabiga, tigreeyo, somaaliska, dari/faarisi, ruushka, faransiiska, sawaahili, ingiriis, serbokroashisk iyo isbaanishka.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Sundsvall waxa ka jira ururo badan, kuwo badanoo ka mid ah waxey heystaan takhasusu ka ciyaraha, ama dhaqanka. Internetka waxa ku jira diiwaanka ururrada Sundsvall, halkaasoo aad ka arkikarto ururada ka jira. Degmada Sundsvall waxey kaloo wada shaqeyn dhow la leedahay ururada iskaa wax u qabsiga ah.

Maktabadda waxey ku taala dhexbartanka Sundsvall iyo meelo kala oo banaanka ah: Alnö, Ljustadalen, Bosvedjan, Granloholm, Skönsberg, Nacksta, Skönsmon, Indal, Kvissleby, Matfors och Stöde. Waxa kaloo jira maktabad bas ah oo aadaya meelo badanoo degmada a. Maktabada waxey kaloo leedahay xitaa xogaa in la isticmaali karo internetka.

Qeybta isdhex-gelka ee degmada waxey ku taala dhex- bartanka magaalada. Halkan waxaad aadi kartaa si aad ula kulanto gacan yare si aad u hesho talo iyo caawinaad.

Waqooyiga Sundsvall waxaa ka jira Birsta oo ah mid ka mid ah xarumaha ugu weyn ee ganacsiga ee Iswiidhan. Inta badan xaafadaha degmada banaankeeda ah waxaa ka jira dukaamo adeega bulshada. Kuwo waaweyn iyo yaryar dukaamo gacan labaad ah ayaa ka jira dhexbartanka Sundsvall iyo dhowr ku taal xaafadaha banaanka.

Maxaa ka ag dhaw

Dhexbartanka Sundsvall waxaa ka jira dukaamo, maqaayado oo noocyo kala duwan leh. Halkan waxaa ku yaala xitaa, dowlado badan sida xafiiska canshuuraha, xafiiska shaqada iyo sanduuqa ceymiska. Dhowr xafiisyo dowladeed ah ayaa ku Sundsvall xafiiskooda weyn, tusaale ahaa, CSN oo maamula deynta waxbarashada ee macaa'hidda sare iyo jaamacadaha.

Dalyeelka carruurta

Sundsvall waxey siisaa carruurta oo dhan inta u dhaxeysa hal iyo shan sano boos xanaanada ah, guriga maalinta ee qoyska ama xanaano furan. Xanaanada furan waxaa loogu tala galay qofka carruurta la jooga gurigiisa, middaasna uma baahna in boos loo dalbo. Xanaanooyinka waxey ka jiraan degmada oo dhan.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Fasalka xanaanada

Marka ilmuhi buuxiyo 6 sano waxa uu siinyaa iskuulka degmada ilmahaaga boos fasalka eberka ee iskuulka. In la dhigto fasalka eberka ee iskuulka waa xor waana wax ay xaq u leeyihiin lix jirada oo dhan. Ka hor iyo ka dib fasalka eberka ee iskuulka wuxuu joogi karaa ilmahaaga guriga fasaxa.

Iskuulka aasaasiga

Waa da'da 7 ilaa 16 sano wuxuu aadaya ilamaha 9 sano iskuulka aasaasiga. Carruurta oo dhan waxey dhiganayaan iskuul aasaasiga. Sundsvall waxaa ka jira qiyaas ahaan 35 iskuulo aasaasi ah oo degmada leedahay, qaar ka mdi ah waxey leeyihiin takhasus gaar ah. Iskuulada qaar waa yar yihiin qaar kale waa weyn yihiin lakiin marka qaarkood sagaal sano dugsiyeed isla iskuulkii. Waxaa kaloo jira dhowr iskuulo gaar loo leeyahay oo ay maamulaan kuwo aan degmada aheyn.

Dugsiga sare

laga bilaabo 16 sano iyo saddex sanoo soo socoto waxey dhiganayaa ilamaha dugsiga sare. Sundsvall waxaa ku yaala dhowr waxbarasho fiican ah. Waxbarashooyinka qaarkood waxeyba ardayda u diyaarisaa iney shaqeyn karaan. Waxbarashooyinka dugsiga sare oo dhan waxey bixiyaan fursado qaabab kal duwan in laga sii wato waxbarashada ma'had sare ama jaamacad. Waxaa jira labadaba dugsiyo sare ay maamusho degmada Sundsvall iyo dugsiyo sare oo kale ay maamulaan wax aan ahyn maamulka degmada.

Barbar socda waxbarashada iskuulka ee rasmiga waxa uu ilmuhu xitaa ka qeyb qaadan karaa howlo xor ah ee iskuulka dhaqanka ee degmada. Halkaasoo uu ku heleyo ilmuhu inuu ka qeyb qaato nashaadaadka fanka iyo hal abuurka ee xilliga fasaxiisa.

Gudaha fasal ayaa macalin ku qorayaa sabuurada cadaanka ah. Arday ayaa fadhida kuraastooda oo eegaya sabuurada.

Furadaha waxbarasho

Sfi

Haddii aad ku qoran tahay Sundsvall, aadana heysanin luqada iswiidhishka ka luqad hooyo ahaan; waxaad heli kartaa waxbarasho aasaasi ah oo ah luqada iswiidhishka adigoo baranaya waxbarashada luqada iswiidhishka ee ajnabiga (sfi). Markii aad dhiganeyso sfi waxaad heleysaa aasaaska luqada iswiidhishka, waxaana heerka waxbaridda lagu jaangoonaya hadba heerka aad jogto.

Waxbarashada dadka waaweyn, komvux

Ee dadka waaweyn ayaa ka jira dhowr waxbarasho oo dadka waaweyn ah ee Sundsvall.

Jaamacadda

Sundsvall waxaa ka jira jaamacada Mittuniversitet oo heysata koorsooyin iyo kuliyado badan.

Sawir diyaarad lagaga qaaday jaamicada Mittuniversitet oo ku taala Sundsvall.

Caafimaadka

Gudaha Sundsvall Gobolka Västernorrland wuxuu ku leeyahay isbitaal loogu talogalay xaaladaha deg-degga ah iyo daryeelka bukaanka oo horumarsan.

Waxaa jira xarrumo daryeelka iyo caafimaadka ah oo ku yaala bartamaha Sundsvall iyo meelaha banaankeeda ah labadaba: Centrum, Skönsberg, Granlo, Liden, Matfors, Nacksta, Ljustadalen, Stöde, St Olof, Skönsmon, Alnö, Njurunda iyo Sidsjön. Xarumahan caafimaadka iyo daryeelka waxaa Gobolka Västernorrland ama shirkadaha daryeelka ee baraayfadka ah.

Dhaqtarka ilkaha iyo daryeelka ilkaha ayaa ka jira dhowr meelood gudaha bartamaha Sundsvall iyo meelaha banaankeeda ah labadaba. Daryeelka ilkaha waxaa laga helaa gobolka Daryeelkiisa ilkaha dadweynaha iyo dhanka shirkadaha daryeelka ilkaha ee baraayfadka ah labadaba.

Caawinaad turjubaan

Haddii aad u baahan tahay caawinaad marka aad la xariireyso degmada, daryeelka ama xafiis kaloo dowladeed, waxey saaran tahay masuuliyda xafiiskaas dowladeed in kuu qabtaan tarjumaan. Sundsvall waxaa laga qabsadaa tarjumaanka adeega tarjumidda ee degmada kuwaasoo howsha u dirsada keliya tarjumaanka soo bartay tarjumaanimada, lana imtixaanay, kuna baasay. Kulankaada ka hor waa inaad xasuusato inaad sheegto inaad u baahantahay caawinaad tarjumaan. Tarjumaanada dhamaantood waxey heystraan Sharciga aamusnaanta.

Xiriirka gaadiidka

Sundsvall waxaa ka jira gaadiidka baska oo si fiican u shaqeynaya ee degmada Sundsvall ama ka yimaada ama u socda degmooyinka u dhow. Basaska waxey ka baxaan meesha Navet oo ah xarrunta basaska ee dhexbartanka Sundsvall.

Muddo dhowr sano ah waxaa socda sidoo kale howl horumarineed si looga dhigo Sundsvall magaalo bushkuleeti oo rasmi ah, waxaana jira dhowr wadooyinka bushkuleetiga ah oo casriyeysan.

Masaafooyinka xoogaa dhaadheer waxaa jira bas xitaa waxa jiro fursado fiican oo ah in la koro tareen ama diyaarad.

Gegidda diyaaradaha Sundsvall Timrå Airport wuxuu ku yaalaa degmada Timrå qiyaas ahaan u jirta 15 kim waqooyiga. Halkaas waxaa ka jira duulista gudaha oo aadaya Stockholm iyo Götebrog iyo muddo kooban oo sanadka ah xitaa gaadiidka charterka ah.

Tareen waxaad ku tagi kartaa labadaba dhanka waqooyiga, koonfurta iyo galbeedka adigoo kasoo dhaqaaqaya dhexbartanka Sundsvall.

Wadooyinka yurubta E4 Iiyo E14 waxey aadan dhanka waqooyiga, kuunfurta iyo weliva galbeedka ee baabuur ama gaadiidka baska. Waxaa kaloo jira xitaa dhowr kale waaweyn iyo kuwo yaryar oo waddooyin ah ee xaafadaha ku dhowdhow si loogu safro baabuur ama bas.

Tareen midabka qallinka ah oo istaagay xarunta tareenada. Koox dad ah oo ku sugaya boosteejada tareenka.

Shaqo iyo ganacsi

Shaqo-bixiyayaasha ugu weyn ee degmada Sundsvall waa Degmada Sundsvall, shirkada keynta SCA iyo Gobolka Västernorrland ee leh isbitaalka Sundsvall. Shirkadaha waxaa ka mid ah isku jir shirkado yaryar tusaale ahaan kuwa ka shaqeeya ganacsiga, maqaaxiyaha, iyo shirkadaha waaweyn oo dhowr boqol oo shaqaale leh. Qaar kuwa waaweyn ka mid ah waa Valmet, Akzo, Kubal, Telia, Skandia iyo IF. Tiro ah hey'addaha dawladeed ayaa sidoo kale xafiisyadooda waaweyn ku leh Sundsvall: CSN,SPV iyo Hey'adda shirkadaha. Qasnadda Caymiska ee dawlada iyana sidoo kale waa shaqo-bixiye weyn oo waxay hawsheeda IT ee farsamada teknaloojiga ku leedahay Sundsvall. Dhinacyada suuqa shaqada ee waaweyn waa wax soo saarka dhirta duurka, IT, ganacsi, bangiyo iyo caymiska.