Västmanlands län

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Gobolka Västmandland waxuu ka mid yahay gobolada Iswiidhan ugu yar. Waxuuna lee yahay 10 degmo ayadoo ee degan yihiin gobolka oo dhan 260 000 oo qof, kala barkood waxeey dagan yihiin Västerås. Värmland waxeey ku taala bartamaha gobolada Mälar, waxeeyna markii meelaha kale loo firiiyo, uga dhawdahay Stockholm, Uppsala, Örebro iyo Eskilstuna. Gobolka Västmandland waxuu ka mid yahay dhulka Värmandland, gobolka waxuu ka kooban yahay qeeybta bari ee dhulkaas.

Map of Sweden Created with Highcharts 10.2.1

Degmooyinka ku yaala Västmanlands län

Dooro degmada ah Västmanlands län ee aad doonaysid inaad wax dheeraad ah ka akhrisato xagga hoose

Xaalada guryaha

Xaalada suuqa-guriyaasha ee gobolka, degmo, degmada kalemba waa ugu kala duwan yihiin. Degmooyinka badankood waxeey ka waraamyaan in ee dheelo tirid jirto ama guriyaal dheeraad ee xagga suuqa-guriyaasha. Laakin xataa degmooyinka soo bandhigaayo dheelo tirid ama guriyaal dheeraad ah waxaa ka jirto baahi loo qabo nuuc guriyaal qarkood. Sido kale degmooyinka soo bandhigaayo in ee jiraan guriyaal dheerad ah, wee yaraadeen. Sidaas darteed ayaa geesas badan bilaabeen in ka wada hadlaan waxa loo baahan yahay si uu socoto dhisinta guriyaasha ee gudaha degmooyinka gobolka, hadana waxaa la qorsheeyooyaa dhismooyin cusub.

Dadweyne

Västmandland waxeey lee dahay toban degmo: Arboga, Fagersta, Hallstahammar, Kungsör, Köping, Norberg, Sala, Skinnskatteberg, Surahammar iyo Västerås. Skinnskatteberg ayaa ah degmada ugu yar gobolka, waxaana dagan in dhafeeyso 4 000 oo qof. Västerås waa magaalada lixaad ee Iswiidhan ugu weeyn ayadoo ee dagan yihiin in dhafaayo 142 00 oo qof. Degmada Västerås ayaa gaar ahaan sii koreeyso laakin sido kale degmooyin kale oo gobolka ku yaalo waxeey muujinaayaan badnaanshaha dadka oo fiican.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye

Gobolka Västmandland waxuu ku yaalo shirkado badan oo waa weeyn hadana caalami ah oo ka hoowl galo laamaha mashiinada, jidadka, quwada, daryeelka iyo nabadgelyada iyo caafimaadka. Sido kale gobolka waxuu mudo dheer lahaay warshadeeyn ka gashay suuqa caalamiga abuurtayna fursado shaqadeed. Shirkadaha weeyn waxeey lee yihiin hoowlo cilmi baaris iyo hormarin oo xoog leh, taasi oo keeneeyso in baahi weeyn loo qabo injineero.

Degmooyinka iyo gobolka ayaa ah shaqo-bixiyayaaasha ugu weyn gobolkan. Tirada dadka ah da' shaqayn kartaa ee gobolkan hoos ayay u dhacday, gaar ahaan dhanka kuwa ku dhashay Iswiidhan. Taas micnaheedu waa in dadka ku dhashay dalka dibediisa ay muhiim u yihiin in la sugo gobolkan inuu helo xoog shaqo.

Jaaliyado iyo ururu bulshada rayidka ah

Waxaa socota wada shaqayn firfircoon una dhaxaysa hey'addaha dawladeed ee kala duwan, degmooyinka gobolka, shirkadaha iyo ururada in fursado fiican loo abuuro dhamaan muwaadiniinta gobolkan, dadka baraayfadka ah iyo shirkadaha labadaba, iyo dadka dalka ku cusub. Waxaa xitaa la qoray bayaan ujeedo una dhaxeeya Maamulka gobolka, gobolka iyo degmooyinka gobolka si loo abuuro oo loo haysto qaabab wada shaqayn oo wakhti dheer waara kuwaas oo natiijadoodu noqotay goobo joogto ah oo lagaga wada hadlo arrimaha isdhexgalka bulshada.

Iskoolaad iyo waxbarasho

Mac'hadka sare ee Mälardalens högskola waa mid ka mid ah macaa'hida ugu weyn, leh meel la dago Västerås iyo Eskilstuna. Mac'hadka wuxuu heystaa 13 000 arday, 900 shaqaale iyo bandhig balaaran oo waxbarasho xooga saareysa afar qeybood oo waxbarasho ah: waxbarashada dhaqaalaha, caafimaadka iyo barwaaqo sooranka, macalinimada iyo farsamada. Waxaa kaloo jira xitaa waxbarasho mac'had sare ah ee Skogsmästarskolan ee Skinnskatteberg iyo iskuulka fardo korista. Xaalada dhexe ee gobolka iyo masaafada gaaban waxey sameyneysaa xitaa in ay fududaato in wax laga barto mac'aahida sare oo kale oo ku yaala gobolada dhow.

Daryeelka bukaanka

Gobolka Västmanland waxaa laga helaa 4 isbitaal. Gobolka ayaa mulkiile ka ah isbitaalada Västerås, Köping iyo Sala. Isbitaalka ku yaala Fagersta baraayfad ahaan ayaa loo maamulaa. Isbitaalka waxaa uu sii dheer qaabilaadyo dhakhtareed ee reed oo kuwo madaxbaan iyo kuwo guud ah (ruggo caafimaad). Gudaha gobolka Västmanland adiga ayaa keligaa dooran kara rugta caafimaadka ee aad la xiriirayso.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Gobolka waxuu lee yahay dhul kala duwan oo leh bey'ado iyo sarayaal badan oo xiiso leh. Koonfurta waxaa ku yaalo wabiga Mälaren oo leh jasiirado yaryar iyo dhulkiisa oo balaaraan. Dhanka waqooyiga dhulkiisa waxaa ku sii badan buur, mareeyn waadi iyo jiqaq. Waa masaafado gaaban, waana sahlan tahay in dabiicada la tago oo loogu tago dabaal, kaluun dabeeysi, wareega jiqda, doon-nololeedka iyo hoowla kale ee dibadeed. Gobolka Västmandland waxaa ku yaalo 90-yemo keeyd ee dabiicadeed iyo 50-yemo dhismo-taarikhi ah. Taajir ayaa laga yahay dhanka soo bandhiga howlaha dhaqameed oo loogu tala galay qofka hamiga uu hayo taariikhda, isboortiga, farshaxanka sawireed, heesaha iyo riwaayadaha.