Köping

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Kommun-ka Köping waxa degan in wax yar ka badan 25 000 oo qof, taasi oo ka dhigta degmadan xaruun dabiici ah oo dhacda gobolka galbeedka Mälardalen. Wax-soo-saarku waa horumarka ugu muhimsan ee degmadan oo ah degmo noolaysa islamarkaasna horumarisa dhaqanka warshadaha. Dekadda labaad ee ugu wayn Iswiidhan, ee dekadaha haraha ku yaala ayaa ku taala Köping.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

26239

Cabirla dhulka

645 kiilomitir oo laba jibaaran

Gobolka Västmanland dhanka isbitaalka waa shaqo-bixiye weyn sida degmada Köping. Safarada waxaa fududeeya xiriiryo fiican oo ah dhanka tareenka iyo jidadka. Hareeraha Köping waxaa laga helaa dhul badan oo dabiici ah oo fiican. Dekada, dukaamada, meelaha lagu lugeeyo iyo guriga taariikkhiga ee boqolka sano jiray hareeraha suuqa Stora torget oo muuqaal siiya magaaladan.

Deegaan

Mar rabtaa inaad usoo guurto Köping, waxa ku yaala guryo-kireeyayaal badan ood la xidhiidhi karto. Shirkadda ugu wayn ee guryaha kiraysa waa ta kommun-ku leeyahay ee loo yaqaano KBAB, laakiin waxa jira shirkado badan oo guryaha kireeya oo ah kuwo gaar loo leeyahay. Liistada shirkadaha guryaha kireeya ee Köping waxad ka helaysaa bogga kommun-ka.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Kommun-ka Köping waxa degan dad ka kala yimi in ka badan 100 wadan. Luuqadaha inta ugu badan lagaga hadlo degmada marka laga reebo Iswiidhishku waa Finishka, Carabiga iyo Soomaaliga.

Jaaliyado iyo ururu

Diiwaanka ururada ee kommun-ka waxad ka heli kartaa warbixin ku saabsan badiyaa ururada ka jira Köping. Waxa sidoo kale jira tiro ururo ajaanib ah oo siyaabo kala duwan u caawiya ajaanibta sidii ay u dhexgali laahaayeen ee ay uga mid noqon lahaayeen bulshada.

Maxaa ka ag dhaw

Waxad Köping ka helaysaa xafiisyada: Arbetsförmedling (Xafiiska Shaqada), Skatteverket (Xafiiska Cashuuraha iyo Diiwaangalinta), Försäkringskassan (Sanduuqa Caymiska) iyo Pensionsmyndigheten (Waaxda Gunnada Hawlgabka) oo dhisme kaliya ku yaal oo dhaca, Västra Långgatan 6. Waxa ku taala maktabad aad ka qaadan karto buugaag iyo jariidado ku qoran luuqado kala duwan. Waxa sidoo kale ad ka helaysaa maktabada caawimo lagaa caawiyo casharada aad dhigato. Köping waxay tukaano ku leedahay badhtamaha magaalada iyo suuq laga tukaamaysto oo loogu talogalay jidka wayn ee haaywayga. Suuqyo waawayn oo wax laga iibsadaayi waxay ku yaallaan Västerås, Eskilstuna iyo Örebro.

Dalyeelka carruurta

Köping waxa ku yaala xadaanado uu kommun-ku leeyahay iyo kuwo si gaar ah loo leeyahay. In ka mid ah xadaanaduhu, gaar ahaan sanad-ka u dambeeya ee xadaanadu waxay leeyihiin noocyo takhasusaad ah oo kala duwan sida, dibad-jooga, muyuusikada iyo fanka iyo deegaanka. Kommun-ka Köping wuxuu kuu balan qaadayaa in ilmahaagu uu boos kaga helayo xadaanada 4 bilood gudohood.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Köping waxa ku yaala dugsiyo hoose/dhexe/sare oo kommun-ku leeyahay. Dugsiyadana intooda badani waxay leeyihiin meesha lagu hayo caruurta kadib marka dugsigu dhamaado. In badan oo ka mid ah dugsiyadani waxay si gaar ah xoogga u saaraan ciyaaraha, isboortiga, fanka iyo muyuusikada.

Furadaha waxbarasho

Waxbarashada dadka waawayn ee Köping waxa laguugu soo ururshay Kompetenscenter. Waxad halkan ka helaysaa: warbixin iyo hagis, waxbarashada dadka waawayn ee heerarka dugsiga hoose, dhexe iyo sare, waxbarashada dadka waawayn ee caawimada gaarka ah u baahan ama naafada ah, Iswiidhishka ajaanibta (SFI) iyo waxbarasho jaamacadeed/sare oo internet-ka laga barto.

Isagoo la shaqaynaya kommun-ku dugsiga Folkhögskolan waxa laguu diyaariyay Korta Vägen SFI. Sanadka 2015 waxay Köping bilaabaysaa SFA oo loogu talogalay qofkii haysta shahaado jaamacadeed oo la xidhiidha caafimaadka iyo dhakhtarnimada. SFA waa kooras loogu talogalay dadka haysta shahaado jaamacadeed oo la xidhiidha caafimaadka si loo baro luuqada Iswiidhishka ee caadiga ah iyo ta la xidhiidha arimaha shaqada caafimaadka. Gaar ahaan waxa SFA loogu talogalay cidii aan ka sidanin shahaado caafimaad wadan Yurub ah. Waxana lagu bartaa afka Iswiidhishka iyo koorsooyin khuseeya shaqada caafimaadka iyo daryeelka caafimaad.

Waxaa sida ugu dhakhso badan ee suurtagal ah lagugu casuumi doonaa hanuuninta bulshada oo lagugu siiyo afkaaga hooyo ama luuqad aad ku hadasho oo aad fahmayso. Adigaaga ka diiwaan gashan Xafiiska Shaqada keligaa ayaad isu diiwaan gelin kartaa hanuuninta bulshada adigoo u sii maraya dhanka degmada boggeeda intarnatka.

Caafimaadka

Degmada waxa ku yaala cusbitaal yar oo afar qaybood leh. Waxa xooga an saarnaa adeega caafimaad ee degdega ah. Waxa sidoo kale ku yaala saddex xaruumo caafimaad Köping iyo Kolsva. Qaybta hooyada iyo dhalmadu waxay ku taalaa Västerås.

Caawinaad turjubaan

Markii loo baahdo wuxu kommun-ku la xidhiidhaa adeega gobolka ee turjumista si ay u suuro gasho in afkaaga hooyo lagugula xidhiidho.

Xiriirka gaadiidka

Warbixin ku saabsan tareenada iyo basaska waxad ka helaysaa Västmanlands lokaltrafik iyo SJ. Dad badan ayaa ka safra Köping oo ka shaqeeya magaalooyinka dariska ah.

  • Köping Västerås: Safarka basku wuxu qaataa 57 daqiiqo, tareenkuna 17 daqiiqo.
  • Köping Eskilstuna: Safarka basku wuxu qaataa 53 daqiiqo, tareen iyo bas marka laysku darana waxay qaadataa 46 daqiiqo.
  • Köping Örebro: Safarka basku wuxu qaataa 2 saacadood iyo 12 daqiiqo, tareenkuna 36 daqiiqo.
  • Köping Stockholm: Safarka basku wuxu qaataa 2 saacadood iyo 22 daqiiqo, tareenkuna 1 saac iyo 11 daqiiqo.
SJ

Shaqo iyo ganacsi

Köping waxay leedahay nolol ganacsi iyo horumar oo soo jiidasho leh tiiyoo ay ku yaalaan 1300 oo shirkadood. Shirkado badan ayaa hal qof kali ah ka shaqeeyaa, laakiin halkan waxa jira dhaqan adag oo warshadayn ah iyo shirkado ay ka mid yihiin GKN Driveline, Volvo, Powertrain, Sandvik, Yara, Tibnor, Leax group iyo Hästens sängar.

Barta wanaagsan ee xudunta ah eey Köping kaga taalo galbeedka Mälardalen waxay fududaysaa safarka iyo u shaqo-taga magaalooyinka Västerås, Eskilstuna iyo Örebro. Qofkii raba inuu samaysto shirkad ama ganacsi wuxuu caawimo ka heli karaa waaxda horumarinta kommun-ka.