Kungsör

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Kungsör waxeey k ujirtaa degmooyinka ugu yaryar ee Iswiidhan waxaana degan dad lagu qiyaaso 8 000. Bartamaha Kungsör waxeey ku taal meel dalcad ah, dhismooyinka waxeey usii dhaadhacaan balliyada Mälaren iyo Arbogaån.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

8675

Cabirla dhulka

227 kiilomitir oo laba jibaaran

Deegaan

Hadaad rabtid inaad usoo guurtid Kungsör waxaa jira shirkado badan oo kuwa guryaha ah oo aad la xiriiri kartid. Shirkadda ugu weyn waa tan degmada ee KFAB laakiin waxaa jira shirkado badan oo kuwa gaarka loo leeyahay ah oo kireeya guryaha. Liis eey ku yaallaan shirkadaha degmada Kungsör waxaad ka heleysaa degmada boggeeda internetka.

Jid ay ku hareersanyihiin geedo iyo guryo.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luqadaha ugu waaweyn ee degmada Kungsör, marka laga reebo luqadda iswiidhishka waa carabiga iyo tigreega.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Kungsör waxaa ku yaal kaniisada Svenska kyrkan iyo kaniisado kaloo madax banaan. Masaajidka ugu dhow waxuu ku yaal magaalada Västerås. Waxaa degmada ka jira jaaliyado badan oo firfirsoon oo ka howlgala dhinacyada isboortiska, tiyaatarka, farshaxanka iyo dhaqanka. Sida loo xiriiro jaaliyadaha kala duwan waxaad ka heleysaa liiska diiwaanka jaaliyadaha ee degmada boggeeda internetka.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Kungsör waxaa ku yaal rug ganacsi oo yar waxaana ku yaal dukaamo aan badneyn, labo dukaamada raashinka ah iyo biibitooyin iyo makhaayado aan badneyn. Waxaa ku yaal labo bangi iyo hal farmashiiye. Hadaad u baahan yahay alaab rakhiis ah waxaa ku yaal dukaamada gacan labaadka iyo dukaan kale oo gada dhar caruureed gacan labaad ah oo qurxoon. Goob ganacsi oo weyn una dhow degmada waxeey ku taal Eskilstuna, oo Kungsör u jirta qiyaastii 25 kiiloo mitir. IKEA waxuu ku yaal Västerås iyo Örebro oo labadooduba ku yaal meel u jirta 50-60 kiiloo mitir.

Maktabada waxeey ku taal bartamaha degmada waxaana yaal joornaallo iyo buugaag luqado kala duwan ku qoran. Waxaad markad joogto maktabada isticmaali karataa kombuyuutarrada yaal meesha. Hadaad rabtid inaad isboortis cayaartid waxaa ku yaal degmada garoomo ciyaaro oo aad kala dooran kartid. Bartamaha degmada agteeda waxaa ku yaal meel lagu dabbaasho, garoon kubadda cagta ah, garoon ciyaaraha kala duwan iyo garoon baraf ah.

Qol leh armaajooyin oo ku yaala maktabad. Kuraas midabo qurxoon oo yaala koonaha qolkan.

Xafiiska shaqada waxuu xafiis ku leeyahay degmada Köping waxaa kaloo meeshaas ku yaal xafiiska cashuuraha iyo xafiiska ceymiska dowladda. Köping waxeey 13 kiiloo mitir u jirtaa Kungsör waxaana meeshaas ku yaal dukaamo badan o cunto iyo dharba gada. Gaadiidka isgaarsiinta ee u dhaxeeya Kungör iyo Köping weey fiican yihiin. Sida loola xiriiro xarunta qaabilsan is dhexgalka dadka waxaad ka heli kartaa degmada boggeeda internetka.

Dalyeelka carruurta

Degmada Kungsör waxaa ku yaal xanaanada carruurta oo badan, hadaad waalid tahay waxaad carruurtaada u dooran kartaa xanaanada dowladda ama xanaanada gaarka loo leeyahay. Hadaad u baahan tahay xanaanada carruurta waa inaad sii raadsataa afar bil ka hor. Waxaad buuxineysaa foom aad u direysid xafiiska waxbarashada carruurta. Warbixin ku saabsan dugsiyada xanaanada carruurta iyo sida loola xiriiro waxaad ka heleysaa degmada boggeeda internetka.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Waxaa Kungör ku yaal saddax dugsiyada hoose ah oo leh fasallada 1-5 oo wata fasalka barbaarinta carruurta iyo hal iskool oo eey dhigtaan ardayda fasallada 6-9. Degmada kuma yaallaan iskoolada gaarka loo leeyahay, kulli waxaa maamula degmada.

Degmada Kungsör kuma yaallo dugsi sare, marka demada waxeey heshiis la saxiixday iskoollada ku yaal degmooyinka Arboga, Eskilstuna iyo Köping. Heshiiskaas waxuu dhigayaa in ardayda degan degmada Kungsör ineey u dalban karaan iskoollada degmooyinkaas si lamid ah ardayda degan degmooyinkaas. Warbixin ku saabsan dugsiga sare waxaad ka heleysaa degmada boggeeda internetka.

Furadaha waxbarasho

Degmada Kungör waxaa ku yaal iskool dadka waaweyn oo eey degmada maamusho iyo sfi oo lagu dhigto Kunskapsporten. Waxaa meeshaan joogo dad khibrad u leh sida dadka looga caawiyo xirfadaha iyo waxbarashada kala duwan si aad jid sax ah u qaadatid.

Jaamacada ugu dhow waxeey ku taal Esklistuna, Västerås iyo Örebro oo meel dheer aanan u jirin degmada Kungsör. Waaxda is dhexgalka dadka ayaa qaxootiga siisa warbixin ku saabsan mujtamaca iswiidhishka.

Tabeele ku dhegan wajahad ay ku qorantahay Kunskapsporten.

Caafimaadka

Degmada Kungsör waxaa ku yaal hal rug caafimaad iyo hal rugta daryeelka carruurt ah iyo daryeelka hooyada. Isla dhismaha waxaa ku yaal rugta daryeelka ilkaha. Isbitaalka ugu dhow waxuu ku yaal degmada Köping. Waxey isbitaallo kale ku yaallaan degmooyinka Västerås, Örebro iyo Eskilstuna.

Caawinaad turjubaan

Degmada Kungsör shaqaalahooda waxeey markeey u baahan yihiin turjubaan ka dalbadaan xafiiska turjubaanka ee gobolka Västmanland.

Xiriirka gaadiidka

Weey fududahay inaad u safartid degmada Kungsö maadaama eey ku taal bartamaha gobolka Mäladalen isla markaana eey masaafo yar u jirto magaalooyinka waaweyn. Warbixin ku saabsan gaadiidka isgaarsiinta degmada waxaad ka heleysaa degmada boggeeda internetka.

Shaqo iyo ganacsi

Kungsör waa degmo yar marka nasiib darro janisyada shaqo weey ku yaryihiin. Shaqa bixiyaha ugu weyn waa isla degmada Kungsör waxaa kaloo jira warshada wax soosaarka oo yaryar iyo waaweynba isugu jiro. Maadaama aan meel fiican ku aalno weey fududahay inaad u safartid magaalooyinka waaweyn kuwaasoo fursadaha shaqo eey ku badan yihiin.

Xarunta degmada Kungsör. Dhismo ah hurdi khafiif ah oo leh saqaf guduud ah.