Västerås

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Västerås waxay si qurux badan ugu ag taalaa baliga Mälaren waana mid ka mid ah magaalooyinka ugu faca wayn ee wadanka Swedhen waxayna leedahay taariikh fiican. Magaalada si xawli ah ayay u kordhaysaa waxaana ku nool ha dad gaaraya 147 000 oo qofood, ganacsi la isku haleen karo, jaamacad leh gulyada farsamada iyo astaanta deegaanka iyo cayaaraha.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

154602

Cabirla dhulka

1138 kiilomitir oo laba jibaaran

Västerås waxay leedahay waxyaabo dabiici ah iyo biyo iyo baliga Mälare oo sii naya fursad hawo fiican ah. Dabaal. Kaluumaysi, doomaysi, baraf cayaarid iyo darxiisyo gaaban oo loo tagayo meelaha barafka ayaa kamida waxyaabaha aad ka heli karto Mälaren sanadka gudihiisa. Jasiiradaha baliga waxa layskugu gaari kara doomo yaryar. Västerås waa mid ka mida ah magaalooyinka ugu fiican ee swedhen oo baaskiilada lagu maro waxayna leedahay midad baaskiilada loogu tala galay oo gaaraya qiyaasti 37 mil iyo meelo badan oo dalxiisyada gaaban loo tago. Magaalada waxa ku yaala garoonka diyaaradaha waxayna kaloo u dhawdahay magaalooyin badan oo waawayn sida Stockholm, Örebro iyo Uppsala.

Deegaan

Magaalo wayn sida Västerås waxaa ku yaala meelo wadan oo la daganyahay oo ku yaala vilooyin, guryaha kirada ah iyo guryaha is kaashatada. Adiga xiiseynaya in aad guri kiraysato waxaad ka raadsanaysa shirkada guryaha ee degmada Mimer oo guryo la kireeyo oo gaaraya 11 200 oo guriyo ku leh agagaarka Västerås.

Shirkada guryaha Västerås waxay maamushaa safka loo galo boosaska banaan iyo safka guryaha yaryar waxay kale oo haysaa warbixin ku saabsan dhismaha hada socda. Websideka guryahay Västerås waxaad ka helaysaa meel aad kala xiriirto shirkadaha guryaha gireeya oo gaarka loo leeyahay.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

147 000 ka qofood ee degan Västerås 26 000 ka mid ah waxa ay ku dhasheen wadan kale. Kooxaga ugu waaweyn, marki laga reebo wadamada iskandaneefiyaanka ah, waxay ka kala yimaadeen Ciraaq, Iiraan, Somalia, Turkiya, Boosniya iyo Hersogovena iyo Yuguslaafiya. Luqadaha ugu waaweyn oo looga hadlo maanta Västerås marki laga reebo luqadaha iskandaneefiyaanka waa af ingriiska, af carabiga, af isbanishka, af sorani iyo af soomaaliga.

Carruurta dhigata xanaanuuyinka iyo iskoolada oo ku hadla luqad aanan iswedhish ahayn waxaa loo dhigaa luqadooda afka hooyo. Waxaa laga maamulaa xarunta labada luqadood waxaana kale oo laga celaa caawinaada cashirada ee carruurta dugsiga hoose dhexe iyo dugsiga sare.

Jaaliyado iyo ururu

Västerås waxa ku yaala jaaliyado badan oo kala duwan, tusaale ahaan jaaliyadaha dhaqanka, jaaliyadaha ciyaaraha iyo jaaliyadaha dadka waaweyn oo hawlgabka ah. Degmada meesheeda laga diiwaan galiyo jaaliyada ha waxaad ka raadsan kartaa mida aad adiga xiisayso.

Waxaa kale oo ku yaala ururu diimeed badan oo isweedhish iyo iskandaneefiyaan ah iyo kaniisado, iyo xataa ururada iyo jaaliyadaha soo socda:

  • Xarun diineed ay Boosniyiintu leedahana iyo xarun dhaqameed
  • Kaniisada Ortodoxa ee Siiriyaanta
  • Xarunta diinta Islamka iyo dhaqanka ee Västerås
  • Masjidka Västerås
  • Xarunta Islaamka ee Västerås
  • Kaniisada Katoliga ee naagaha
  • Maria Förs ee V:ås ka mid ah Kaniisada Katoliga ee xurta ah
  • Wadaadka sare Oscar A Romero ee Salvadooriyiinta

Maxaa ka ag dhaw

Bartanka Västerås waxaa ku yaala dhismooyin cusub iyo mid qadiimi ah oo taariikh xiiso dhadan leh. Bartanka magaalada waxaa ku yaala dukaamo iyo maaqaayado halka dukaamada waaweyna iyo IKEA ay ku yaaliin magaalada geeskeeda. Xafiiska shaqada, xafiiska caymiska bulshada, xafiiska canshuuraha iyo xafiiska bulshada waxa ay ku wada yaalaan bartanka magaalada. Dhismaha maamulka degmada waxa uu ku yaala faras magalaha iridkiisa laga galana waxaad ka helaysaa fursad lagaaga caawinaayo luqada sida luqada fiinlaandeeska, luqada carabiga, iyo soomaaligaba. Waxaa kale oo ku yaala Västerås waaxda barida bulshada iyo hagidda.

Dalyeelka carruurta

Carrurta da'doodu u dhaxayso 1 sano ilaa 5 sano waxaa la siinaya xanaanada caruurta. Xanaanada carruurta waxa ay ku yaaliin xaafad kasta ee magaalada Västerås waxay kala leeyihin mid degmadu ay leedahay iyo mid gaar looleeyahay.

Dugsiga xanaanada furan waa meel kulan oo ey aadaan waalidiinta, dadka xanaaxada ka shaqeeya, ama dadkale oo waaweyn oo u kaxeeya carruurtooda si ay carruurta kale ula kulmaan. Dugsiga xanaaxada furan waxa uu qayb ka yahay xarunta qoyska oo la shaqeeya rugta hooyooyinka, rugta daryeelka dhalaanka, iskoolka iyo adeega bulshada.

Carruurta mar dhaw timid wadanka oo ay da'doodu la egtahay carruurta xanaanada taga waxaa qaabilaa Origo oona shaqadeedo tahay in ay carruurta meesha ku haboon ay geeyaan iyo xannada ku haboon.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Västerås waxa ku yaala dugsiyaal hoose dhexe iyo dugsiyaal sare oo ay degmado leedahay iyo kuwo gaar looleeyahay. Carruurta waxay bilaabaan xanaano ka bacdina waxa ay sii aadaan dugsiga hoose dhexe oo sagaal sano ah. Markasta waxaa looga hayaa boos iskoolka hoose dhexe ee degmada ee u dhaw guurigaaga. Hadii aad rabtid waxaa dooran kartaa iskoolkasta oo aad rabtid, kan degmada ama kan gaarka looleeyahay, oo aad boos ka hesho. Carruurta wadanka mardhaw timid iyo carruurta yaryar oo iskoolka dhigta, da'dooduna gaaraysa 19 sano waxaa qaabila meesha lagu magacaabo Origo oo ay shaqadeedu tahay in ay caruurta geeyaan meesha ku haboon ayna helaan cawinaada ay u baahanyihiin iskoolka.

Furadaha waxbarasho

Waxaa jira noocyo fara badan iyo fursado waaweyn qofki rabo in uu wax barto. Halkan waxaad ka helaysaa waxbarasgada dadka waaweyn, jaamacad iyo iskool xirfadeedoo oo wax yaabo kala duwan dhigaya iyo sidoo kale wax barashada gaarka ah ee dugsiga hoose dhexe iyo dugsiga sare. Iskoolka qaaska ah waxaa loogu tala galay ardayda aan dhamayn arin dugsiga hoose dhexe ayada oo sabab u tahay garaadkooda oo dhiman.

Xarunta waxbarashada dadka waaweyn, oo loo soo gaabiyay VUC, wuxuu siiyaa caawinaada cashirada iyo in oo helo wax barasho sax ah luqada dadka ajnabiga ah, sfi iyo luqada labaad dadka ay u tahay af iswiidhishka, sas.

Caafimaadka

Västerås waxay qayb ka tahay Gobolka Västmanland oo qofkii u baahan daryeel bukaan ama talobixin dhanka arrimaha caafimaadka wuxuu la xiriirayaa rugtiisa caafimaadka. Waxaa jira kuwa baraayfad ah iyo qaar gobolku maamulo ahna rugo caafimaad oo adiga ayaa keligaa dooranaya ka aad rabtid inaad ka tirsanaato. Rugaha caafimaadka waxaa laga helaa dhakhaatiir, ummulisooyin, kalkaaliyayaasha caafimaadka caruurta, kalkaaliyaasha caawinta dhaqdhaqaaqa iyo tababarka xubnaha jidhka iyo la taliyayaal ama dhakhtarka cilmi nafsiga. Xitaa rugta qaabilaada dhalinyarada waxaa lagala xiriirayaa dhanka rugta caafimaadka.

Isbitaalka gobolka Västmanland waxa uu ku yaalaa Västerås waana isbitaalka gobolka wuxuuna leeyahay qaybta degdega iyo maqaayad. Rugta Qaxootiga iyo is dhexgalka caafimaadka waxay qaabishaa dadka dhan ee megen galyo doonka ah. Waxaana halkaa ka helaysaa wada hadal caafimaad, booqasho dhaqtar, booqasho kal kaaliso, caawinaad wada hadal oo la yeelanaysid lataliyaha, gudbin xaga dhaqtarka khabiirka u leh iyo daawooyinka la qoro.

Caawinaad turjubaan

Gobolka Västmanland adeegiisa turjubaanka waxaa ka shaqeeya in dhaafaysa 300 oo turjubaan oo ku hadasha 80 luqadood oo kala duwan. Hadii loo baahdo tujubaan marku uu booqdo qofka rugta caafimaadka ama meelaha kale ee mujtamaca waxa aa loo dalbayaa qofka turjubaan.

Xiriirka gaadiidka

Magaalada Västerås way sahlantahay in la isticmaalo gaadiidka dadwaynaha. Waxay kale oo ay leedahay jidka baaskiilada oo ah 37 mil waana mid ka mida magaalooyinka ugu fiican ee swedhen oo baaskiilada lagu maro. Bartamaha magaalada waxa si fudud uga raaci kartaa tariir ama basas meel walba oo aad doonayso ee dalka, hadii aa gaari ka qaadato bartamaha magalada daqiiqado yar ayaa ku tagi kartaa garoonka diyaaradaha ee Västerås. Tariinka iyo basaska isu dhadhaw waxay fursad wayn siinayaan ardayda iyo shaqaalaha ka shaqeeya magaalooyinka kale ee gobolka Västmanland iyo Mälardalen.

Shaqo iyo ganacsi

Västerås shaqo-bixiyaha ugu weyn waa maamulka magaalada Västerås taas oo maas'uul ka ah iskoolada, daryeelka dadka waayeelka ah, jidadka iyo jardiinooyinka. 11 000 qof ayaa u shaqeeya maamulka magaalada Västerås. Warshada ugu weyn waa shirkada farsamada ABB kuna taala Västerås lehna qiyaastii 4 500 shaqaale ah. Shaqo-bixiyayaasha kale ee waaweyn waa ICA (alaabta raashinka), Gobolka Västmanland (daryeelka bukaanka), Bombardier iyo Westinghouse (warshado).

Xafiiska dhaqada ee Västerås ayaa ku sii caawinaya.