Ale

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Ale waa degmo soo jiidasho leh. Meesha ay ku taalo ee istaraatiijiga ah ee u dhaxeysa Göteborg ito Trollhätten iyo dabiicada ee gudaha geeska ayaa ka dhigeysa in labadaba ay degi karaan, ka shaqeyn karaan, ku raaxeysan karaan fasaxooda isida ugu fiican.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

30223

Cabirla dhulka

332 kiilomitir oo laba jibaaran

Deegaan

Ale waxaa ka jira fursad ah inaad dooran karto. Dhisi kartid keligaa, kireysan kartid ama iibsan kartid. Inaad degto dhexbartanka ama wax yar banaanka baadiyaha. Waxaasoo dhan ayaa jira ahna meel aad u dhow, lehna xiriir gaadiid oo si fiican u shaqeynaya.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada Ale waxaa ka jira kooxo badan luqadeed oo kala duwan. Qaar ka mid ah waa ingiriiska, carabiga, daariga, faarisiga, iyo ruushka.

Jaaliyado iyo ururu

Ale waa fududtahay in lagu noolaado. Halkaan waxaa ka jira howlo badan iyo meelo dalxiisoo u qalma in la arko, oo ka mid ah nolo dhaqan oo qani ah. Si gaaban oo macaan, halkaan waxaa ka jira wax dadka dhan deeqa. In laga qeeyb qaato nolosha ururada badanaa waa qaab fiican oo lagu baran karo magaalada cusub iyo in lala kulmo saaxiibo cusub. Waxaa kalo jiro meelo tiro badan oo lagu kulmo halkaasoo qof cusub degmada ahaan aad ka baran karto dad cusub.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada waxaa ka jira xarun xiriir halkaasoo muwaadiniinta ay u tagi karaan marka ay qabaan su'aalo ku saabsan degmada. Barxadda Ale waxaad kla heleysaa, xafiisaka shaqada, dukaamo dhowr ah, bangiyo, shirkado ceymis. Xitaa xaafadaha ku dheggan Surte, Bohus, iyo Älvängen waxaa ka jira dukaamo, bankiyo iyo wax yaale badan.

Dalyeelka carruurta

Degmada Ale waxey bixisaa xanaanada carruurta ee da'aada 1-12. Halkaan waxaa ka jira xanaanooyin, guryo fasax iyo xanaaneeye carruurta ee guriga. Lix jirada waxaa laga siiyaa boos fasalka bilaawga ee iskuulka. Ale waxaan aad xoogga uu saarna tayo sarreeysa ee xanaanada. Marka lagu daro iskuulada degmada waxaa kaloo jiro iskuulo gaar ah.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Iskuulka aasaasigaa waxa uu ka kooban yahay fasalka bilaawga ah iyo sanadaha iskuulka ee 1-9 ee iskuulka hoose-dhexe iyo iskuulka gaaka ah. Ale waxaa ka jira 11 iskuulo aasaasi ah oo degmo iyo hal iskuu gaar loo leeyahay, Iskuulka xorta ah ee Ahlafors.

Furadaha waxbarasho

Ayada oo la dhiganayo waxbarashada dadka waaweeyn waxaad heleysaa fursad ah inaad dhameyso waxbarashadaada asaasigaa iyo midda dugsiga sare. Waxaad kaloo heli kartaa mu'ahalaad gaar ah si aad u dalbato jaamacad ama mac'had sare oo xirfadeed.

Waxaan bxinaa sidoo kale Xirfad iyo waxbarashada macallinka, iyo weliba luqada iswiidhishka ee ajnabiga.

Caafimaadka

Rugta caafimaadka ayaa ka jira xaafadaha degmada sida Bohus, Nöding, Nol, iyo Älvängen. Rugta daryeelka carruurta ayaa ka jira Nol, Bohus iyo Älvängen. Xitaa dhowr dhaqtar ilko ayaa ka jira degmada. Qaabilaada degdega ee ugu dhow waxa uu ka jiraa Kungälv ama isbitaalka bari ee Götebrog.

Caawinaad turjubaan

Haddii aadan fahmeynin ama aadan ku hadleynin iswiidhishka waxaad xaq u leedahay tarjumaan marka aad la xiriireyso degmada. Caawinaada tarjumaanka waa lacag la'aan waxeyna degmada kaa caawineysaa iney kuu qabato tarjumaan.

Wargeli xafiiska aad la kulmeyso haddii aad u baahn tahay tarjumaan marka aad la xiriireyso degmada, markaas waxey kaa caawinayaan iney kuu qabtaan tarjumaan booqashada ka hor. Degmada Ale waxeey isticmaalaan tarjuman ayagoo usoo marayaa xafiiska tarjumaanada ee galbeedka.

Xiriirka gaadiidka

Degmada Ale waxaa ku yaala shar xarun oo tareeno xaafadeed ah. Marka uu ciriiriga badan yahay waxa uu dhaqaaqaa tareenka shan iyo tobankii daqiiqaba mar inta u dhaxeysa Ale iyo Göteborg. Tareenka, oo lagu kabayo khadka basaska iyo meesha tareen dhigashada ee labadaba bushkuleeti iyo baabuur, waxa ay kaaga dhigeysaa mid fududu adiga raba inuu uu ku safra gaadiidka bulshada ee Ale.

Shaqo iyo ganacsi

Degmda Ale waxey heysataa 2300 shirkadood oo ukala qeybsan qiyaas ahaan 410 waax. Waaxyada ee matala degmada waxey ka kooban yihiin kuwa ugu waaweyn ee soo saarida iyo faqida, howlaha dhismaha, ganacsi,khidmooyinka shirkadaha iyo gaadiidka iyo makhsin-gelinta.

Ayadoo la ogsoon yahay in shirkada Tudor (soo saare batari) xafiiskeeda ugu weyn uu ku yaal ayey degmada noqoneysa mid aqoon weyn u leh farsamada tamarta. Shirkadaha ugu horeeya halkaas waa KraftPowercon, Eurocable, Swansons Telemekanik, BS Elcontrol iyo kuwo kale. Kuwa kale ee raadka ku leh Ale waa AkzoNobel, Axel Christiernsson AB iyo Perstorp.

Adiga shaqo doonaha ah waxa uu xafiiska shaqada ku heystaa xafiis Barxada Ale ee Nödinge.