Borås

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Borås waa magaalo dhinacyo badan leh. Magaalada Borås waxeey lee dahay in ka badan 112 000 oo qof. Waa degmada galbeedka iswiidhan ee labaad dhanka weeyninka, waxeeyna xarun uu tahay Sjuhärad.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

112178

Cabirla dhulka

910 kiilomitir oo laba jibaaran

Borås waa magaalo ganacsi oo leh xariir calaami oo badan, sido kalena waxeey dhaqan dheer uu lee dahay dhar-sameeynta taasi ee uu keentay in ee boos horeeyn ah uga yeelato dhar sameeynta iyo hormaridiisa. Borås waxeey lee dahay jaamacad ee dhigtaan ku dhawaad 13 000 oo arday.

Deegaan

Bogga degmada waxaa ku jirto warbixin la isku soo aruuriyaya oo loogu tala galay qofka guri raadsanaayo. Anagu guriyaal dalaal ka ma nihin, laakin boggag shirkadaha guriyaasha ee hada jiro ayaa adiga si gaar ah uga raadsan kartaa guri ku yaalo Borås iyo agagaarkeeda.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Borås waa magaalada ee kala duwanaansha bulshadeed, asaleed iyo dhaqameed ee hormarka ugu wadaan horay. Luuqadaha looga hadlo meesha waxaa ka mid ah finish, carabi, afka iraan, soomaali, kurdi, daari, afka thayland, afka albaaniya, afka boosniya, afka serbiga, afka koreeshiya iyo luuqado kale oo yaryar. Iswiidhan waxeey lee dahay shan luuqado oo yaryar iyo shan asal dadeed oo yaryar. Kuwaani waa dadka diinta jahuudnimada heeysto, dadka roomka, dadka samerka, dadka finishka-Iswiidhan iyo dakka tornedalka.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Borås waxeey taajir ka tahay soo bandhigyada ururada. Waxaad ka wada heleysaa bogga diwaanka-ururada oo aad adiga si gaar ah uga raadsan karto ururada ka howl galo qeeybaha aa hamiga uu heeyso.

Dhowr hey'addo ayaa ku yaalo Borås, waxaa ka mid ah Laanta cas, KFR- Kaniisadooyinka Talosiintooda qaxootiga, Hey'dda badbaadinta caruurta iyo ururada kale (ururada isboortiga iyo dhaqanka iyo urur ee lee yihiin dhamaan dadka dhul ku leh daabiyad).

Akhri dheeraad ku saabsan nolosha ururada jaaliyadeed ee degmadan

Sawirka xaflad muusig iyo dadweyne, caruur xiran daboolka dhegaha sanqarta ka ilaaliya iyo xaga dambe oo laga arko kooxda ciyaaraysa.

Maxaa ka ag dhaw

Borås waxeey ku taalo gobol ku yaalo galbeedka Iswiidhan oo dad badan. 1.5 milyan oo qof ayaa degan in uu dhaxeeyso 10 maayl gudaheed. Ayadoo ee dadkeeda dhaafaayaan 106 000 oo qof, Borås waa degmada sadax iyo tobanaad oo Iswiidhan ugu weeyn. Bartamaha-xaafadaha Borås waxaa uu sii dheer 20 xaafado oo ku taalo degmada. Kuwa ugu weeyn waa Dalsjöfors, Fristad, Sandared iyo Viskafors. Bogga Magaalada Borås ayaa ka heleysaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan waxa ka yaalo gobolka.

Ku dhawaad 60 ururo samafal ah, 14 goob lagu hawo qaato oo waxyaalaha ee lee yihiin waxaa ka mid ah jidad-iftimeed, goob dabaal oo xiiso leh, goob-tennis, 15 guriyaasha xilliga firaaqad, goob faras raacida, goobaha golfka iyo garoonka tartanka gaadiidka waxeey soo bandhigayaan wax yaalo badan oo loo kala dooran karo xilliga firaaqada.

Xarunta taabogelinta ee gobolka Borås (BREC) waxeey ka shaqeeysaa lix degmadood, kuna shuqul lee dahay arimaha qaabilaada qaxootiga. Degmadooyinka waa Borås, Bollebyd, Mark, Tranemo, Ulricehamn iyo Vårgårda.

Sawirka goobta Sandwall, dad iyo dukaamo xaga dambe laga arko iyo Viskan oo dhex maraysa.

Dalyeelka carruurta

Magaalada Borås waxeey kala wadaa ku dhawaad 90 dugsi xanaano, 20 guri reer maalmeed iyo 41 dugsiyaal hoose. Borås waxaa ku dhex taalo 40 guri ee xilliga firaaqada, inta badan ayagoo ku yaalo dugsiyada hoose. Dugsiyada xanaanda iyo kuwa hoose ee degmada maamusho markii laga soo gudbo waxaa sii jiro sagaal xanaano oo gaar, oo labo ka mid ah kala wadaan dugsiyaal hoose oo madaxbanaan.

Fasalka ebaradka waalidka iyo caruurta xur ayee uu yihiin laakin degmada waajib ayaa ka saran. 6 jirada waxeey dooran karaan fasalka ebaraadka ama bilaabashada iskuulka. Fasalka ebaraadka waxuu lee yahay isla qorshaha iskuuleed uu lee yahay dugsiga hoose intiisa kale. Caruurta waxeey dhiganayaan 15 saacadood isbuuci. Hoowsho, oo lacag la'aan eh, waxeey isku keeneeysaa habka iyo dhaqanka waxbarasahda iskuulka.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Borås waxaa ku taalo shan dugsi sare oo degmada lee dahay. Waxeeyna hayaan soo banndhig weeyn ee khuseeyo barnaamijyada dugsiga sare ayagoo hayo barnaamijyo leh jiheeyn iyo astaamo kala duwan. Waxaa jiro waxbarsasho jamaacad isku diyaarin ah iyo waxbarasho ku jiheeysan shaqo. Halkaasi ee ardayda fursad weeyn ugu lee yihiin doorsahada. Barnaamijyada shaqada waxa laga wado oo kale waxbarashada shaqada ayadoo lala shaqeeynaayo shirkadaha ku yaalo Sjuhärad.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Furadaha waxbarasho

Jidka gaabdan ee loogu tala galay jaamiciinta ajnabiga, KOVA

Shaqaeeynta uu qaado jidka gaaban. Jidka gaaban waa waxbarasho loogu tala galay asalkiisa ka soo jeedo dal kale dhigtayna jaamacad ajnabi ugu yaraan sadax sano isla markaana uu qofka uga diiwangalsan yahay xafiiska shaqada in uu yahay shaqo-doone. Waxbarashada oo lagu dhigo Jaamacad Borås waa waxbarasho-suuq shaqadeed oo aabuulay xafiiska shaqada. Ula jeedada laga lee yahay waxbrashada waxeey tahay in adiga laguu so sahal helida shaqo uu dhigmato waxbarashada iyo khibrada-xirfadeed ee aad ka wadato dalkaada hooyo.

Iswiidhiska loogu tala galay jaamiciyiinta ajnabiga

Waxbarshada iswiidhiska ee loogu tala galay ajnabiga (sfi) waxeey ku socotaa qaxootiga dalka soo galay oo leh waxbarasho jaamacadeed. Waxbarashada waxaa lagu wadaa xaawli-waxbarasho oo isdabajoog leh, waxaana lala wada waxbarashada dadka waa weeyn ee magaalada Borås iyo xafiiska shaqada. Meelaha dadka laga soo doorto waa gudaha Borås iyo Sjuhärad.

Centrum för flerspråkigt lärande, CFL

CFL, xarunta barshada ku hadlida luuqado badan, waa hey'ad-iskuuleed wada dhaxeeyso ardayda dugsiyada hoose iyo dugsiyada sare ee Magaalada Borås. CFL waxeey masu'ul ka tahay qaabilaad iyo naqshadeeynta ardayda dalka ku cusub, waxbarashada afka hooyo iyo kalkaalinta waxbarashada.

CFL hadafkeedu waxuu yahay in carurta dalka ku cusub wada fadhiyaan iskuulada 3 maalin ka dib markii ee codsiga na soo gaaro.

Caafimaadka

Isbitaalka Södra Älvsborg, SÄS, waxuu ku yaala Borås iyo Skene, waxuuna ka mid yahay afar koox-isbitaaleed ee ku yaalo gobolka Västra Götaland. Isbitaalkena waxaa lagu wado daryeel goboleed oo leh takhasusyaasha dhamaantood iyo daryeel goboleed qarkiis oo ka howl galo cudurada-burooyinka iyo shucaac ku daaweyn. Borås waxaa ku taalo ruggag caafimaad oo badan. Warbixin dheeraad waxeey ku jirtaa Närhälsan.

Akhri dheeraad ku saabsan daryeelka bukaanka ee gobolkan.

Caawinaad turjubaan

Caawinaad-turjumaan waxaad ka heleysaa ayadoo la adeegsanaayo xafiiska-turjumaanada Väst (Tolkförmedling Väst).

Xiriirka gaadiidka

Borås waa meel deegaankeedu soo jidaasho leh oo ku dadaaleeyso maalgalinta xariir gaadiid fiican. Tareeno badan ee baxaan waxeey fursad-galineeysaa in tareen loo qaato waxbarasho iyo shaqo loogu tagaayo meelo kale tusaale ahaan Göteborg.

Vässtrafik ayaa ka masu'ul ah gaadiidka-dad weeynaha gudaha gobolka Västra Götaland iyo degmada Borås. Waxeey wadaan basas, tareen, tareen magaladeedka iyo doomooyinka Göteborg iyo galbeedka Iswiidhan.

Booska Borås ee istratijiiyada leh waxuu sabab uu yahay in ee shirkado badan doortaan Borås. Borås waxeey meel-isku xir uu tahay afar jidad ee qarameed, waxaa ka mid ah jidka-weeyn ee uu dhaxeeyo Göteborg iyo Stockholm. Sido kale waxaa jiro jid-tareemeed ee afart jiho uu kala socdo. Ayadoo la racaayo X2000 waxaa Stockholm lagu tagaa in yar oo dhaafsan 3 saacadood. Safar baabuureed oo 30 daqiiqo soconaayo ayee jirtaa goobta duulimaadka Landvetter ee caalamiga ah.

Shaqo iyo ganacsi

Waxaan nahay ku dhawaad 10 000 oo qof oo ku wada jirto 248 shaqo oo kala duwan uu wada shaqeeyo gudaha xafiiska Magaalada Borås.

Borås waxeey xarun uu tahay sameeynta iyo ganacsiga laakin waxeey sido kale dhaqan dheer uu lee dahay in ee tahay magaalada dhar sameeynta. Maanta Borås waxeey xarun u utahay dhar sameeynta, hormarinta iyo ganacsiga. Shirkad badan oo ka hoowl galo dhar sameeynta ayaa xafiiskooda weeyn ku leh Borås, waxaa ka mid ah Hemtex, Gina Tricot, SVEA iyo 8848 Altitude. Xataa sameeynta qalabka iyo elegtrooniyada waa qeeyb weeyn oo ka tirsan warshadaha Borås. Halkaan waxaa ku yaalo shirkado weeyn sidii Ericsson, Volvo Bussar iyo Parker Hannifin.

J-shirkadeed oo fiican waxuu muhiim uu yahay magaaladeena. Waxaan rabnaa in aan mustaqbal fiican uu sameeyno sii ee uu hormaraan shirkadaheena, ganacsiyeenta iyo shirkad cusub dhisideeda iyo in ee shirkadaha cusub iyo maalgaliyaasha uu arkaan in ee Borås tahay meel soo jiidasho leh.

Sawirka taalada alwaaxa ka samaysan ee Binookiyo.