Dals-Ed
Degmada Dals-Eds waa degmada fursadaha, degmada keymaha, degmada wax soosaarka dhaqaalaha iyo ugu horreeyntii degmada dadka.
Xaqiiqooyinka degmada
Tirada dadka
4806
Cabirla dhulka
724 kiilomitir oo laba jibaaran
Waxeey raad ku leedahay dhaqaalaheena. Shirkado, ganacsade, degmo och heyádaha kaloo dowladda waxeey si wada jir ah ugu shaqeeyaan si loo helo xalka ugu wanaagsan oo u fiican degmada.
Waxaan heynaa hawo iyo jawi nadiif ah iyo dhul dabiici ah oo aan lataaban. Dals-Ed waxeey kuu heeysaa deegaan aamusan oo maanta ah wax eeysan dad badan heli karin. Degmada balliyadeeda oo gaaraya 400 waadka kaluumeysan kartaa, ku dabbaalan kartaa, doonna kuwadi kartaa.
Deegaan
Degmada bartamaheeda oo lagu magacaabo Ed waxaad ka heleysaa guryo la kireysan karo. Dadka qaxootiga ah waxaa jira sharci xaq u siinaya in guryo la siiyo waxaa mas'uul ka ah iskudubbaridaha is dhexgalka dadka kaasoo guryo ugu diyaarinaya shirkadda guryaha Edshus AB, oo ah shirkad dowladeed. Waxaa kaloo jira shirkadda bostadsbolaget Pineskär oo iyadana guryo dadka ka kireysa.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada
Degmada Ed waxaa looga hadlaa luqado badan luqadaha ugu waaweynna waa carabi, daari, af-soomaali, jarmal, noorweejiyaan.
Jaaliyado iyo ururu
Ed waxaa ka jira jaaliyado badan. Waxaa kaloo ku yaal kaniisado badan. Warbixin dheeraada oo ku saabsan jaaliyadaha kala duwan waxaad ka heleysaa degmada boggeeda internetka.
Maxaa ka ag dhaw
Bartamaha Ed waxaad ka heleysaa xafiiska degmada, farmashiiye, dukaamo cunto sida Willys iyo Coop/Konsum, dukaamo kabo iyo dhar, biibitooyin, dukaamada qalabka korontada iyo bangiyo. Goobta warshadaha ee lagu magacaabo Jordbron waxaa ku yaallo dukaamada Karlssons, EM-möbler, dukaamo gacan labaad, Commershuset iyo shirkado dhismo iyo dukaamo kaloo badan.

Dalyeelka carruurta
Ed waxaa ku yaal iskoollada xanaanada carruurta, xanaanada furan iyo guriga xilli firaaqaha carruurta. Warbixin dheeraada waxaad ka heleysaa degmada boggeeda internetka.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare
Iskoolka Snörrumsskolan waxaa loogu tala galay ardayda dhigata fasallada 1-3 iskoolka Hagaskolan waxaa loogu tala galay ardayda dhigata fasallada 4-9. Waxaa kalooo meeshaan yaalla iskoolka hiddaha iyo dhaqanka ee Kulturskolan i Ed, waxaana loogu tala galay in carruurta iyo dhalinyaradda sida u wanaagsan loo jecleeysiiyo waxyaabaha la xiriira dhaqanka. Cunug kasta waxaa la siinayaa fursad uu ku barto sida loo cayaaro qalabka muusikada, sida loo heeso iyo sida loo dheelo.
Dugsiga sare ee Utsikten gymnasium waxaa lagu bartaa barnaamijyada hotelka iyo dalxiiska iyo culuumta bulshada. Waxaa kaloo ku yaal degmada dugsiga sare ee ardayda dhimirka la'.
Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare
Furadaha waxbarasho
Xarunta Utvecklingscentrum waxaad ka heleysaa waxbarashada sfi. Waxaa kaloo jira koorsoonyin kale oo eey degmada Dals-Ed maamusho kana hadlaayo dhinacyada shaqada, mujtamaca iyo xisaabta.
Degmada iyo degmooyin kale oo daris ah waxeey kawada shaqeeyaan ineey dadka siiyaan warbixin ku saabsan sida uu mujtamaca u shaqeeyo oo lagu bixinayo luqadda hooyo. Waxaa kaloo jira fursado kale oo lagu dhigan karo waxbarashada loogu tala galay dadka waaweyn. Waxaad kala xiriiri kartaa la taliyaha dhinaca waxbarasha xirfadaha ee xarunta Utvecklingscenter.
Furadaha waxbarasho
Caafimaadka
Rugta caafimaadka ee Edsgärdet waxaa kuugu diyaar ah dhakhtar, kalkaaliso, rugta daryeelka carruurta BVC, rugta daryeelka hooyada, MVC. Isla dhismaha waxaa ku taal rugta daryeelka ilkaha.
Caawinaad turjubaan
Degmada waxeey diyaarineysaa turjubaan markii loo baahdo.
Xiriirka gaadiidka
Shirkadda xiriirinta gaadiidka ee Västtrafik waxeey leedahay basas meela kala duwan aada. Waxaa jira tareen u dhaxeeya magaalooyinka Oslo-Göteborg maanlin kastana ka baxa tareen isteeshinka degmada.
Shaqo iyo ganacsi
Shaqa bixiyaha ugu weyn ee degmada waa isla degmada Dals-Ed oo ka shaqeeya Qeybaha (iskoollada iyo goobaha caafimaadka iyo xanaaneynta). Waxaa kaloo jira shirkado yaryar oo badan oo ka shaqeeya dhinacyada ganacsiga, waxsoosaarka, geedaha iyo beeraha, shirkadaha adeega iyo ganacsiga la xiriira hiddaha iyo dhaqanka.