Essunga

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada waxeey lee dahay in yar oo dhaafsan 5 670 dad. 2 000 waxeey degan yihiin Nossebro, oo ah xaafada degmada ugu weeyn.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

5670

Cabirla dhulka

235 kiilomitir oo laba jibaaran

Degmada waxeey uu shaqeeysaa si soo galooytiga uu helaan fursad ee ku kulmaan iyo isku bartaan ayadoo la qabanaayo howlo kala duwan. Degamada muhiim ee tahay in aada cidlo ku dareemin. Halkaan waxaad kula kulmi kartaa dad ku hadlo afka iraan, af daari, af carabi, af ruush afka thayland iyo kuwo kale. Nala soo xarir si aad hesho warbixin, haddii aad rabto in aad afkaada ku hadasho, haddii aad rabto in aad soo guurto halkaan ama na soo booqato.

Deegaan

Bartamaha degmada ee Nossebro waxaa ku yaalo guriyaal la kireeysto. Iskuulada iyo dukaamada masaafad socod lagu tago ee jiraan. Guriyaal la kireeysto waxaa laga heli karaa Essunga Bostäder AB.

Hel shirkadaha guryaha iyo guryaha

Guryaha qoysaska oo xaga hore laga arko xadiiqad.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmadeena waxaa degan dad badan oo ka yimid dalal kale. Halkaan waxaa joogo dad ku hadlo afka hooland, af ingriis , af carabi, af daari, afka iraan, afka thayland, af ruush, afka sheesheeniya, afka booland iyo kuwa kale oo badan.

Jaaliyado iyo ururu

Degmadeena waxeey lee dahay ururo kala duwan oo badan.

Garoon kubada cagta ah oo maran lagana arko banaanka dhanka siliga.

Maxaa ka ag dhaw

Dukaamamo ku yaalo Nossebro Dukaamo cunto (Hemköpi, ICA, Ericssons chark), foorno iyo kafeteeriyo, maqaayado, dukaamo-dhar, dukaan-kabo, dukaan qamar iyo nacnac, dukaan yar, dukaamo gacan labaad ee dhar iyo alaab guri, dukaan elegtroni, dukaanka adeega telefishinka, maxadad shidaal oo leh adeeg baabur, dukaan ubax, dukaanka maadooyinka kiimikada, dukaanka dharka caruurta, baalbiyeeri, banki, Systembolag, Nossebro energi (shirkada-korantada) iyo farmashiye.

Suuqa Nossebro oo dad badan joogaan.

Xafiiska shaqada iyo xafiiska qasnada ceeymiska matalahooda waxeey imaadaan Nossebro, markii la balansado si ee uula kulmaan soo galooytiga cusub oo ka qeeyb qaadanaayo barnaamijka taabo galinta ee xafiiska shaqada.


Iskuulka 1-9 waxaa ku dhagan maktabad dadka dhan loogu tala galay. Halkaan waxaa ka jirto fursad lagu amaahdo bugaag ku woran luuqado kala duwan.

Dalyeelka carruurta

Halkaan waxaa ku yaalo dugsi xanaano iyo dugsi xanaano ee maalmeed oo loogu tala galay caruurta 1-5 jir ah iyo guriga xiliga firaaqada loogu tala galay caruurta uu baahan kormeer iskuulka ka hor iyo kadib markii ee hooyadu iyo aabaha ee mashquulsan yihiin. Halkaana waxaa ka jiro goob xili firaaqeed oo loogu tala galay caruurta xooga weeyn oo habeenkii furan.

Goobta lagu ciyaaro lehna leexooyin iyo caruur ku leexaysanaysa.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Nossebro waxuu lee yaay iskuul loogu tala galay fasalka 1 ilaa 9. Degmada waxeey heshay toojignaan badan iskuulada horumar gaaray. Ardayda dugsiyada sare waxeey tagaan Trollhätaan, Vara ama Vårgårda.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Furadaha waxbarasho

Dadka waa weeyn waxeey dhigan karaan barashada iswiidhiska soo galooytiga, waxbarashada dadka weeyn ee heerka hoose ama sare gudaha Nossebro. Halkaan waxaa laga isticmaali karaa kombiyutaro gacanta lagu qaadi karo iyo qalab-caawinaad oo kala duwan markii lagu jiro xiisada. Halkaan waxaa ku yaalo qol-kombiyuutareed oo laga dhigan karo koorsooyin kombiyuutaro oo kala duwan. Koorsooyin qaarkood waxaa la dhigan karaa ayadoo laga akhrisanaayo masaafad, kombiyuutarka laga dhiganaayo.

Caafimaadka

Nossebro waxaa ku taalo rug caafimaad, farmashiye, rugta caafimaadka hooyoyinka iyo daryeelka ilkaha oo joogaa dhakhtar, kalkaaliso bukaan, umuliso iyo in kale. Rugta caafimaadka waxaa ku ag dhagan degaanka-waayeelada.

Caawinaad turjubaan

Xarunta-bilaabadka waxaa ka shaqeeyo xoghaye-qaxooti oo qaxootiga ku cusub meesha ka caawinaayo jiheeyn gudaha degmadooda cusub. Halkaan waxaa la imaan karaa si loo elo tageero iyo talo markii loo baahdo. Markii aad ku cusub tahay anaga ayaa ku caawineeyno. Lambarka telefoonka waa 0512- 571 66.

Xiriirka gaadiidka

Nossbro waxeey ku 2 maayl uu jirtaa Vara, 4 maaylna Trollhättan, 8 maaylna uu jirtaa Göteborg. Bas ayaa halkaas ku tagi kartaa. Waqtigyada baska baxo waxeey ku jiraan bogga Västtrafik.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada waxaa ku yaalo shirkado badan. Shaqo dhiibaha weeyn waxaa ka mid ah Dahrentråd ee gudaha Jonslund, Componenta gudaha Främmestad iyo Ginza ee gudaha Fåglum.