Göteborg

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Göteborg waa magaalada labaad ee ugu weyn Iswiidhan waxeeyna ku taalaa badda agteeda dhinaca xeebta galbeed. Wabiga Göta Älv ayaa dhex mara magaalada oo wax ka yar saacad ayaa lagaga tegi karaa magaalada bartankeeda laguna gaari karaa jasiiradaha biyaha.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

573852

Cabirla dhulka

448 kiilomitir oo laba jibaaran

Waxaa kaloo meeshaan yaallo darjiinooyin ku yaal bartamaha magaalada iyo meelo doog cagaaran iyo beero eey ku yaallaan. Göteborg waxeey ku siineeysaa wax kasta oo laga helo magaalo weyn isla markaana waxaad dareemeysaa jawigeeda inuu yahay jawi magaalo yar oo kale maadaama magaalada qeybaheeda kala duwan eey isku dhow yihiin. Göteborg waxeey caan ku tahay munaasabadaha waaweyn sida isboortiska, damaashaad iyo dhaqanka tusaale ahaan munaasabada Hammarkullekarnevalen, xaflad dadka loo qabto, iyo munaasabada hiddaha iyo dhaqanka, oo ah mid ka mid munaasabadooyinka ugu waaweyn wadamada iskandaneefiyaanka oo dhan.

Deegaan

Göteborg waxaa ku yaal dhammaan nuucyada kala duwan ee guryan. Badanaa shirkadda kireeysa guryaha waxaa la dhahaa Boplats Göteborg.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Göteborg waxaa looga hadlaa luqado dhaafaya 100. Boqolkiiba 23 dadka Göteborg waxeey ku dhasheen wadanka bannaankiisa. Wadamada eey dadka ajaanibta ka imaadeen badankood waa wadamada Ciraaq iyo Iiraan, waxaa kusoo xiga Fiinlaand, Boosniya & Hersegofina, Yuguslaafiya, Booland, Soomaaliya, Turkiga, Shiina iyo Noorwey.

Jaaliyado iyo ururu

Waxaa magaalada Göteborg ka jira jaaliyado badan oo qaxootiga eey leeyihiin.

Gabdho ciyaaraya ciyaar ah kubada cagta

Maxaa ka ag dhaw

Magaalada Göteborg waxeey u kala qeybsantahay 10 xaafadood. Maamul degmadeedka waxuu mas'uul ka yahay adeegyada dadka degan degmada. Adeegyada waxeey tusaale ahaan noqon karaan xanaanada carruurta, dugsi hoosedhexe, daryeelka howgabka iyo maktabad.

Horudhac loogu tala galay dadka Iswiidhan ku cusub

Hadaad ku cusub tahay Iswiidhan waxaad caawimaad lagaa siinayaa sidii aad ula qabsan laheeyd mujtamaca iyo bulshada iswiidhishka. Magaalada Göteborg waxeey tusaale ahaan kaa caawineysaa sidii aad ula kulmi laheyd dad cusub iyo sidii aad u baran laheyd luqadda iswiidhishka, caafimaadka iyo iskoolka.

Xarunta hagida qaxootiga ee magaalada Göteborg

Xarunta hagida qaxootiga ee magaalada Göteborg waa meel leesku soo dhaweeyo oo illaa sanadkii 2003 ka caawisa dadka iswiidhishka ah ee Göteborg iyo dadka qaxootiga ah ee ku cusub wadanka sideey iskula kulmi lahaayeen. Marka laga reebo kulamada waxeey xaruntaan sameeysaa kulamo kooxo kooxo ah iyo xalaqado waxbarasho ayagoo ka duulaya dakda waxyaabaha eey xiiseeyaan sida filimada, heesaha, muusikada, cunto kariska, dabbaasha iyo baaskiil wadida.

Laba haweenay ah oo kulmay kuna wada qaxwaynaya goobta Hagida Qaxoontiga ee Göteborg.

Xafiis warbixin oo luqado badan leh.

Hadaad wadanka Iswiidhan ku cusub tahay waxaad caawimaad dhinaca warbixinada kala duwan ka heli kartaa xafiiska warbixinta oo luqado badan looga hadlo. Xafiiska warbixinta waxuu kaa caawin karaa:

  • Inlaguu fasiro foomamka iyo warbixinada kaloo aad wadatid
  • In lagu sheego sida eey bulshada iswiidhishka u shaqeeyso
  • Sida loo helo hey'daha kala duwan
  • Sida loo helo warbixin sax ah
  • In talo lagaa siiyo su'aalaha kala duwan
Sawirka xafiiska macluumaadka

Xafiisyada arrimaha maddaniga ah

Xafiisyada arrimaha maddaniga ah waxeey warbixin kaa siinayaan shaqooyinka kala duwan ee ka socda xaafada aad degan tahay. Waxaad heli kartaa warbixin ku saabsan tusaale ahaan su'aalo bulshadeed kala duwan, xanaanada carruurta, iskoolka, daryeelka duqoowshinka, jaaliyadaha, su'aalo ku saabsan iibsiga ama su'aalo la xiriira guryaha la dego.

Darjiinka beerta Kretsloppsparken Alelyckan

Darjiinka beerta ee Kretsloppsparken Alelyckan waxaa ku yaal saddax meelo ganacsi ah oo eey maamulaan Återbruket, Stadsmissionen och Returhuset. Waxaad meeshaas ka gadan kartaa alaab, dhar iyo waxyaabo kale oo gacan labaad ah, aadna rakhiis u ah.

Dalyeelka carruurta

Dugsiga xanaanada iyo hoyga maalinti ee qoysaska

Waxaad jira xanaano carruureed badan oo aad kala dooran kartid oo loogu tala galay ilmaha u dhaxeeyo hal illaa shan sano. Iskoolka xanaanada caruurta waa kan caadiga ah , laakin waxaa kaloo jira guryaha xanaanada carruurta ( oo xataa la dhaho hooyomaalmeed).

 

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Dugsiga hoose-dhexe

Dugsiga hoosedhexe waxuu waajib ku yahay carruurta oo dhan. waxaa la dhahaa waxbarashada khasabka ah. Warbixin dheeraada oo ku saabsan sida eey dugsiyada hoosedhexe u shaqeeyaan waxaad ka heli kartaa magaalada Göteborg boggeeda internetka. Meeshaas waxaad ka heleysaa warbxino ku saabsan xilliyada iskoollada eey furan yihiin, cuntada iskoolka iyo macluumaadka xiriira ee dhamaan iskoolada ku yaal Göteborg.

Dugsiga sare ee caruurta laxaadkoodu kala dhantaalanyahay

Da'daada hadeey u dhaxeeyso 16-20 sano isla markaana aad dhameeysay dugsiga hoosedhexe waxaad dalban kartaa dugsiga sare. Waxaana jira 18 barnaamijyo waxbarashadeed heer qaran ah oo aad ka akhrisan kartid dugsiyada saree ee ku yaal nawaaxiga gobolka Göteborg.

Furadaha waxbarasho

SFI (Iswiidhiska soo galooytiga)

Sfi ( iswiidhishka loogu tala galay qaxootiga) waa waxbarasho ku saabsan luqadda iswiidhishka ah oo loogu tala galay dadka aan luqadda iswiidhishka u heeysan luqadooda hooyo. Markaad baraneysid sfi waxaad kaloo baraneysaa sida eey bulshada iswiidhishka u shaqeeyso.

Jiheynta dhinaca bulshada

Jiheynta dhinaca bulshada waa waxbarasho ku saabsan mujtamaca iswiidhishka ah, waxaa loogu tala galay dadka ku cusub wadanka Iswiidhan. Waxaa meeshaan laguugu baraa xuquuqdaa leedahay iyo xuquqda laguugu leeyahay, dimuqraadiyada iswiidhishka ah iyo sidey ukala habeysan tahay bulshada. Waxaa kaloo laguugu sida nolol maalmeedka uu yahay

 

 

Koox ku jirta macluumaadka bulshada oo kulmaysa.

Waxbarashada dadka waaweyn, komvux

Waxbarashada dadka waaweyn ee komvux waxaad heleysaa fursad aad ku dhameysatid waxbarashada heerka dugsiga hoosedhexe ama sare. Shuruuda khaas ah ayaa laguugu xiri karaa si aad u raadsatid jaamacad ama machad xirfadeed. Waxaa kaloo baran kartaa farsamada gacanta. Boggeena internetka waxaad ka heli kartaa warbixin dheeraada oo ku saabsan waxbarashada dadka waaweyn.

Waxbarashada gaarka ah ee dadka waaweyn, Särvux

Särvux (Waxbarashada gaarka ah ee dadka waaweyn) waa waxbarasho loogu tala galay dadka waxbarashada eey ku adagtahay ama dadka maskaxda ka xanuunsan.

Waxbarashada xirfadaha

Ma rabtaa inaad xirfad baratid? Waxaa jira waxbarasho xirfadeed aad gali kartid si aad hadafkaada u gaartid. Waxbarashada dadka waaweyn ee magaalada Göteborg waxeey qabanqaabisaa waxbarasho xirfadeed qaadanaya wakhtiyo yar iyo wakhtiyo dheer labadaba.

Caafimaadka

Mas'uuliyada daryeelka caafimaadka waxaa haaya gobolka Västra Götalandsregionen. Magaalada Göteborg boggeeda internetka waxaad ka heli kartaa macmuulaadka xiriirka ee isbitaallada, rugaga caafimaadka, rugaga daryeelka carruurta iyo xarumada kale ee qaabilaada bukaanka ee Göteborg. Meeshsaas waxaad kaloo ka heli kartaa macluumaad la xiriira daryeelka ilkaha, cuntada iyo caafimaadka.

Caawinaad turjubaan

Hadaadan ku hadli karin luqadda iswiidhishka waxaad xaq u leedahay in laguu qabto turjubaan markaad la kulmeeysid hey'adaha dowlada ee kala duwan. Waxeey noqqon kartaa iskoolka carruurtaada ama markaad booqaneysid xafiiska shaqada.

Xiriirka gaadiidka

Xiriirka gaadiidka dadweynaha ee magaalada Göteborg waxaa maamula Västtrafik. Waxeeyna gaadiidyada kala yihiin, tareennada dhulka korkooda ku socda ee magaalada, basas, tareennada magaalooyinka kale u safra iyo markabo. Magaalada Göteborg boggeeda internetka waxaad ka heli kartaa warbixin dheeraa oo ku saabsan gaadiidka dadweynaha.

Tareenka magaalada ka dhex shaqeeya

Shaqo iyo ganacsi

Shaqa bixiyaha ugu weyn waa degmada Göteborg, magaalada Göteborg. 49 000 ayaa u shaqeeysa magaalada Göteborg waxeeyna ka kala shaqeeyaan 100 shaqooyin oo kala duwan.

Göteborg waxeey leedahay shirkado wax soosaar oo waaweyn iyo dhaqaale ganacsiyada kala duwan oo weyn. Waxaa meeshaan ku yaal dekadda ugu weyn iskandaneefiyaanka oo dhan. waxaa ka dhisan shirkado waaweyn sida Volvo Cars, Volvo Trucks, SKF, Ericsson. Kuwa kaloo waaweyn oo ka dhisan gobolka waa Mölnlycke Health Care, Astra Zeneca iyo Ericsson.

Göteborg waa magaalada munaasabadooyinka, dhaqaalaha kasoo gala dalxiiska aad ayuu muhiim ugu yahay magaalada. Ku dhowaad 16 000 oo qofood ayaa ka shaqeeysa shaqooyinka la xiriira dalxiiska. Waxaad shaqooyinka ka banaan Göteborg ka raadin kartaa xafiiska shaqada boggiisa internetka.

Bilow shirkad gaar kuu ah

Waxaa jira waxyaabo badan oo la rabo inaad ku fikirtid markaad furaneysid shirkad. Waxaa jira dad iyo ururo adan oo kaa caawin karo. Magaalada Göteborg boggeeda internetka waxaad ka heli kartaa warbixin dheeraa oo ku saabsan sida lagaaga caawiin karo markaad shirkad furaneysid.

Hoolka Suuqa ku yaala Göteborg.